Ka tali caafimaadkaaga

Cuduro aan heybtooda la aqoonsan horena aan loogu arki jirin gayigeena ayeynu la kawsaney qarnigan, kuwaas oo aan inoo kala eegin yar iyo weyn iyo Rag iyo dumar toona oo ina haleelay uun, cuduradaa waxa kamida Macaanka, Dhiig karka, Wadna Xanuunka, Kansarka, Beer xanuunka, Kalyo istaaga, indho la’aanta iyo inkaloo la hal maasha, adaa ku dari wixii kale,e  ee dubaaqaaga kusoo dhaca.

Haddaba waa yaabe maxey inaga soo dooneen? Se xilimay inasoo gaadheen? Maxaase sabab u ah soo if-bixidooda?.

Wax badan ayaa is badellay waayadii u danbeysay, dabcan is badelkaasi  dhinacyo badan ayuu taabtey oo nolosheena ka mid ah,  balse waxeynu diiradda saareynaa xaga maceeshada amaba wax alla wixii hunguri mar loo adeegsado.

Cunooyinka aynu cuno ama kuwa loo adeegsado diyaarinta cunto bisil ee leh Bariis, Baasto, Makaroone, Daqiiq, Saliid, Buskud, Nacnac, digir, Harikoo….IWM iyo cabitaanada aynu cabno ha noqdaan Caano, cabitaanada Kaarboonta leh iyo kuwa aan laheynba iyo wixii la mid ah halkan kuma idleyn karnee, waxa laynooga soo waaridaa dalka dibeddiisa. yeelkeedee haba lasoo dhoofiyee waxey jac ku dhigeen inaguna waxeynu ka soo qaadaanaa kuwa ugu liita ee ugu tayadda xun.

Ma ogtahey in wax kasta oo qasacadeysan sida daasadaha Fuulka, digirta cagaaran (green Peas), Qasaacadaha Tamaada (Gurgur) oo ah wax yaabaha ugu saameynta badan dadkuna aad iyo aad ula qabsadeen adeegsigeeda, dumar badanina aamineen inaaney cunto macaani jirin la,aanteed halisteeduna qofkasta soo gaadheyso madaama oo meel kasta lagu hayo, iyo daasadaha sharaabkuba iney idilkoodaba leeyihiin halis caafimaad oo wax yeelayn karta qofka adeegsada.

Waxa kale oo iyana jira wax kale oo loo yaqaano Maraq digaag (Jumbo) oo isagu ah sun lacag lasoo siisto, dadkiina aad u qabatimeen adeegsigiisa oo cuntooyinka lagu dhanaaniyo, qoysaska qaarna ilaa 10 xabo laga yaabo iney dhariga ku darsadaan, bahalkaa Maraq digaaga la leeyahay waxa la cadeeyay inuu ka sameysan yahey lafo digaag oo ka ah in yar oo kamida sidoo kalena ay ku jirto sun loo yaqaano afka ingiriisida (Slow Killing poising) afkeenana ku ah Sunta aayar wax u disha, iskusoo wada xooriyoo shaki miyuu kaaga jiraa inuu sun yahey aad guriga ku haysato, wax yar oo kalena aynu tusaale usoo qaadano kajabta (Ketchup) sidaad aragtey waxa ay ka sameysantahey tamaandho lakiin waa tamaandho khaa,istey oo laguu qariyey, carruurteenu aad bay u jecel yihiin inaguna waynu ugu roonahey lakiin waxeynu ka dhoohanahey iney guud ahaaba abateedka amaba doonista wax cuniseed ee ilmuhu ay baaba,ayso markasta oo uu badsado iyada, miyoonaaysta iyo dhandhaan kale oo badan.

Qushi ku talax tagi mayno arinkaa faqidaadiisa balse waxaan wax yar soo qaadan lahaa dhanka kale cunooyinka aynu gacmaheena ku beerno ee aynu ka Ab ka Ab kusoo caano maalney, cudur iyo caabuq toona aan lagu sheegi jirin, inana aynaan uga baran, cuntooyinkaa hodanka ah waxa ka mid ah Garawga, Arabikhida, Qamadga, Sareenka, Heeda, Digirta iyo khudrado badan oo Ale SWT gayigeena ku maneystay, cunooyinkan waxa lagu tiriyaa kuwa ugu waxtarka iyo tamarta badan marka la eegayo dhinaca caafimaadka Aadamaha, Taas waxaaba sii dheer faa,iidada ay leeyihiin khudaarta cuseybka ah ee hadda lagaaga soo jarey beeraha ee imika aduunku aad ugu mashquulsanyahey helidiisa si ay uga dheefsadaan wixii manaafacaada ee ku jira.

Haddaba waa su,aal da,weyne maxaa inaga dhaga adkeeyay ee inaga sii jeediyey ineynu cuntooyinka quudano si aynu uga nabed galno xanuuno badan oo la sheegay iney cunooyinkaa soo galeytiga ahi sababo u yihiin?

Akhristaha sharafta badanoow waxaan ku xasuusin lahaa in lagu gudo jiro bishii barkaysneyd ee Ramadaan taasi oo ay is badeleen wakhti cuneedyadii kow & tobanka bilood ee kale loona baahan yahey in aad looga taxadiro waxa caloosha la galinayo si aaney u noqon mid halis kugu keentaa mustaqbalka dhaw iyo ka fog ba madaama ay calooshaadu wakhti badan madhnaaneyso, saacado gudahoodna aad loo buuxinay.

W/Q: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Check Also

khudrado, wadnaha

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *