Jirkaaga Maxaa Ku Dhacaya Haddii Aad Iska Deyso Cunista Sonkorta

sonkorta, caafimaadka

Sonkortu ma lahan wax faaido nafaqo ah, jirkuna uma baahno, isticmaalkeeduna waxa uu dhaawacaa caafimaadka qofka. Hadaba Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa faaidooyinka uu qofku ka dhaxli karo haddii isku yareeyo ama uu joojiyo cunista sonkorta, waxaana ka mid  ah:

Maaraynta miisaanka:

Inaad joojiso sonkorta iyo macmacaanka waxa ay si weyn u caawisaa xakamaynta miisaanka. Sonkorta waxaa ku badan kalooriyada laakiin malahan wax nafaqo ah, waxa ay keentaa miisaanka oo kordha iyo buurni xad dhaaf ah. Marka aad joojiso kalooriyadan maran waxay yaraynaysaa kalooriyada guud ee aad qaadato, taas oo muhiim u ah dhimista miisaanka.

Hoos u dhigista halista wadne xanuunka:

Marka aad joojiso sonkorta waxaa si weyn hoos ugu dhacaya khatarta wadne xanuunka. Sonkorta badan waxaa lala xiriiriyaa heerka xayrta jirka qeybihiia kala duwan fariisato ee loo yaqaanno “triglycerides” oo siyaada, iyo kolestaroolka faaidada ee HDL oo hoos u dhaca, labadaan xaaladoodb waxa ay kordhiyaan halista wadne xanuunka. Cabitaannada sonkorta leh sida kuwa soodhaha oo aad ku bedelato biyo iyo cabitaannada furuutka iyo khudradaha dabiiciga ah waxa ay isbedel weyn ku keeni kartaa caafimaadka wadnahaaga.

Xakamaynta iyo ka hortagga macaanka:

Inkastoo aysan waajib ahayn inaad gebi ahaanba ka dheeraato sonkorta haddii aad aad qabto cudurka macaanka, balse inaad xadido cunnooyinka iyo cabitaannada sonkorta waxay caawin kartaa maaraynta heerka sonkorta dhiigga. Sonkorta oo la badsado waxay yaraysaa firfircoonida iyo shaqada hormoonka insulin taas oo siyaadinaysaa halista cudurka sonkorowga noociisa 2-aad. Isticmaalka sonkorta oo la yareeyo waxa ay ku ilaalisaa sonkorta dhiigga inay aanay dhaafin heerka dabiiciga ah waxayna ka hortagtaa dhibaatooyinka cudurka sonkorowgu uu gaarsiiyo jirka.

Qaadashada cunnooyinka nafaqada leh:

Joojinta sonkortu waxa ay qofka u horseedaa inuu doorto cunnooyinka caafimaad uroon, sida inuu macmacaanka fudud ka doorbido furuutka,  khudradaha iyo badarka kuwaas oo jirka siinayaanafaqooyinka uu u baahan yahay, maadooyinka jirka sunta ka saaro, fitamiinno iyo macdano. Isbdelkan xaga cunnada ah waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka iyo xoojinta habdhiska difaaca ee jirka.

Halista bololka ilkaha oo yaraato:

Cunnooyinka iyo cabitaannada sonkorta leh waxa ay quudiyaan bakteeriyada afka ee keenta suuska ilkaha iyo xanuunnada cirridka. Marka joojiso waxaa hoos u dhacaya halista cilladaha sida ilko bololka. In lagu daro daryeelka nadaafadda afka waxa ay sii kobcisaa faaidooyinkan.

Wanaajinta caafimaadka maqaarka:

Cunista macmacaanka iyo sonkorta oo la badsado waxa ay keentaa cilladadaha maqaarka iyo gabowga oo soo degdega. Sonkortu waxay sare u qaadaa lurka, waxayna kordhisaa soo saarista saliida maqaarka taas oo siyaadisa finanka. Haddaba joojinta sonkorta waxa ay wanaajin kartaa muuqaalka maqaarka, waxayna daahin kartaa astaamaha gabowga.

Khatarta beer xanuunka oo yaraato:

Sonkorta xad dhaafka ah, khaasattan nooca “fructose” waxa ay keeni kartaa xanuunka beer subagga aan khamriga ka dhalan. Beerku waxa uu sonkorta “fructose” u bedelaa dufan, kaas oo ku aruuri kara islamarkaana keeni kara dhaawaca beerka. Sonkorta oo la iska daayo, waxay ka hortagtaa cudurka beerka subaga leh ee aan khamriga ka dhalan, waxayna kobcin kartaa caafimaadka beerkaaga.

Wanaajinta niyadda:

Sonkorta badan waxaa lala xiriiriyaa isbdelka niyadda, walwalka iyo niyad jabka. Sonkorta oo la joojiyo waxa ay nidaamisaa heerka sonkorta dhiigga, iyadoo yaraysa halista xanuunnadan nafsiga ah. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, sonkorta waxa ay kordhisaa fqyow-qabka maskaxeed waxayna hagaajisaa shaqada maskaxda.

Jamashada macmacaanka oo yaraato:

Sonkorta oo si joogto ah loo isticmaalo waxa ay keenta jamashada macmacaanka, sababtuna waa saamaynta ay ku leedahay heerka hormoonka “dopamine” ee maskaxda. Sonkorta oo la iska yareeyo waxa ay si tartiib tartiib u baabi’isaa jamashadaan. Muddo kadib, waxaa yaraanaya jaceylka aad u qabto cunnooyinka sonkorta leh taas oo kaa caawinaysaa inaad ku taagnaato hadafkaaga qaadashada cunnooyinka caafimaadka uroon.

In aad yarayso ama iska joojiso sonkorta waxay raad wanaagsan ku yeelan kartaa caafimaadkaaga. In aad ka fiirsato cunnadaada oo aad doorato nafaqo isku dheelitiran waxaad ka helaysaa faaidooyinkan aan soo xusnay, waxayna sare u qaadaysaa tayada noloshaada.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *