HADA JOOJI 15-kaan Arrimood Noloshaada Ayay Burburinayaane

Fikirado qaldan, Hab socod aan haboonayn, caadooyin, dhaqanno, dhibaatooyin nafsiyadeed iyo qaar bulsho ba.

Waxyaabo badan ayaa dhibaato inoo horseeda inagoon ogsoonayn, sidaa awgeed ayaan akhristayaasheenna sharafta mudan usoo uruurinay arimo ay tahay hadii aad ku guda jirtid ama samaynaysidba inaad faraha kala baxdo isla markaana markiiba joojiso sababtoo ah adiga ayay dhibaato kugu tahay, noloshaadana burburinaysaa.

1. Jooji waqtiga aad la qaadanaysid dadka aan ku haboonayn inaad waqti la wadaagtid, una fiicnayn sharaftaada iyo maqaamkaaga.

2. Jooji ka cararka iyo orodka aad ka ordodid dhibaatooyinkaaga.

3. Jooji beenta aad ku maaweelisid naftaada.

4. Jooji isku dayga aad isku dayaysid inaad cid kale noqotid.

5. Jooji iskdu dayga aad isku dayaysid inaad soo celisid wax tagay ama galbaday.

6. Jooji canaanta aad naftaada ku canaanatid gafaf aad waqti hore gashay.

7. Jooji cabsida aad ka qabtid inaad khaldanto, waayo waxay kaa hor istaagaysaa horumarka.

8. Jooji caajiska, haku talax tagin fikirka si aanaad u samaysan dhibaatoyin aan meesha oolin.

9. Jooji filashada aad is leedahay isbadal uma diyaar tihid, waayo qofna ma dareemo inuu isbadal diyaar u yahay 100% ilaa uu ay fursadu u timaado, sug fursadaada.

10. Jooji diidmada xidhiidho cusub oo aad dadka la samaysid, adigoo ka cabsanaya sidii kuwii hore inay u fashilmaan.
11. Jooji xinka aad dadka kale xinninaysid.

12. Jooji doorashada arimaha fudud een wax dadaal ah u baahnayn, ha qaadan dariiqa fudud, isku day inaad samaysid wax aan san caadi ahayn.
13. Jooji canaanta aad dadka ku canaanatid wax aad adiguba samaysid.

14. Jooji warwarka badan iyadoon wax warwar keenaaba jirin.

15. Dhabanka gacanta ka qaad oo ilaahay ugu mahad naq xaalad kaste ood ku jirtid, mid xun iyo mid sanba isaga ayuun baa kaa saari karee.

Xigasho: faaido.com

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *