Kaluunka Qasacadaysan Ee Tuunaha: Khasaarihiisa Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee….

Kalluunka ugu badan ee qasacadda lagu keeno waa nooca “tuunaha”, waa kalluun lagu sameeyay cilmi baadhisyo badan.

Tuunaha qasacadaysani waa cunno fudud oo diyaarsan, islamarkaana laga heli karo xadi  badan oo barootiin ah.

Inkasta oo kalluunka qasacadaysan uu yahay il hodan ku ah barootiin, qiimo ahaanna uu raqiis yahay haddana waxaa uu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhalan kara hadii cunistiisa lagu talax tago sababtuna waa curiyaha meerkuri oo ah maado sun ku ah caafimaadka, taas oo ku badan kalluunkan

Haddaba warbixintan oo uu Daryeel Magazine ka soo xigtay shabakadda Eat This, Not That, waxa ay soo bandhigaysaa khataraha caafimaad ee tuunaha qasacadaysan

Waxa ay dhaawici  kartaa bacrinimada ama awoodda uureysiga:

Daraasad la sameeyay sannadkii 2019-kii ayaa daahfurtay in maadada meerkuri oo jidhka ku badataa ay daciifin karto shaqada taranka, sidaas awgeed haweenka doonaya inay uur qaadaan waxaa lagula taliyaa inay doortaan kalluunka dabiiciga ah khaasattan noocyada ay ku yartahay maadada meerkuri sida salmoonka.

Meerkuri waxay khatar ku  tahay koritaanka maskaxeed ee caruurta

Warbixin caafimaad oo dhowaan Maraykanka ka soo baxday ayaa lagu sheegay, in maadadda kiimikaad ee Meerkuri oo ku badan kalluunka qasacadaysan ee Tunaha, ay dhexgasho, falgalna la samayso maskaxda ilmaha uurka ku jira iyo jidhkiisa labadaba. Taas oo keenaysa khatar ah in ilmuhu uu noqdo damiin, fahamkiisu adagyahay oo dhibaato weyn kala kulma waxbarashada. Waxa kale oo ay keeni kartaa in ilmuhu uu waayo laxaadka aragga iyo maqalka.

Waxa ay raad taban ku yeelan kartaa heerarka cadaadiska dhiigga:

Cilmi baadhis ayaa iftiimisay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya maadada meerkuri iyo dhiig karka, kolestaroolka kacsan iyo ihalista wadne qabadka oo siyaada.

Sida oo kale, dheecaanka tuunaha la socda ma ahan kalluunka maraqiisa ama salidiisa waa biyo milix leh ama saliid cadeey lagu daro marka tuunaha qasacadaha lagu gurayo. Qaar ka mid ah shirgadaha tuunaha soo saara waxa ay ku daraan sodium badan. Isticmaalka milixda oo si joogto ah la badsado waxay keeni kartaa xanuunka dhiig karka iyo cilladaha wadnaha.

Waxaa waajib ah in qofku uu aad uga taxaddaro cunnooyinka qasacadaysan gaar ahaan marka ay ku jirto maadada “sodium” sida kalluunka tuunaha ee qasadaysan.

Sumowga meerkuri waxa ay sababi kartaa aragga iyo xasuusta oo ka luma dadka waa wayn:

Sunta meerkuri waxa ay dhaawici kartaa neerfeyaasha aadamaha, haddii suntaasi ay jidhka ku badato dhibaato ayay u gaysan kartaa, waxaana lagu gartaa kabuubyo joogto ah, gariir gacmaha ah, socodka oo dhib noqda, murqaha oo daciifa, aragga oo daciifa, xasuusta oo yaraato, Sidaas awgeed, dadka waa wayn waxaa lagula taliyaa inay yaraystaan cunista tuunaha qasacadaysan.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *