
Hurdadu waxay aasaasi u tahay nolosha iyo caafimaadka qofka. Waxa ay maskaxda ka dhigtaa mid firforcoon, waxayna saamayn ku yeelataa fariidnimada qofka, fikirkiisa, hal-abuurkiisa, dabeecaddiisa, awoodda fahamkiisa iyo xasuustiisa. Sidoo kale, hurdadu waxa ay xoojisaa awoodda difaaca jirka waxayna ka hortagtaa cudurro badan oo kansarku uu ka mid yahay.
Jirka oo heli waaya hurdo ku filan waxa ay keentaa cillado dhinaca dheefshiidka, cirweynida oo siyaada iyo waxqabadka qofka oo hoos u dhaca.
Hadaba qormadan waxaan ku soo gudbinaynaynaa talooyin anfacaya dadka ay ku adag tahay inay gam’aan oo hurdo xasiloon ay helaan.
Waqti go’an:
Xeeldheereyaashu waxa ay taliyaan in waqti go’an la seexdo, waqti go’anna la soo kaco maalin kasta. Joogtaynta caadadani waxay qofka caawinaysaa inuu hurdo fiican seexdo.
Haku noqon sariirta:
Ka dheerow sariirta maalintii. Marka hurdada laga soo kaco macnaheedu waa in qofku uu xarakaad sameeyo, oo howl uu qabto, islamarkaana uusan ku laabanin sariirta illaa laga gaarayo waqtiga jiifka. Qaabkani waxa uu jirka baarayaa waqtiga ay tahay inuu nasto iyo in sariirta loogu talo galay hurdo.
Jimicsiga:
Jimicsiga oo la joogteeyo waxa ay wanaajisaa hurdada. Si kastaba ha ahaatee, waqtiga aad jimicsiga samaynayso ha ahaado ugu yaraan 3 saacadood ka hor waqtiga aad seexanayso.
Iska ilaali casho culus:
Caafimaad ahaan, cashadu waa inay khafiif ahaato oo aysan cuslayn khaasatan dadka waawayn oo dheefshiidkoodu yar yahay, waa in calooshu ay habeenkii nasataa sida jirku u nasanayo, waa in aan dharag lagu seexan.
Nafta xasili:
Haddii aad rabto inaad nafta dejiso ka hor inta aadan seexan, waxaad samayn kartaa inaad qubaysato, inaad buug aakhrido ama inaad Qur’aan dhageysato.
Ka fogow kafiinta (caffiene):
Waxaa lagu taliyaa in ugu yaraan 6 saacadood loo dhexeyso cabista shaaha iyo kafeega iyo xilliga uu qofku seexanayo.
Ka dhig qolkaaga mid ku haboon hurdada:
Qolka aad jiifato waa inuu ahaadaa mid ku haboon hurdada. Waa inuu ahaadaa mugdi ah aan lahayn shanqar badan, heerkulkiisuna uusan kulayl ama qabow mid ahayn. Waa inuu ahaadaa mid raaxo aad ku dareemayso.
Ka dheerow shaashadaha:
Aaladaha elektarooniska sida taleefannada gacanta, kombiyuutarrada iyo tablets-ka waxa soo daayaan iftiin buluug ah kaas oo carqaladeeya wareegga dabiiciga ah ee hurdada. Iftiinka buluugga ah oo la iska ilaaliyo waa hab muhiim ah oo caawinaysa in jirku isku diyaariyo hurdada.
Qorraxda aroortii iyo galabtii:
Qorraxda siyaabo kala duwan ayay u caawisaa hurdada. Qorraxda oo ku dhacda indhaha marka ay soo baxayso iyo marka ay sii dhacayso waxa ay saacadda bayooliga ee jirkaaga baraysaa waqtiga ay tahay inuu shaqeeyo iyo waqtiga ay tahay inuu seexdo. Si toos ah ha u eegin qorraxda, hana xiran okiyaalaha celiya iftiinka qorraxda.
Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo:
Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida caanaha la fadhiisiyay (yogurt) iwm, waxay caawiyaan in qofku uu si fudud u gam’o, maadaama ay kobciyaan samayska maadada “serotonin”, taas oo jirka siinaysa dareen fayow-qab iyo xasilooni.
Maadooyinka kalsiyaam iyo magnesium:
Maadooyinka ku jira cunnooyinka qaarkood waxa ay habdhiska neerfaha u diyaariyaan inuu gaaro marxaladda hurdada. Maadooyinkaas waxaa ka mid ah kalsiyaam iyo magnesium, waxaana laga helaa cunnooyin ay ka mid yihiin lawska iyo caanaha.
W/Q: Hirsi Ahmed