Cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa ka digtay, haweenku haddii aanay hurdo ku filan seexan habeenkii in ay halis u yihiin hoos u dhac ku yimaadda awoodda iyo cufnaanta macdanaha lafaha, una nuglaadaan xanuunka lafaha burburiya ee afka ingiriisiga ‘Osteoporosis’ lagu yidhaahdo.
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Bufallo ee dalka Maraykanka ayaa sameeyey daraasaddan oo ay ku ogaanayeen raadadka caafimaad ee ay hurda yaraanta habeenkii ku keeni karto lafaha dumarka, gaar ahaan marka ay caadadu ka joogsato kaddib. Tijaabooyin kala duwan oo ay sameeyeenna waxaa uga soo baxay dumarka habeenkii seexda shan saacadood iyo ka yar, in jidhkooda ay ku yaraadaan macdanaha muhiimka ah ee lafaha jidhka, marka la barbar dhigo dumarka ay isku xaaladda yihiin ee habeen kasta hela ugu yaraan toddoba saacadood oo hurdo ah.
Daraasaddan oo anatiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka ‘Bone and Mineral Research (JBMR)’ ayaa daahfurtay in cufnaanta iyo macdanaha lafaha haweenku ay boqolkiiba 22 daciifaan haddii muddada ay seexanayaan ay tahay shan saacadood, waxaana boqolkiiba 63 ka mid ah tiradaas lagu arkaa dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca lafaha ah, gaar ahaan miskaha iyo lafdhabarta.
Dr. Haidez Ouch Palcom oo cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey hoggaaminayey ayaa sheegay marka laga tago dhibaatada caafimaad ee ay hurdo yaraantu ku keenta caafimaadka guud ee qofka, in ay u dheertahay haweenka oo ay ku keento taagdarro dhinaca cufnaanta iyo adkaysiga lafaha ah. Isaga oo intaas ku dardaarmay in natiijadaka soo baxday daraasaddani ay mar kale ina xasuusinayso muhiimadda ay leedahay in aynu habeenkii helno hurdo toddoba saac iyo ka badan aah.
Xanuunka lafa-burburka ‘Osteoporosis’ oo si isku mid ah ugu dhaca ragga iyo dumarku waxa uu lafaha ku keenaa taagdarro sababta in ay u nuglaadaan jabitaanka. Meelaha uu jebitaanka lafuhu ku bato waxaa ka mid ah curcurrada gacanta, misigta, ricidhaha laf-dbabarta iyo guud ahaan lafaha oo si aad ah ugu nuglaada jebitaanka.
Xanuunkan oo aan la kala qaadin ayaa xarunta caafimaadka qaranka ee dalka Maraykanku ay sheegtay in uu ku dhaco kala badh haweenka da’doodu ka weyn tahay 50 sano jirka, iyo afar meelood meel ragga ay da’doodu ka weyn tahay 50 jirka.
Xanuunka osteoporosis:
Caadi ahaan lafaha bani aadamku waa nudo nool oo si joogto ah uu ugu dhaco burbur iyo dib u dhis. Waxa si dabiici ah u burbura lafaha hore waxaana joogto u abuurma nudo lafeed oo cusub. Marka qaabka ay laftu run ahaan u eegtahay lagu eego qalabka weynaysadana waxaa la arkayaa in ay aad ugu eegyihiin shaandhada ay shinnuhu malabka ku smaaysato.
Haddaba waxaa mararka qaar dhacda in Khalkhal ku yimi xaaladda caafimaad awgeed, ay kala bataan xaddiga lafaha burburaya iyo kuwa cusub ee samaysmaya, taasina ay keento hoos u dhac weyn oo ku yimaadda cufnaantii iyo adaygii lafta. Waxa aanay sababtaa in uu sii weynaado xaddiga daloollada sida dabiiciga ah lafaha dhexdooda ugu samaysan, (Daloolada aynu xusnay in ay shabbahaan shaandhada shinnidu malabka ku samayso) waana markaas marka uu qofka hayo xanuunka lafa-burburka ‘Osteoporosis’.
Sida ay ku warrantay warbixintan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee Turkiga ‘Anadolu’ xaaladdan khatarteeda waxaa sii badina ogaanshiyaheeda oo goor dambe yimaadda awgeed. Waxa ay ka mid tahay xanuunnada aamusan, waxaana inta badan qofka uu hayo la gartaa keliya marka uu jabo ee kadibna kabitaanku muddo dheer ku qaato ama xaalado kale ku abuuro.
W/D: Kamaal Marjaan