Jilba Xanuunka: Asbaabaha Keeno Iyo Qaababka Loo Dawayn Karo

jilba xanuunka, lowga,

Jilba xanuunka waa xaalad guud saamayn karta da’ kasta. Xanuunkaan ayaa noqon kara mid taabanaya qeyb ka mid ah jilibka ama waxuu noqon karaa mid wada saameeya qeybaha uu ku kooban yahay jilibku (seedaha, murqaha, dheecaanka, carjawda, lafaha iyo dheecaankaba).

Jilba xanuunku wuxuu caan ku yahay dhaqdhaqaaqa kalagoyska oo yaraada taas oo keenta inuu gabi ahaanba xadidmo dhaqdhaqaaqa jilibku. Waxuu noqon karaa mid halis ah oo u baahan daawayn ama qaliin ama mid sahlan oo qofku uu isagu la tacaali karo.

Sababaha keena:

Lowya xanuunka waxaa sababa qodobo badan kuwaas oo isagu jira dhaawac soo gaara lowga iyo xaalado caafimaadba. Dhaawac soo gaara qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay low-gu ayaa noqon kara kuwo sahlan ama kuwo khatar ah, dhaawaca seedaha, murqaha, carjawda soo gaara ayaa keeni kara xanuun laga dareemo lowga.

Xaaladaha caafimaad ee la xariira jilba xanuunka waxaa kamid ah, infekshanka, caabuqa iyo xanuunka loo yaqaano gout (xanuun saameeya kalagowsyada yaryar sida kan hoose ee suulka cagta cad kaasoo caan ku ah caabuq).

Waxaa kale oo lala xiriirayaa sababaha uu xanuukani ku yimaado in cayilka saaidka ah uu ka qayb qaadan karo, cayaaraha ayaa ugu badan meelaha uu ka yimaado dhaawaca soo gaara lawga.

Waa maxay astaamaha jilba xanuunka?

Astaamaha xanuunka lowgu waxay ku xiranyihiin hadba meesha uu ka imaanayo xanuunka iyo sida uu yahay (xanuun saaid ah ama mid sahlan). Inta badan astaamaha la arko waxaa kamid ah, barar iyo adkaansho dhamaan low-ga ah, midabka low-ga oo u muuqda mid cas (gaduudan) markii la taabtana diiran ah, dhaqdhaqaaq yari ama xadidnaan kalagowska lowga, qofka oo aan socon karin ama u baahan meel uu cuskado ama qof garab gala iyo low-ga oo aan si buuxda loo fidin karin.

Hadii uu jabitaan keenayo low xanuunka waxaa la arki karaa caabuq ama in lafaha kalagowsku ay ka durgaan meeshay horey ugu qaabaysnaayeen.

Hadii aan la daweyn xanuunka, waxaa dhacda inay leeyihiin awooda hogaamineed si ay u abuuraan xanuuno kale sida kan loo yaqaano osteoarthritis.

Waxaana wanaagsan in la daweeyo haba yaraado xanuunkuye, sababtoo ah waxuu sahlayaa in mustaqbalka uu soo noqnoqon kara ama sababi karo xanuuno kale oo aan markaas laga walwalayn.

Sidee loo daweeyaa jilba xanuunka?

Daaweynta jilba xanuunku waxay ku xirantahay hadba waxa keenay ama sababta abuurtay xanuunkaan, tusaale hadii uu xanuunkani ku yimid infekshan, caabuq, tuf ama gout waxaa lagu dabiibaa qaab daawo ahaan, waana mid intaba badan lagu guuleysto.

Hadii dhaawaca soo gaaray jilibka uu yahay midaan waxba looga qabin karin daawo ahaan waxaa la doorbidaa qaliin. Lawya xanuunka ku yimaada sport-ga inta badan waxaa lagu xaliyaa qaab uu qofku si iskiisa isku daaweeyo ( selfcare) sida in la xirto laastiig iwm.

Talo:

Dhaawaca soo gaara lowgu waxa uu abuuri karaa caabuq saamayn ku yeesha dhammaan qeybaha kala duwan ee ruuga, waxaana wanaagsan in la booqdo isbitaal hadii uu xanuunku soo noqnoqdo.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *