Ka Kaca Hurdada (Qormo Muhiim Ah)

“Ka Kaca Hurdada” – W/Q. Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed

Ka kaca hurdada oo u damqada dalkan iyo dadkan idiin baahan, waa idinka salaankii lagu dhisi lahaa wadankan. mustaqbalka ummadeed maanta waxaa lagu lammaaneeyaa tirada iyo tayada dhalinyaradeedda. Ummaddii aan dhalinyaro aqoon leh u kicina meel ugama bannaana ad­duunka mana eedayn doonaan naftooda mooyee cid kale.ka kaca hurda

Waa in aynu abuurnaa caqli cusub iyo murti cusub oo la talaabsanaya wakhtiga cusub, inta taa la abuurayaanna waa in la helaa niyad wanaag iyo kartidda aynu kaga midho dhalin karno dadaalkeena horumarineed. Waa in aynnu baadhnaa dhibaatooyinka ina haysta iyo helitaanka xalkoodda oo waara, tilmaamnaaa meelaha isbadalka looga baahan yahay. Waa in aynu mar walba ka shaqaynaa wax-abuur iyo horu-socod, diidnaana wixii khaladda kana tagnaa caadooyinka ina ragaadiyay ee ka midka yihiin Qabyaaladda iyo Qaraabo-kiilka iyo Eexda iyo Fadhi-ku-dirirnimadda wakhtigeenu inagaga lumay, waa in aynu raadinaa nidaam xal inoo ah oon laga talaabi karin oo dhaama kan aynu maanta haysano. Nidaamkaasi oo noqda mid ku salaysan caddaalad, himilooyinkiisuna yihiin cidhibtirka wax kasta oo xaaraan ah.

Waa in aynu isu diyaarinaa hogaamiyaashi bari ee ummadan dhiirri-galin lahaa, dhaqaajin lahaa, niyaddooda bili lahaa, dadkeenana ka dhigi lahaa ummad meel fog higsanaysa,  waa in lafaheena aynu u hurnaa oo u hibaynaa wadankeena iyo diinteena suuban si aynu aduun iyo aakhiroba u liibaano. Ummadahan horu-maray dhalinyaradoodii ayaa u hagar baxay, u hilaadiyay guri barwaaqo iyo horrumar, waxay ku liibaaneen hanka dhalinyaroodii, wadankoodiina sare u qaaday.

Taariikhdii hore waxa badalay waa dhalin-yaro, maantana kuwa badali karaa waa dhalin-yaro, muhiimaddu waxay tahay waa in aynu dareenaa in ay musuuliyaddi inaga saaran tahay diinteenna, nolosheena, dalkeena iyo dadkeena. Waa in aynnu dareenaa in aynu dadkeena wax-tarno, ku dhiirano in aynu wax kororsano oo wax barano, waa in aynu fahano in uuna wakhtigu inaga dayacmin. Waa in aynu fahanaa in inagoo kale ahayeen kuwii dunidan badalay ee dhinaca kale u rogay, tusaalena u soo qaadan karno Jiilkii Saxaabada.

Qarnigaasi murugiyo
Mahadhiyo layaab iyo
Mashaquu la dheelmaday
Yeelkee la soo mood
Welina meeshu waa tii
Nooloow maxaa dan ah? ­– Xasan Ganay

Waa in aynnu is xusuusinaa waayihii shalay, is- waydiinaana beri iyo waxa xiga, haddii dhibaatooyinkii shalay ina hor yaalay maantana ina hor yaalaan waa mushaakil wayn, raadinta xalkeedana loo baahan yahay.

Waa in haddii aynu dhalin-yar nahnay tusaale inoo noqon kuwan maanta hogaanka isku sheega ah ee ina hogaamiya, waa in aynnu siyaasiyiinta ina hogaamiya badalnaa kuna badalnaa hogaamiyayaal wax bartay oo aqoon leh, dhaqan leh, akhlaaq leh, ina hogaamin kara, dadka wax u qabanaya, hogaamiyaal dhinaca wanaagsan wax ka arkaya, cabsida ilaahay ka muuqato, cadaaliyiina ah.

Mushaakilaadka wadankeena haysta hadday tahay dhaqaale-xumo, shaqo la’aan, cadaalad-daro, maamul-xumo. hogaan-xumo, maaha in aynu eersano hogaanka wadanka ee waa in aynu eersanaa lafaheena sababta oo ah inagay inaga soo dhex baxeen, inaga dooranay. Markaa haddii aad doonaysid in aad dhibaatooyinkaa ka dul qaadid ummadaada ama hogaankoodu wanaagsanaado, waa in aad adigu is-badashaa oo isku diyaarisaa kuwii badali lahaa in aad noqotid ee lagu rayn lahaa.

Waa in aynu noqonaa dhalin-yaro garanaysa waxay u nool yihiin, waa in aynu noqonaa dhalin-yaro hadaf leh oo doonaysa in ay xaqiijiyaan hadafkooda, noqotana dhalin-yaro wakhtigooda ka fa’iidaysanaya, waa in aynu rumaysnaanaa in aynu dunidan badali karno. Haddii aynu rabno in aynu ummad abuurno, dawlad wax ku oola dhisno, dad muslima oo awood leh inaga soo baxaan, waa in aynu tusmada ka qaadana dad kuwii ugu khayrka badnaa ee dunidan soo mara ( JIILKII SAXAABADA ).

Check Also

horumarka guusha, nafta, nolosha

7 Talo Oo Muhiim U Ah Horumarka Shakhsiga Ah

1. Ha ka biqin qaladka: Qaladka ugu weyni waa in aad hawsha gacmaha ka laabato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *