KANSARKA DHIIGGA: Sababaha Keena, Astaamaha Lagu Ogaado Iyo Sida Looga Hortago

Kansarka dhiigga (leukemia) Waa kansarka haleela unugayada jirka u sameeya dhiigga. Unugyadaan oo ay ka mid yihiin dhuuxa iyo limfiga ayaa aassaas u ah sameynta unugyada dhiigu ka koobanyahay.

lukiimiya waxay la xidhiidhaa unugyada cad ee dhiiga. Unugyadaan ayaa jirka u qaabilsan inay ka difaacaan waxyaabaha soo weerara oo ay ka mid yihiin ilma qabatadu. Unug ka mid ah dhiiga cad oo aan qaangaar ahayn ama dhamaysan habka uu ku noqon karo unug waxtar leh ayaa dhuuxu ka sameeyaa koobi aad ubadan. Unuga aan qaangaarka ahayn waxaa uu qabsadaa boosas badan oo soo saari lahaa unugyada kale ee dhiiga siiba kuwa cad. Tani waxay keenaysaa in soo saarida unugyada cad iyo kuwa kale ee dhiigga ee caafimaadka qaba ay hoos u dhacaan.

Soo saaridda unugyada cad oo aad u farabadan kuwaasoo aan caadi ahayn ama aan qaangaarin, waxay qabsanayaan inta badan boosaska dhuuxa iyo limfiga ee soo saara unugyada kale ee dhiigga. Waxay ku fidaan xubno kale oo ay kamid yihiin beerka iyo beeryarada halkaas oo ay ka buuxsamaan, waxaana dhacaysa in xubnahaasi ay cabirkooda ka weynaado marka ay caadiga yihiin

Maxaa sababa kansarka dhiigga

lukiimiya (leukemia) waxay ka koobantahay qaybo kala duwan, kuwaasoo badankoodu ay ku dhacaan caruurta. Kaankaradaan malahan sabab gaar oo loo aaneeyo jiritaankeeda balse waxaa lala xiriiriyaa arimo ku saabsaan dhaxalka iyo kuwa laga qaado deegaanka. Waxaa kamid ah qodobada lala xiriiriyo, Down syndrome (Trisomy 21 Syndrome), Von Reckinghausen’s Disease, Fanconi’s anemia, Philidelphia chromosome (for chronic leukemia) waxyaabaha laga helo  deegaanka la xariira ayaa noqon kara kiimikada loo yaqaano benzene, feyruska, shucaaca iyo xanuunada la xidhiidha difaaca jirka.

Waa maxay astaamaha lagu garto kansarka dhiigga?

Bukaanka uu haleelo kansarka dhiigga ayaa la dhibaatoon kara xumad iyo dhidid tan ayaa loo sababeeyaa in unugyada dhiiga cad ay soo daayaan qandho sababa yaal kuwaasoo qayb ka qaata difaaca jirka. Lukiimiya ayaa waxay kaloo caan ku tahay cadadka dhiiga oo yaraada, tan ayaa sabab u ah bukaanku inuu dareemo wadna garaac iyo tabar yari. Difaaca bukaanka ayaa hoos u dhaca waxaana uu unuglaadaa inay haleelaan infekkshino. Heerka xinjirowga qofka ayaa hoos u dhaca waxaana dhacda in bukaanku uu lumiyo dhiig xataa hadii ay ku dhacaan wax aad u yar. Waxaa bukaanka jirkiisa laga arki karaa maqaarka hoostisa oo dhiig ku faafo.

Lafo xanuun iyo miisaanka jirka oo hoos u dhaca ayaa lagu arki karaa bukaanka qaba kansarka loo yaqaan Lukiimiya.

Astaamaha kale ee lagu arki karo bukaanka waxaa ka mid ah:

  • San-goror (dhiig ka yimaada sanka)
  • Neefta oo qofka ciriiri ku noqota (tani waxay kaloo astaan u noqon kartaa kansarka sambabada)
  • Cirridka oo barara islamarkaana waynaada
  • Dibiro
  • Qandho
  • Dhidid badan habeenkii

Ma la daawayn karaa Lukiimiya

Daaweynta kansarka dhiigga ayaa ku xiran qodobo badan oo ay ka mid yihiin nooca kansarka, da’da bukaanka, inay ku faaftay qaybaha kale ee jirka iyo guud ahaan caafimaadka shaqsiga tusaale ahaan in bukaanku uu qabo xanuuno kale iyo inkale. Waxaa jira daawooyin kala duwan oo loo isticmaalo daweynta xanuunkaan. Dadka da’da yar iyo caruurta ayaa ugu jaanis fiican waana mid inta badan lagu guuleysto daaweyntooda. Bukaanka ayaa u baaahan baxnaanin.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *