Mar haddii aynnu ku nuuxnuuxsannay in nidaamka waxbarasho iyo waxsoosaarka aqooneed ee reer Galbeedku uu yahay gacmo gumaysi, waxaa sax ah aynnu is weydiinayno, ‘Maxaa la yeeli karaa, si loo yareeyo, gumaysigaa aqooneed’, iyo nidaamkaas waxbarasho ee aan dhiirrigelinayn in qofku si naqdi ah ugu fikiro, hab ka duwan kaas la dejiyey, ama in uu wax iska weydiiyo in la abuuri karo qaab dhismeed kale oo waxbarasho.
Si looga hortago in uu soo baxo aqoonyahan heer kasta oo uu gaadhay, haddana weli hoos u dareensan in uu yahay ku tiirsane aan iskii waxba u curin karin, iyo in uu ka hooseeyo dhiggiisa reer galbeedka.
Waxaa loo baahanyahay halgan lagaga xoroobayo gumaysiga aqooneed iyo nidaamka waxbarasho ee quudhsiga ah, meelaha wax laga bilaabi karana waxaa ka mid ah:
1. Soo noolaynta aqoontii xero u dhalanka ahayd: Bulshooyinka ku jira gumaysiga aqoonta waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan, sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen, qiimihii ay lahaydna u siin lahaayeen aqoontoodii hiddaha iyo dhaqanka ahayd.
2. In gumaysiga laga saaro manhajka waxbarasho: Dib u habayn weyn ayaa ay u baahanyihiin manhajyada waxbarasho ee dalalka la gumaystay. Waxaa muhiim ah in lagu daro kala duwanaanshiyaha aragtiyeed iyo nidaamka aqooneed. Waa in la abuuro falsafad waxbarasho oo salka u dhigaysa nooca aqoonyahan ee bulshadaadu u baahan tahay. Si looga badbaaddo dhibaatada ka dhalatay manhajka reer galbeed, ee ah in aynnu soo saarno aqoonyahan ab iyo diir innala wadaaga, laakiin maankooda iyo hab fikirkoodu dalal kale muwaadiniin u yahay.
3. Maanshiil: Waa in bulshooyinka la gumaystay ay kobciyaan xirfadahooda fikir ee naqdiga ah, si ay su’aalo isaga weydiiyaan hababka aqooneed ee reer galbeedku uu soo rogay.
In lala yimaaddo hab fikir naqdi ah oo si ka nasahan gacmo shisheeye loogu gorfaynayo aqoonta iyo xogta la hayo, si xeeldheer wax la isaga weydiinayo fikirrada iyo aragtiinnada la soo waariday.
Waxaa laga yaabaa in aynnu is weydiinayno, haddii dalalkeennu aanay lahayn waxsoosaar aqooneed, sidee aynnu uga maarmi karnaa aqoonta reer galbeed ee sida joogtada ah u sii casriyoobayso?
Ugu horreyn, aqoontu sideedaba waa shay caalamiya, ma laha abtirsiin iyo sumado cid gaar ahi leedahay. Waxaa taas maanta marag fudud u ah, sida Teknoolajiyadda looga wada faa’idaystay, marar badanna ay dhacdo in dalalkii ikhtiraacay looga faa’idaysi bato.
Sidaas awgeed, ceeb ma aha in la kala qaato aqoonta, laakiin inta la isdhaafay waa nidaamka waxbarasho iyo sida aad aqoontaada uga dhigayso mid maxalli ah oo dhaqankaaga, taariikhdaada, fahamkaaga iyo hab-fikirkaagu ku ladhan yahay.
Waxsoosaarka aqoonta, waa sida maro waaraad ah oo aad soo qaadanayso, kaddibna aad u tolonayso si waafaqsan cabbirkaaga, baahidaada, dookhaaga iyo dhaqankaaga. Nidaamka aad waxbarashada u maraysaana waa in uu ku salaysnaadaa hiddaha iyo dhaqanka aad leedahay, iyo aqoontaada dabiiciga ah ee Alle ku siiyey.
FIIRO GAAR AH:
Haddii aad si Dhugmo leh u akhrido maansada ‘DABAHUWAN – 1995’ ee Maxamed Ibraahim Warsame – Hadraawi (AHUN), wax badan oo ka sii xeeldheer ayaa aad ka fahmaysaa mawduuca ay ka warramaysay qoramadeennan taxanaha ahayd ee ‘jaamacaduhu ma xarumo cilmi baa, mise waa aalad lagu faafiyo gumaysiga?’
Hoos waxa aan ku soo qaatay tuducyo aan wada socon oo ka mid ah maansadaas DABAHUWAN
151. Iskuuladu waa dayeyn
152. dammiinnimaday dhigaan
153. dartay uma soo lug go’in
154. duruustu falkay tiqiin
155. daktoor cadoway sideen
156. digrii nacabey sideen
157. xaq bay garba duubayeen
158. Diintay gibil saarayeen
159. waxay dedayeen amuur
160. dhibteedu dib iigu tiil
161. waxay docfaruurayeen
162. dedaal abid soo taxnaa
***
230. maxay dabin soo shaqleen
231. danbeed maran soo asleen
232. Waxay dumiyeen aqoon
233. ilaa dura soo taxnayd
234. waxay damiyeen ilays
235. u daaran qof meel lahaa
236. waxay kala daadiyeen
237. daryeel isu dheelli tiran
238. naf daahira bay legdeen
239. docdeeda xun dhiiriyeen
DHAMMAAD
Diyaariye: Kamaal Marjaan