Imtixaanka Nolosha

Waxaad soo martay maalmo wanaagsan, laakiin waxaad kaloo soo aragtay kuwa xun,

Ma heysatid wax kasta aad rabtay laakiin waxaad heysataa wax kasta aad u baahneyd,

Waxaad seexatay adigoo xanuun ku hayo hadana waxaad ka toostay hurdadi adigoo fiican,

Waxaa jira dad ku bogaadinaya oo kuu sacab tumaya laakiin waxaa kaloo jira kuwa gadaashaada ka hadla oo xumaantaada ka shaqeeya,

Waxaad ku dhowaatay in aad Nolosha ka quusato laakiin rejo ayaa ku gashay,

Waqtiyo badan Qosol ayaad is qaban weyday, laakiin waqtiyo kale uurka ayaad ka ooynaysay, indhahana ilmo kaa qubanaysay,

Waxaa jiray maalmo wacan oo aad dareentay Jaceyl saa’id ah laakiin waxaa kuugu xigay maalmo naceyb kaa buuxsamay

Waad kuftay oo guuldareysatay wax badan laakiin hadana sare ayaad u kacday oo guuleysatay

Waxaa ku hayay Caajis laakiin hadana waxaad heysatay caafimaad

Dhamaan waxaani waxay u dhacayaan sababtoo ah waad Nooshahay, Noloshuna waa Imtixaan!

Laga yaabee in Noloshaadu u socon sidi aad u qorsheysatay Laakiin Qorshaha Alle ayaa ugu wanaagsan

Laga yaabee in Noloshaadu Barwaaqaysnayn laakiin way Barakaysan tahay,
Ku Xamdi-naq Alle SWT sababtoo ah waxaad intaa ku soo gaartay Fadliga iyo Naxariista Eebe.

Dheh Alxamdulilaah

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *