Imisa Koob Oo Bun Ah Ayaa La Cabi Karaa Maaliintii, Waqtigee Se Ugu Fiican In La Cabbo?

Bunku waxa uu ka mid yahay cabitaannada loogu jecelyahay dunida, waxaa la qiyaasayaa in maalin kasta dunida lagu cabbo illaa laba Bilyan oo koob.

Bunka waxaa ku jira maadadda Caffiene ta oo faa’iidooyin badan u leh caafimaadka, laakiin haddii ay jidhka ku badato keeni karta khataro caafimaad. Waxaa intaas dheer in sababta ugu weyn ee dadku u cabbaan ay tahay in uu maskaxda baraarujiyo kana kaxeeyo hurdada iyo caajiska.

Sophie Medellin oo ka ku xeeldheer nafaqada iyo faa’iidooyinka cuntada ayaa sheegtay in bunku uu dumarka ka fogeeyo Xanuunnada dhimashada keena ee wadne xanuunku ugu horreeyo.

Waxa ay intaas ku sii dartay in bunku uu raad togan ku leeyahay caafimaadka maskaxda, daraasado badan oo lagu sameeyeyna ay muujiyeen xidhiidh ka dhexeeya bunka cabbistiisa iyo hoos u dhaca Xanuunnada maskaxda ee ay ka mid yihiin Alzheimer iyo Parkinson’s.

Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Express ee ka soo baxa Ingiriiska, xaddiga ugu badan ee bunka Maalintii laga cabbi karo waa 300 illaa 400 mg, taas oo u dhiganta 3 illaa 4 koob” si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu innagu baraarujiyeen in ay jiraan cabbitaanno iyo cuntooyin aynu innaga oo aan dareensanayn ka helno maadadda Caffeine. Waxaa ka mid ah Shaglaydhka (Jocolayt) iyo cabbitaannada warshadaysan ee sonkorta lagu sameeyo ama soodhaha leh.

Sidaas awgeed in qofku uu bunka ka cabbo xaddigii ugu badnaa ee illaa 3 ama 4 koob ahayd, kaddibna siyaabahan kale ee dadban uu Caffeine uga helo meelahan kale waxa ay keenaysaa in xaddiga caffieine ee jidhka gelayaa aad u bato.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in qofka oo Maalintii cabba bun ka badan 600 mg, ay ku yeelanayso raad taban oo caafimaad, sida dhiigga oo kaca, daal iyo burbur iyo maqaarka oo bukooda. Xaaladaha kale ee uu bunka badani keeno waxaa ka mid ah madax xanuun, hurdo xumaan, iyo laab olol iwm.

Talooyinka ay soo jeedisay Sophie Medellin waxaa ka mid ah;

– In qofka bunka cabbayaa aanu qudh-qudhin ee uu si tartiib ah kabbasho yar ku cabbo, isaga oo kolba in yar shubanaya. Haddii uu qofku bunka jecelyahay waxaa u fiican in uu iibsado Nooca aan lahayn maadadda Caffeine ta.

– Iska jir in aad bun cabto galabnimada iyo fiidka.

– Waqtiga ugu fiican ee bunka la cabbaa waa subaxnimada illaa duhurka, waqtigaas ayaa uu raadka ugu badan qofka siiyaa, sida in uu hurdada kaxeeyo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

baadhitaanka, caafimaadka raga,

Baadhitaanno Ay Tahay In Nin Kasta Uu Sameeyo Si Uu U Hubiyo Caafimaadkiisa

Waxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *