Hooyo Gabadheeda Ilmo Lagu Qali Rabay Oo Keentay Xeelad Ay Si Caadi Ah Ugu Umuli karto!!

SHEEKO: Hooyadii aqoonteeda isbitaalku ka faa’iday:

Waa sheeko cajiib ah, kana dhacday dalka Sucuudiga.

Hadda ka hor ayaa hooyo soomaaliyeed waxay gabadheeda oo fool ah geysay isbitaal ku yaalo magaalada Jeddah si ay ugu dhasho.

Dhakhaatiirtii markay baareen gabadha foosha ah, waxay arkeen in cunuga daba keen yahay oo madaxiisa kor jiro.

Hooyadii iyo gabadheedaba waxaa lala socodsiiyay in gabadha ay qalliin noqon karto waana inay bixiyaan ogolaansho haddii xaaladu qalliin noqoto.

Hooyadii way diiday qalliinka, waxayne ka codsatay dhakhtarka in gabadheedu qalliinka ka hor fool lagu dayo.!

Waa laga ogolaaday laakiin waxaa loo sheegay inay saxiixayso warqad caddayn ah inay qalliinka diiday, wixii ka yimaadane aysan isbtaalka u raacan karin, gabadhane si caadi ah loo foolin doono.

Hooyadii waxay kaloo codsatay in la siiyo fursad 24 saac inta aan gabadha la foolin si ay uga soo fakarto, isbitaalkane laga siiyo qol jiif ah.

Illeen hooyadu fakar iyo talo kuma maqnee, howlo kalee wadataa oo ay diidan tahay inay dhakhaatiirta u sheegto!!.

Subaxii dambe, dhakhaatiirtii ayay la socodsiisay inay gabadheedii fool diyaar u tahay, uurjiifkiina uu isi saxay oo madaxiisii soo hoos maray…!!!!

Yaab iyo amakaag, dhakhaatiirtii way rumeysan kari waayeen, laakiin markay dib loo baaray gabadhii, hooyada warkeedu waaba sax oo cunugii madaxaa u hooseeyo!!!.

Sheekadii waa la isla dhex maray, waxayna gaartay dhakhtarkii qeybta dhalmada heestay oo masaari ahaa, wuxuu u wacay hooyadii waxuuna weydiiyay waxa ay samaysay?

Waxay tiri: Aniga umuliso dhaqameed ayaan ahay, markii ilmaha sidaan noqdaan, meesha madaxooda jiro ayaa baraf ka saaraa, calooshane dhinaca aan rabno inuu isku wareejiyo ayaan u janjeeriyaa, ilmuhuna qabowga ma jeclo oo way ka carareen, badanaane way isgadiyaan sidaas ayayne isku toosiyaan.!!!

Dhakhtarkii masriga ahaa isagoo yaaban wuxuu u wacay umulisooyinkii shaqada ku jiray si ay aqoonta iyo khibrada hooyadaas uga faa’ideestaan,

Waxayna noqotay farsamao cusub oo isbitaalka ku soo korortay oo ay dhici karto inay hooyooyin badan ay kaga badbaadeen qalliinka.

Arrintaan ay hooyada ku sameysay gabadha waa wax jira oo laga isticmaalo meelo badan maadaama uurjiifka uu jecelyahay diirimaadka, wuxuu badanaa madaxa iyo dhabarka la raadiyaa meel qandac ah, haddii qabow laga saaro madaxa ama dhabarka wuu ka cararaa, oo dhinaca qandaca ayuu u wareegaa.

Qadar alle, gabadhii si dabiici ah ayay u dhashay, waxaana hubaa in hooyadaas ay taariikh kaga tagtay isbitaalkaas.

Ogow aqoonta iyo khibradda shahaado shardi uma ahan.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *