
Hibadu waa deeq Alle, laakiin waa sida dhul beereedka oo haddii aan la falin, tacabna la gelin lagama helo midho. Waxay u baahantahay shaqo adag, iyo in hannaan sax ah loo maro guul ka gaadhisteeda. Waa sababta laba qof oo isku hibo ah uu midkood guul uga gaadho, kan kalana dambaska aanu ka kicin.
Hibadu way kobocdaa oo ay midho dhashaa, way gudhaa oo ay dhimataa, sidoo kalana way qaadhaa oo ay u baahataa in dib loo soo nooleeyo.
Haddaba, ‘Hibo’ keli ahi guul kuuma horseeddayso, waxay u baahantahay kaabayaal aanad la’aantood ka faa’idaysan karin hibada kugu jirta. Waxaa sidaas qaba John C. Maxwell oo ku qoray buuggiisa ‘Talent Is Never Enough’. Waxa uu ku doodayaa in hibada ku duugan qofku aanay iyadu bannaanka isu soosaarayn, haddii aanay helin dadaal, afkaar, cugasho iyo go’aamo sax ah oo bacarimiya.
Maxwell wuxuu soo gudbinayaa 13 habdhaqan oo uu sheegay in qofka ay ka caawinayaan sidii uu halka ugu sarraysa uga gaadhi lahaa guusha hibadiisa.
1. Is-aqoonsi: Haddii aanad aaminin in ay hibadaasi kugu jirto, guulna ka gaadhi karto, heli maysid kalsooni iyo dhiirranaan aad kaga midho dhaliso.
2. Xiise: Xiisaha iyo xamaasadda hawsha lagu galaa waxay xoojisaan ku dheggenaanta hawsha, iyo in dulqaad loo yeesho.
3. Curin: In dadaal la geliyo curinta afkaar xoojinaysa godlinta hibadu, waxay fure u tahay guul ka gaadhista hibada
4. Fiiro: In fiiradaada aad isugu geyso ka faa’idaysiga halka aad u xooggan tahay, iyo gaadhista yoolashaadu waxay kugu hagayaan guul.
5. Diyaargarow: Guusha hibadu waxay u baahantahay u diyaargarow iyo dadaalka oo la joogteeyo.
6. Hawgelid: Tallaabooyin la taaban karo iyo horusocod joogto ahi waxay ka mid yihiin furayaasha guusha.
7. Hal-adayg: Ka guulaysiga caqabadaha, iyo ka soo kabashada turaanturradu waxa ay lagama maarmaan u tahay guuasha.
8. Dhiirranaan: Naftu waxa jeceshay ku negaanshiyaha xayndaabka raaxada, in aad cabsida ku dhiirrato, go’aamada guushana aanad kaga baqan khatarta ay keeni karaan.
9. Aqoon-korodhsi: Waxbarasho joogto ah, maskax furnaantan iyo waayaha oo wax laga bartaa waa hab kale oo lagu korin karo hibada kugu jirta. Kaana caawinaysa gufaynta gal-daloolooyinkaaga.
10. Shakhiyadda: Dabeecadda wacan ee daacadnimada iyo qiyamka xooggani waxay sees u noqdaan guusha waqtiga fog ee hibadaada.
11. Xidhiidhka: Xidhiidhada bulsho ee togani waxay koriyaan soosaarista hibadaada.
12. Xilkas: In ficilladaada iyo natiijada go’aamadaada aad masuuliyaddooda qaadaa waxay lagama maarmaan u tahay ka midho dhalintada hibadaada.
13. Iskaashi: Iskaashi aad dadka ku caawin karo la samaysaa waa sabab kale guul u horseedi karta hibadaada. Keli-socod iyo in hawsha oo dhan aad kelidaa qaadato kuma gaadhi kartid guul.
Diyaariye: Kamaal Marjaan