Isbeddel Dhab Ah

Hadii aad doonayso in aad is beddel dhab ah ku samayso noolashaada ugu horray waa in aad wax ka badashaa sidaa u fakiri jirtay, Waayo hadii ay wax iska beddelaan sidaad noolasha u fasarin jirtay ( u tarjuman jirtay) iyo waxaad guusha u garanaysay ( utaqaanay ) iyo waxa aad guuldarada u garanaysay waxaa wax iska badali doona Go’aamadii aad qaadan jirtay iyo sidaad Uga Ficil-celin jirtay Natiijooyinkii kuu soo bixi jiray.

Mideeda kale waxaa haboon in aad diirada saarto go‘aanka aad qaadanayso in uu noqdo go’aan wanaagsan islamarkaana waa in uusan waqti badan kaaga lumin in aad ka welwesho sida ay natiijadu u ekaan-doonto , Maxaayeelay hadii isku daygaagu uusan guulaysan taa macnaheedu ma ahan in aad guul daraysatay balse aqoon iyo waayo aragnimo ayaa kaaga soo kordhaysa taasoo sabab  u noqon kartay iskuday-gaaga labaad in aad ku guulaysato.

VIA: DHALINTA MAANTA

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *