Haddii Aad Calamadahaan Isku Aragto, Ha U Qaadan Hargab Caadi Ah Ee Dhaqso Dhakhtar U Tag

Calaamadaha caadiga ah ee hargabka waxaa ka mid ah; cabudhka, hindhiso, iyo xummad. Waxa se jira xaalado khatar ah oo la calaamado ah, kuwaas oo haddii aad isku aragto ay qasab tahay in aad dhakhtar tagto. Waxaa ka mid ah:

  • Jidhidhico ama gariir (Jidhka oo dubaaxiya) iyo is beddelo heerkulka jidhku. Xaaladdani waxa ay calaamad u tahay in uu jiro fayras khatar noqon kara iyo dhibaato dhinaca sambabka ah.
  • Xummad inta hargabka lagu yaqaannay ka badan oo uu qofku dareemo.
  • Jidh xanuun badan, oo ay ka mid tahay muruqyada oo qofka aad u xanuuna.
  • Dhawaaq sida foodhida ah oo ama guux neef mareenka qofka ka soo baxa marka uu neefsanayo, gaar ahaan marak uu jiifsado. gudihiisa ka soo baxaya. Waa calaamad muuhinaysa caabuq khatar ah oo samaysmay samabada ama marinnada kale ee neefta. Waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa xasaasiyad xad dhaafk ah ama in xasharaad sun lihi uu qofka qaniinay.
  • Qufac xaako badan wata. Waa calaamad kale oo muujinaysa in uu caabuq ka jiro neer mareennada, ama shambabada. Haddii uu dhiig soo raacana xaaladdu waa ay sii culustahay.
  • Hungiriga oo qofka xanuunka, madax xanuun badan, laabta oo uu xidhiidhi ama xanuun ka dareemo, neefta oo uu qawado, iyo culays dhegaha ah, indhaha oo xanuunka, ama cuntada oo uu naco. Dhammaantood waa calaamad muujinaysa in hargabka qofka hayaa aanu caadi ahayn, sidaas awgeed ay waajib tahay in uu dhakhtar la socodsiiyo.

W/D: Kamaal Marjaan

-Marjaan Media

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *