Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga? (Qeybtii 2-aad)

jaamacadaha reer galbeedka,

Weli waxa aan ku jiraa sheekadeennii nidaamka waxbarasho ee gumaystaha. Waxyaabaha yaabka le ee reer galbeedku nidaamkoodan ku dhiseen waxaa ka mid ah, in la soo saaro aqoonyahan dabran. Waxa uu ku qasban yahay in uu ku dhex fikiro xayndaab xeerar, astaamo iyo shuruudo lagu sheegay, laakiin marka hoos loogu sii dego ay ujeeddadiisu tahay in cid si xor ah u fikiraysaa aanay ka soo bixin meel aan galbeed ahayn.

Reer galbeedku markii ay aasaasayeen nidaamkooda waxbarasho ee gumaysiga ku dhisan, waxa ay ku bilaabeen in ay dagaal iyo burburin ku qaadaan nidaamyadii waxbarasho iyo waxsoosaarkii aqooneed ee xadaaradihii kale ee dunida uga soo horreeyey. Gaar ahaan waxsoosaarkii Muslimiinta ee casrigii dahabiga ahaa (Qarnigii 8 illaa 13 – xilligii cabaasiyiinta).

Muslimiintu waxa ay curiyeen ama wax ku dareen aqoon bad ah oo ka mid ah kuwa maanta dunidu horumarka ku gaadhay, sida sayniska, teknoolajiyada, caafimaadka, xisaabaadka, cilmi falagga, taariikhda, cilmiga bulshada, falsafadda, dhaqaalaha, suugaanta, siyaasadda iyo dhinac kasta.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay, in muslimiintu ay tixgeliyeen dhammaan waxsoosaarkii aqooneed ee hortood ama xilligoodiiba ay soosaarayeen ummadihii kala duwanaa ee aan Muslimiinta ahayn. Waa ay turjumeen, qaarkoodna waxa ay ku sameeyeen dib u kobcin iyo naaxin aan illaa maanta laga maarmin, si aadamuhu dhammaan uga faa’idaysto.

Waa astaan muujinaysa xadaaradda, iyo sida ay muslimiintu u ahaayeen samawadayaal aan doonayn in ay dunida ku qasbaan in maskaxdooda oo qudhi ay u fikirto, sida reer galbeedku uu maanta yeelay.

Reer galbeedku iyagu tallaabadii koowaad ee ay qaadeen waxa ay ka dhigeen, in wixii ka horreeyey ay tirtiraan, kaddibna ay seeska u dhigaan aqoon xadaaraddooda ku dhisan. Waxa ay si gaar ah ula dagaalameen aqoontii ku dhisnayd xadaaradad Islaamka, waana sababta markii ay qabsadeen Andalus ay u burburiyeen, shay kasta oo raad aqooneed iyo xadaarad waxbarasho yeelan kara.

Waxaa ka mid ahaa labadii rugood ee kutubta (Maktabado) ee magaalooyinka Qarnaada (Granada) iyo Qurduba (Cordoba), waa dhulka hadda ay ka dhisantahay dawladda Spain, laakiin xilligaas ay muslimiintu ka talinayeen.

Waxa ay ahaayeen dunida labadii maktabadood ee ugu weynaa xilligaas, waxaa ku urursanaa inta badan waxsoosaarkii aqooneed ee dunida xilligaas ama ka hor ka jiray. Sida oo kale waxa ahaayeen xarumo waxbarasho iyo jaamacado soosaaray ama xarun iyo fadhi u ahaa aqoonyahankii ugu badnaa ee aqoonta dunida wax ku soo kordhiyey hore iyo illaa imika.

Qarnigii 15 waxaa dhulkaas la wareegtay boqortooyadii masiixiga ahayd ee reer Yurub, (Catholic Monarchs of Spain). Masaajiddadii waaweynaa ee maktabadahan ku lammaanaa waxa ay u beddeleen kaniisado. Dhammaan qoraalladii iyo kutubtii cilmiga ahaa ee muhiimka ahaana waxa ay ka dhigeen wax la gubay, la tirtiray ama wax la xaday oo inta ay qarsadeen ay dib uga faa’idaysteen iyaga oo aan sheegayn cidda asal u lahayd.

Intaas oo keliya ma aha, waxa ay gumaadeen culimadii iyo aqoonyahankii Muslimiinta ee joogay dhulkaas oo markas ahaa xuddunta cilmiga ee dunida.

Taariikhyahanno iyo aqoonyahan tiro badan oo uu Roman Grosfoguel ka mid yahay, waxa ay cilmibaadhisahooda ku ogaadeen in burburintaas aqoonta iyo raadadka cilmi ee muslimiintu ay ahayd ku talagal. Waxaa la doonayey in laga takhaluso aqoontii ku dhisnayd xadaaradda Islaamka. Wixii ay ka maarmi waayeenna waxa ay ku sameeyeen isir beddel, iyo in la Yurubeeyo, kaddibna ay iyagu curinteeda sheegtaan.

Waana halka uu ka soo aasaasmay nidaamka gumaysiga aqooneed ee reer Yurub, iyo guud ahaan reer galbeedku ay maanta dunida ku haystaan.

La soco….

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

barashada afka qalaad, luuqada

Da’du Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Barashada Afka Qalaad?

‘Haddii aad doonayso in naxwahaaga afka ingiriisigu uu u saxnaado sida dadka u dhashay, waxaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *