In Aad Wax Badan Akhridaa Waxa Ay Kaa Caawinaysaa…

In aad wax badan akhridaa waxa ay kaa caawinaysaa in aanad ka dhicin nolosha casrigan oo dhinac kasta oo ka mid ahi uu xawaare aad u sarreeya ku socdo. Wax akhris keliya ma’aha ee waa in aynu si dhaqso ah wax u akhrinno si aynnu fursad ugu helno in aynnu wax badan akhrinno. Waa sida keliya ee aad iskaga ilaalin karto in adiga oo waxbarasho sare leh haddana aanad noqon warmooge aan ka aragti iyo fikir sarrayn qofka aan waxba baran.

Saajid Al-Cabdali ayaa buuggiisa (Al-Qiraatul Dhakiya) oo soo baxay 2006 waxa uu isku dayayaa in uu ka jawaabo sababta uu qofku ugu baahan yahay in uu si dhaqso ah wax u akhriyo?

“50 kun oo buug iyo 10 kun oo majaladood ayaa Maraykanka oo keliya ka soo baxa sannad kasta. Dunidana daqiiqad kasta waxaa la qoraa 300 oo maqaal cilmiyeed, maalin kastana waxaa soo baxa 7 kun oo daraasado cilmiya ah.

Culuumta cusub iyo xogta dunida ku soo korodhay 50 kii sanno ee u dambeeyey, waxa ay ka badan tahay xogta ku soo korodhay shantii kun ee sanno ee ka horrreeyey. Xaddiga aqoonta iyo xogta duniduna laban-laab ayaa ay korodhaa shanti sanno ee kasta.
Soddonkii sanno ee u dambeeyey oo keliya, boqolkiiba 90 ayaa ay kobceen dhammaan cilmiyda kala duwan ee dunidu”

FG:
Buugtu waa il xogeed iyo dar aqoonta laga helo oo muhiimad weyn iyo qiimo badan leh, laakiin ogow buuggu ma’aha sida keliya ee xog waxtar leh lagu helo. Marar badan xogta aad ka hesho wargeys, majallad, qormo waxbarasho ama aqooneed, cilmibaadhis, maqaal iwm. ayaa ka faa’ido badan xogta aad ka helayso buuggaag badan, ama ugu yaraan waxa aad ka helaysaa xog ku kala firidhsan buuggaag badan oo akhriskoodu waqti u baahanyahay, ama aanad adigu isla doonateen.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

isla hadalka,

Isla-Hadalka Ama Naf La Sheekaysiga (Self-talk), Noocyadiisa Iyo Faaidooyinkiisa

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin caan ah oo dad badan lagu arko, wuxuu noqon …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *