Iminka Daacadnimadeenu Waa Mid Heerkee Joogta?

“Daacadi ma hungowdo”
~Maahmaah Soomaaliyeed.

MELBOURNE- Kiishadda lacagtu ma kaa luntay? Iyadoo ay gudaha ugu jiraan kaararkaaga ganacsiga oo cinwaankaagu ku xusan yahay. Waa intee suuragalnimada inaad hesho farriin kuu sheegaysa in la helay kiishaddaas? Haddii kiishadda lacagi ku jirtay, miyey siyaadin ama yarayn suurtagalnimada baadicelinta, iyadoo dhan oo uusan shay ka maqnayn?

Inaad is weyddiiso su’aalaha kor ku xusan waa kuwo ku gayeysiin inaad isa su’aasho, heerka ay joogto daacaadnimada dadka badidiis ama daryeeliddooda kuwa aan aqoon. Qaar ka mid ah culimada kasmo-nafeedda ee darsa isbeddelka dabeecadaha aadanaha ayaa ku dooday in anaaniyad la’aantu ay ku kooban tahay qaraabada iyo kuwa gudaya abaalka loo galo. Taasi soo uma muuqato mid aad danaysi u ah? Bishii la soo dhaafay, ayey cilmibaarayaal ka socda waddamada Maraykanka iyo switzerland ay yara bidhaamiyeen su’aashaas iyagoo daabacay natiijadda cilmibaaris weyn taas oo ahayd 17,000 kiishadood oo ku lumay afartan dal oo caalamka ah.

Kaaliyayaasha cilmibaaristaan waday waxay kiishadaha lacagta faraha ka saareen shaqaale bangiyo, Tiyaataro, Madxafyo, Huteello iyo xafiisyo dowladeed iyagoo u sheegay inay ka heleen jidka bal se ay degdegsan yihiin. Waxay ka dib ku dhaheen “fadlan ciddii lahayd raadi”, waxayna meesha ka huleeleen iyagoo meesha lagala soo xiriiri karo aan u sheegin ama qofka aan weyddiisan qiraal qoraal ah oo sheegaya inay kiishadaas u dhiibeen.

Dhammaan kiishadahu waxay ka samaysnaayeen bac laga arko waxa gudaha ugu jira,saddex kaar oo ganacsi oo cinwaanka email-ka durbadiiba la arkaayo. Waxaa sidoo kale kiishadaha ku jiray liis dukaamaysi qudaareed taas oo lagu qoray luuqadda goobta iyo waddanka cilmibaarista laga sameenaayey. Qaar ayaa waxaa ku jiray $13.5 ama sarifkeeda oo lacagta dalkaas ah- Si tijaabo ah oo ku koobnayd waddamada UK iyo Poland waxaa lagu riday lacag dhan $94.15 in u dhiganta oo sarifka dalalkaas ah. Kiishadaha badankoodna waxaa ku jiray fure. Cilmibaarayaashu waxay diiwaangeliyeen farriimaha ahaa in kiishadaha la helay kuwaas oo lagu soo hagaajiyey cinwaanadii kaararka ganacsi ku qornaa. Si ay awood ugu helaan cilmibaarayaashu inay dersaan isirada keenay in baadida la soo weriyo, kiishad walba waxaa ku jiray kaar ganacsi oo lagu qoray cinwaan u gaar ah kiishaddaas.

Sida la filan karo, baadicelinta way ku badnayd waddamada qaniga ah marka la barbardhiggo kuwa faqiirka ah. Waddamada Switzerland, Norway, Netherland, Denmark iyo Sweden ayaa liiska ugu sarreeya, baadicelintooduna waxay ahayd in ka badan 65%. Waxaa ku soo xigay waddamada Poland iyo Czech Republic, waxayna ka horreeyeen waddamada qaniga ah ee Australia, Canada iyo U.S.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dadka diinta haystaa ay yihiin kuwo raaca xeerar akhlaaqeed oo ku hagaya inay baadida celiyaan marka loo fiirsho kuwa aan diin ba haysan, bal se cilmibaaristu ma maaha mid xoojinaysa aragtidaas. Haddii aan ku qiimayno arrinkaan saamiga inta qof ee tiri dalka(yaga) diintu ahmiyad wayn bay ugu fadhidaa. Waddamada Sweden, Denmark, Norway iyo Czech Republic ugu yaraan 75% dadkooda ka mid ah ayaa yiri diintu wax muhiimad ah uma laha, sidaas oo ay tahay waddamadaan baadicelintoodu waxay ahayd mid sare. Dhanka kale in ka badan 80% dadka waddamada Peru iyo Morocco ayaa yiri diintu ahmiyad wayn bay ugu fadhidaa, bal se baadicelintoodu waxay ahayd mid ka hoosaysa 25%.

Dumarka ayaa ragga ka badnaa baadicelinta 2%, tani waa mid wax ku biirin cilmibaaris hore oo sheegtay in dumarku ay ragga ka akhlaaq suubban yihiin. Siday doonto ha noqotee natiijada ugu muhiimsan ee cilmibaarista ayaa noqotay in kiishadaha lacagta badani ku jirtay ay dhanka baadicelinta ka badnaayeen kuwa lacagi ba aysan ku jirin. Natiijadaasi waa mid isku mid ah 38 dal oo 40 dal ka mid ah-waxaan sidaas ahayn Peru iyo Morocco bes, kuwaas oo in lacag ku jirtay iyo inaysan ku jirin aysan wax farqi ahi u keenin baadicelintooda hoosaysay. Intaas waxaa dheer dalalka laga helay kiishadaha ay ku jirtay $94.15 ayaa baadicelinta ka badnaa kuwa laga helay kiishado ay ku jirto $13.45.

Cilmibaarayaasha tixda ku darsaday dhowr sharraxaadood oo ay yeelan karto natiijada cilmibaaristu, kuwaas oo ay ku jirto in qofku ka cabsaday in la ciqaabo haddii uusan baadida celin. Filashada baadi-fur baadicelinta ka dib,iyo suurtogalnimada in kiishada marka la celiya in aysan wax lacag ahi ku jiri doonin. Laakiin 98% oo ka mid ah kiishadihii la soo uruuriyey markii la soo celiyey lacagtii way ku jirtay. Caddayn kale ayaa ina tusaysa in aysan ka cabsasho ciqaabeed iyo filasho baadi-fur toona aysan dhiirrigelin in la soo celiyo kiishadihii la helay.

Haddaba maxaa badiyey ixtimaalka in la soo celiyo kiishada lacagta badani ku jirtay?

Cilmibaarayaashu waxay soo jeediyeen in afar isir oo go’aamiyey in haddii qofku kansho u hayo oo uu soo celiyo kiishada kala yihiin: qofka dhaqaale ahaan lacag helo haddii uu iska haysto(kulamaa lacagtu badato waxaa badan lacagta uu helaayo qofka helay) , dadaalka ay u baahan tahay si uu u celiyo,in qofka helay uu yahay mid aan danayste ahayn oo u damqan ciddii kiishaddu ka luntay, nacaybka qofku nacayo in loo arko mid tuug ah. Marka la tixraaco habkaan, in kastoo in lacag meesha ku jirto ay kordhinayso haysashada kiishada si dhaqaale ahaan qofka helay uu ugu faa’idaysto (kulamaa lacagtu badato kulamaa qofka helay waxuu helaayo ay badato), in nafaca dhaqaale ay sii culaysiso isku darka qofka oo aan danayste ahayn iyo isagoo raba in loo arko mid daacad ah.

Caddaynta ah in qofka oo aan ahayn danayste isla markaana u damqanaya qofka kiishaddu ka luntay ay door weyn ka ciyaartay in baadida la soo celiyo waa mid lagu helay ka dib markii la is barbardhigay kiishadaha furahu ku jiray iyo kuwa uusan ku jirin. Furahu waa mid muhiim u ah qofkii kiishadda lahaa, laakiin, waa mid lacagta ka duwan oo aan wax faa’ido ah aan u lahayn qofka helay. Hadda maaha mid wax xiriir la leh in qofka loo arko mid daacad ah ama tuug ah. Marka boorsooyinka ay ku jirtay lacagta iyo furahu ayaa ka badnaa kuwa lacagtu ku jirtay ee aysan furahu ku jirin taas oo muujin in kaliya shaqsiyada qofka aysan horseedin baadicelinta.

Dhammaanteen waa inay dhiirrigelin inoo noqdaan natiijooyinka cilmibaaritaani. Waa iska caadi inaad aragto dad ka cabanaya inaynu joogno casri dadku danaystayaal noqdeen, oo akhlaaqiyaadku burbureen, oo dad koobani ay ka fekeraan kuwa kale taas oo dadka badankood ay wax xadi lahaayeen haddii ay ogaan lahaayeen inaan cidna u soo raacanayn. Cilmibaaristani waa mid caddayn adag u ah in dunida aysan sidaas u xumayn.

W/Q: Peter Singer
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan
Tixraaca maqaalka asalka ah:
https://www.japantimes.co.jp/opinion/2019/07/08/commentary/world-commentary/just-how-honest-are-we/

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *