Kansarka Dhuunta Ama Hunguriga (ESOPHAGEAL CANCER)

Waa maxay kansarka dhuunta ama jidiinka? ( what is esophageal cancer)?

Waa kansarka kudhaca unugyada ku weeqaaran gudaha dhuunta , lagabilaabo cunaha ilaa caloosha inta u dhexaysa.

EPIDEMIOLOGY (sidee kuyahay bulshada soomaalida)

Kansarka jidiinka oo aad ugusii kordhaya bulshada soomaalida wuxuu kudhacaa sida badan dadka waayeelka ah oo da’dooda 60 sano tahay celcelis. Wuxuuna kudhaca inta badan raga boqolkiiba 80 ( prevalence Male:female = 4:1 )
NOOCYADIISA (TYPES)

Wuxuu ukalabaxaa labo nooc, kuwaas oo kala ah:

  1. Squamous– noocan oo kabilaaban kara meel walbo oo jidiinka kamid aha
  2. Adenocarcoma – noocan wuxuu kabilowda isgoyska udhexeeya caloosha iyo jidiinka,gaaska caloosha daraadeed oo dib ugusoo noqda jidiinka

ARRIMAHA SABABA/KEENA (RISK FACTORS)

  1. Sigaarka oo lacabo ( tobacco smoking )
  2. Khamra badan oo lacabo ( high alcohol intake )
  3. Cabitaanka kulul oo mudo dheer lacabo sida shaaha mise qaxwada ( long term consumption of hot beverages for example tea or coffee)
  4. Nafaqo xumo – sida cuno ay kuyartahay fiitamiinka A , C , iyo cunada leh kiimikada looyaqaano Nitrosamines sida cuntada qiiqa lagukariyo ( consumption of diet deficient in vitamins A , C and nitrosamine containing foods found in smoked and pickled foods )
  5. Shucaac mar hore qof lagudaaweeyay ( prior radiation therapy)
  6. Cayilka (obesity)
  7. Cunada saliida xoolaha kubadantahay ( diet rich in animal fat and cholesterol)

CALAAMADAHA LAGUGARTO QOFKA QABA KANSARKA JIDIINKA(SYMPTOMS)

  1. Qofka oo liqida dhibto ama xanuujiso ( difficulty or pain while swallowing )
  2. Cunada oo dib jidiinka ugusoonoqota ( regurgitation)
  3. Qofka oo miizaankiisa hoos udhoco ( loss of weight)
  4. Feedho xanuun ( chest pain )
  5. Mantaq ( vomiting )
  6. Iyo calaamadaha markuu jidhka kufaafo lagu garto sidha Higo ( hiccoughs), bog xanuun (abdominal pain)dhabar xanuun(back pain), xabeeb (hoarseness of voice ) cagaarshow (jaundice) neefta oo qofka dhibta ( difficulty in breathing ) saxarada oo madoobaata (melena)

SIDA LOOGA HORTAGO (PREVENTION)

  1. In aadan cabin khamrada iyo sigaarka ( do not consume alcohol and smoke cigarette )
  2. Cabitaanka kulul ood iskayarayso ama iskadhaafto ( stop consuming hot beverages)
  3. In aad iskajoojiso cunada warshadaha lasoomariyay ama kuwa qiiqa lagukariyay ( stop consuming processed and smoked foods)
  4. In aad cuntid cuno dheelitiran oo iskugujirta noocyada cuntada oo dhan sida khudaarta iyo miraha ( take balance diet rich in vitamins e.g vegetables and fruits )
  5. In aad kudadaasho sida aad iskagabadali lahayd hab dhaqameedka nooleed sida jimicsiga jidhka (lifestyle changes e.g regular exercise)
  6. In aad iskayarayso saliida xoolaha lagadhaliyo ( minimize consumption of animal fats and cholesterol intake)

SIDA LAGU OGAADO(INVESTIGATIONS)

  1. Diiga guud – dig yari (anemia)
  2. Barium swallow
  3. In tuubo bukaanka jidiinka lagagaliyo (Endoscopy )
  4. CT scan
  5. In qofka hilib yar ama dhaacaan lagaqaado ( biopsy)

DAAWEYNTIISA (MANAGEMENT)

  1. Qalniin hadii uu bukaanka xili quman xaaladiisa laogaado ( surgery )
  2. Radiotherapy
  3. Chemotherapy
  4. Iyo in bukaanka lalatacaalo si uuna cudurka usiifaafin ama dhibka xanuunka lagabar yareeyo (palliative care)

F.G : mar walbo la xariir dhakhtarka si aad u hubsato heerka caafimaadkaaga hadaad iskashakido, waxaadna ogaataa cudurada qaarkood waa isku calaamado!!

Prepared by : Prof Dr Shaafie Aadan Dirir

Check Also

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *