Isla-Hadalka Ama Naf La Sheekaysiga (Self-talk), Noocyadiisa Iyo Faaidooyinkiisa

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin caan ah oo dad badan lagu arko, wuxuu noqon karaa mid togan ama mid taban, waxaana uu saamayn ku yeelan caafimaadka maskaxda sida lagu arkay daraasado kala duwan. Naftaada oo aad la sheekaysato waxay saamayn kartaa heerka stress-kaaga, xasuustaada iyo ufiirsiigaaga.

Isla hadalku wuxuu noqon karaa mid ku dhiirrageliya ama mid rajo xumo kugu abuura. Sida ay diraasaadku tilmaamayaan, nooca isla sheekaysiga waa lagu duwan yahay iyadoo ay ku xiran tahay qof shakhsiyadiisa. Sidoo kale, isla hadalka togan wuxuu caawiyaa in qofku uu si togan u fikiro taas oo noqon karta hab lagu maarayn karo stress-ka.

Inta badan qofku wuxuu isla hadlaa markuu suuqa ama iskuulkaa ka soo socdo keligiis, markuu guriga joogo keligiis, markuu suuliga ku jiro, marka uu keligiis yahay howlna uu hayo sida dhar dhaqista, guri xaaqista iyo cunno-karinta, jikaduna waa meesha ugu badan ee haweenka ku sheekeystaan.

Waa maxay isla-hadalka faaidada leh?

Xeeldhereyaasha ku takhasusay caafimaadka maskaxdu waxay aaminsan yihiin in isla hadalka togani uu wanaajiyo rajada qofka taas oo sare u qaada tayada noloshiisa. Isla hadalka taban (negative self-talk) waxa uu raad xun ku yeelan karaa noloshaada si la mid sida isla sheekaysiga togani uu saamayn wanaagsan ugu yeelan karo noloshaada islamarkaana uu kaa caawin karo inaad naftaada horumariso.

Isla hadalku waa wax dabiici ah oo aad samayso saacadaha aad soo jeedo. Iyadoo isla hadalka faaidada lihi (positive self-talk) uu noqon karo shay awood badan oo aad ku kobcin karto kalsoonidaada kaana caabbin kara dareemada taban.

Si aad sare ugu qaado xirfadaada isla sheekaysiga faaidada leh waa inaad ogaado noocyada isla hadal khaasarada leh waxayna ka mid ah.

  • Dhinaca xun ayaad ka fiirisa xaalada markaas taagan, adigoo iska iska indha tira dhammaan waxyaabaha togan.
  • Waxaad filataa waxa ugu xun ee dhici kara. Inta badanna ma ogalaatid in caqligu shaqeeyo.
  • Adigaa ayaa mar walba eedda dusha oo is canaanta.

Tusaalayaal isla hadalka khasaarada leh:

  • Waxbo iima hagaayaan
  • Qof kasta wuxuu ii maleeyaa doqon
  • Cidna ima jecla. Ma ihi qof soo jiidasho leh.
  • Waxba kuma wanaagsani

Waxaa waajib in qofku uu fiirsado isla hadalka khasaarada leh islamarkaana uu u bedelo isla hadalka faa’idada leh.

Daraasad ayaa iftiimisay in ciyaartooyada adeegsada isla hadalka faaidada leh ay ka helaan dhiirranaan iyo awood jireed taas oo wanaajisa howl gudashadooda.

Waa maxay faaidooyinka isla hadalka togan?

Waxa ay cilmi baarayaashu ogaadeen in isla hadalka togani uu faaido u leeyahay caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka guud, taas oo caawisa in qofku uu si wanaagsan u fikiro noloshana uu si togan u eego. Faaidooyinka isla-sheekaysiga togan laga helo waxaa ka mid ah:

  • Heerka stress-ka oo yaraada
  • Dhiiranaanta iyo firfircoonida oo siyaada.
  • Qanaacada maskaxeeda oo siyaada
  • Xasuusta oo wanaagsanaata
  • Waxa uu wanaajiyaa fayow qabka jireed
  • Xirfahadaha go’aan qaadashada oo wanaagsanaata.
  • U fiirsiga oo wanaagsanaada
  • Sare u qaadista awoodda difaaca jirka
  • Heerka niyad jabka oo si weyn hoos ugu dhaca.

Sida lagu arkay daraasado la sameeyay dadka isla hadalkoodu uu yahay nooca faaidada leh waxay leeyihiin xirfado maskaxeed oo u ogolaanaysa inay si wacan u xalliyaan muskiladaha. Isla hadalka togani waa mid ka mid ah hababka ugu haboon ee aad ku maarayn karto heerarka stress-kaaga.

Sidee isla hadalkaaga uga dhigi kartaa mid togan oo ku anfaca?

Waxa ugu horreeya waa inaad ogaato fikirkaaga taban islamarkaana aad ka shaqayso sidii ugu beddeli lahayd fikir wanaagsan.

  1. Isku day inaad garato marka is canaanayso. Tusaale ahaan haddii aad howl qabato oo sidii aad rabtay aad ugu guulaysan weydo, halkii aad naftaada ka dhaleecayn lahayd, iskugu hambalyee isku dayga aad samaysay naftaadana ku dhiirrageli in marka xiga aad ku guulaysan doonto.

2. Qiimayn ku samee isla hadalkaaga. Marka aad caado ka dhigato isla hadalka, u fiirso in isla hadalkaagu uu noqonayo mid khasaare leh iyo inkale.

3. Isku hareeree dad si togan wax u arka: Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, dadka kugu hareeraysan hab fikirkooda, sida nolosha u arkaan iyo dareemadooda intaba way kugu daaran karaan.

4. Naftaada ammaan maalin kasta. tusaale ahaan inaad tiraahdo:

  • Waa korayaa maalin kasta.
  • waxaan ahay geesi/geesiyad,
  • waxaan ahay qof qiimo badan oo la jecel yahay.
  • waan isku kalsoonahay
  • riyooyinkaygu waa kuwo la gaari karo
  • waxaan ahay qof adkeysi badan
  • Had iyo jeer waan ka gudbaa caqabadaha
  • waan isku kalsoonahay.
  • Waxaan ahay qof farxad badan

Inaad is amaanto waxay kaa caawinaysaa in si togan u fikirto.

5. Tan ugu muhiimsan ku dedaal hab nololeed caafimaad leh, sida nus saac jimicsi ah maalin kasta iyo cunnooyinka caafimaadka uroon si ay shidaal ugu noqdaan jirka iyo maskaxda.

Ugu dambeyntii xiriir weyn ayaa ka dhexeeya caafimaadka jirka iyo kan maskaxda. Isla hadalka togani wuxuu wanaajinayaa hab fikirkaaga iyo sida qofku uu nolosha u arko, waxaana laga helaa faaidooyin ay ka mid yihiin kobcinta fayow-qabka guud iyo tayada nolosha oo wanaagsanaata.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

mustaqbalka, nolosha,

Arrimo Haddii Aad Qabato Inta Aad 30 Jir Tahay Si Weyn Kuu Anfacaya Marka Aad 50 Gaadho

Marka uu qofku gaadho da’da soddomaadku waa xilliga uu ugu fursadaha badan yahay, waxyaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *