Quraac la’aanta:
Dad badan ayaa caado ka dhigta in aanay subaxdii quraacan, laakiin waxa ay dhakhaatiirta caafimaadku xaqiijiyeen in qofka quraacda uu aad hoos ugu dhaco macaanka dhiiggooda, taas oo keenaysa in maskaxdu ay weydo cuntooyinka ay u baahan tahay, waxaanay dhintaa shaqada, haddiise caadadani sii dheeraato waxa ay halis u tahay in ay keento maskaxda oo aakhirka burburta.
Ku talax tegista cuntada:
Cuntada dheeraadka ahi waxa ay sababtaa in halbawlayaasha dhiigga qaadaa ay qallafaan ama jileeca dabiiciga ah ee socodka dhiigga fududaynayaa uu ka tago, taasina waxa ay keentaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda awoodda maskaxeed ee qofka.
Sigaar cabbista:
Sigaar cabbistu waxca ay keentaa in ay isku soo ururaan ama qaadhaan unugyada muhiimka ah ee maskaxdu, waxa aanay taasi saamayn taban ku yeelataa xusuusta. Haddii ay xaaladdani sii socotana waxa ay u dhow dahay in ay keento cudurka maskaxda maydha ee Alzheimer’s (Asaasaqa)
Macaan cunista badan:
Qofka oo caadaysta in uu aad u cuno macaanku waxa ay mushkilad ku keentaa awoodda maskaxdu ay ku nuugto Protein-nada ku jira cuntada, cunto xumada maskaxdad ka soo gaadhaana waxa ay caqabad ku noqotaa koritaanka iyo firfircoonida maskaxda.
Wasakhowga Hawada:
Maskaxdu waa xubinta jidhka ee ugu isticmaalka badan neefta Oxygen-ta, sidaa awgeed haddii uu qofku neefsado hawo wasakh ah waxa ay taasina waxa ay dhimaysaa xaddigii neeftan ay maskaxdu uga baahnayd, waxaana ka dhalanaya hoos u dhac weyn oo ku yimaadda kartida iyo shaqada maskaxda.
Hurdo la’aanta:
Qofka oo seexan waaya saacado ku filan ama nidaamin waayo saacadaha uu hurdayo habeenkii waxa ay keentaa mushkilado caafimaad darro oo tiro badan, waxaa ka mid ah in maskaxdu ay dareento nasasho la’aan iyo tacab sababa in waqtigoodii ka hor ay dhintaan unugyada maskaxdu.
Xilliga hurdada oo madaxa go’a la saaro:
Qofka oo marka uu seexanayo madaxa dada waxa ay keentaa in neefta uu qaadanayaa ay noqoto mid ay ku dhex milantahay neeftii wasakhda ahayd ee isaga ka soo baxday. Neeftaas oo lagu magacaabo Carbon Dioxide oo marka ay dib ugu noqoto qofka waxa ay saamayn taban ku yeelata maskaxda iyo hawl-qabadkeeda.
Qofka oo marka uu bukoodo nasan waayo:
In qofku isaga oo buka uu nasin waayo nafta oo uu sii wato waxbarashada ama shaqada culusi waxa ay yaraysaa firfircoonida iyo habsami u shaqaynta maskaxda.
Maskaxda oo laga shaqaysiin waayo:
Maskaxdu waa saldhigga maamul ee qofka, iyada ayaa qaabilsan fikirka iyo qorshaynta, haddii uu qofku ka shaqaysiin waayo maskaxda oo uu ku dadaali waayo in uu ka fikiro, dantiisa iyo danta guudba, waa ay isku soo ururtaa, waxaana dhinta unugyadii maskaxda ee muhiimka ahaa.
Dadka oo lala sheekayn waayo:
Sheekada iyo wada hadalka bulshada dhex marayaa marka laga tago in uu yahay hab ay ku xidhiidhayaan si ay danaha hadba jira isu dhaafsadaan, waxaa u dheer in uu u fiican yahay maskaxda qofka, marka uu yahay sheeko iyo hadal khayr iyo samaani ku jirto. Aamuska badan iyo bulshada oo dood iyo sheeko lala dhex geli waayaa waxa ay maskaxda illowsiisaa shaqada, curinta iyo fikirka ee qofku uga baahan yahay.
W/Q: Kamaal Ahmed Ali