Kansar, Khatar Ma Dhalaysnimo, Xanuunnada Wadnaha Iyo Beerka Iyo Cillado Kale…. Fadlan Iskajir Biyaha Caagadaha

biyaha, caagada,

Iska jir cabbitaanka Biyaha warshadaysan ee Caagadaha, gaar ahaan xilli kulaylaha. Waxaa ka digtay cilmibaadhis cusub oo lagu ogaaday in cimilada kulul, gaar ahaan qorraxdu ay raad taban ku yeelato maaddooyinka kiimikaad ee biyo sixaha (Looma jeedo magac shirkadeed), taasina ay abuurto khataro caafimaad.

Cilmibaadhiso hore ayaa lagu ogaaday, in biyaha caagadda ee warshadaysan ay la socdaan maaddooyin kiimikaad oo khalkhal ku keena hormoonnada, waxaa ka mid ah iskudhiska kiimikaad ee Bisphenol A (BPA) oo sida oo kalana laga helayo dhammaan cuntooyinka iyo cabbitaannada ku jira caagga/bacda (Balaastigga). Waxaa ay keentaa xanuunnada Wadnaha ku dhaca, Macaanka/sonkorow, iyo khalkhal ku yimaadda dheecaannada beerka. Sida oo kalana waxa ay yaraysaa soosaarista Xawoda / Manida (Sperm), waxa aanay khatar ku tahay xidhiidhka ka dhexeeya unugyo neerfeedyada jidhka, taas oo keenaysa in calaamadaha gabowgu ay ku soo degdegaan maskaxda.

Maaddooyin kiimikaad tiro badan oo daraasaddan cusubi ku ogaatay biyaha caagadaha waxaa kale oo ka mid ah, maaddooyin lagu yaqaanno kansarka, sida (N-Hexadecane). Waa maaddo sunteedu aad u badantahay, laguna ogyahay in ay keento Kansar.

Inkasta oo daraasaddan dambe ay tilmaamtay, marka la eego halkii caagad ee biyahan ah, in xaddiga maaddooyinkan kiimikaad ah ee ku jiri karaa uu aad u yaryahay, haddana waxaa khatarta xoojinaya joogtaynta cabbitaanka biyaha caagadaha oo badin kara xaddiga maaddooyinkan kiimikaad ee jidhka gelaya, iyo daraasadaha sheegaya khatarta biyaha caagadda ku jira oo aad u tiro badan.

W/D: Kamaal Marjaan

Aljazeera/Wakaalada wararka ee QNA, iyo wakaalado kale

Check Also

biyaha jirka, oonka haraadka,

Biyaha Oo La Badsado Waxaa Laga Helaa Faaidooyinkan

Ilaahay wuxuu biyaha ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa sii dheer in jirka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *