Tiro-koobyadii ugu dambeeyey ee laga sameeyey khataraha caafimaad ee ka dhalan kara talefanka gacanta ayaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 44.8 dadka talefanka gacanta isticmaalaa, habeenkii marka ay seexanayaan ay talefanka dhigaan meel aan ka fogeyn barkimadooda iyaga oo aan dareensanayn khatarta caafimaad ee ay ku arrintaasi ku keenayso.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Al-Caalam waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee ka dhalan kara in qofku uu habeenkii talefanka gacanta agtiisa dhigo:
Dab weeye ee barkimadaada ka fogee:
Buug-yaraha la socda talefannada gacanta ayaaba lagu sheegayaa xaqiiqada caafimaad ee ah in jidhkaaga aad ka fogeyso baytariga talefanka gacanta iyo guud ahaan aaladaha la dabeeyo.
Khubarada samaysay talefanka gacantu waxa ay sheegayaan in ay dhici karto in baytariga dabku ku kaydsan yahay ee talefanka gacantu uu iskii uu gubto, sida marar badanba ka dhacday meelo kala duwan oo dunida ah. Haddiiba ay dhacdo in dabkani baytariga ka kaco waxa uu khatar u yahay in uu qabsado gogosha iyo barkimada uu qofku ku jiifo, dabka ka dhashaana uu khatar geliyo naf iyo maalba.
Khalkhal ayaa uu ku ridaa saacadda Bayoolojiga ah ee qofka:
irokoob cilmiya oo la sameeyey ayaa caddeeyey in boqolkiiba 75 ka mid ah dadka habeenkii talefanka is-agdhiga ay fallaadhihiisu saamayn taban ku yeeshaan soo saridda maadadda Melatonin oo si weyn u caawisa in qofku uu hurdo helo, aakhirkana waxaa ka dhalanaya in ay yaraadaan saacadaha hurdo ee qofku.
Dhinaca kalana talefannada gacanta, talefishannada, iyo guud ahaan qalabka korontada ku shaqeeya ee casriga ahi waxa ay leeyihiin shaashadaha loo yaqaanno LED ama ilayska buluugga ah, kaas oo jidhka qofka ku kallifa in uu soo saaro hormoon seexinaa hormoonka Melatonin isla markaana khalkhal ku rida saacadda abuurka ah ee qofka ku beeran oo ah tan suurtogelinaysa in waqtiyadiisa habaysnaadaan, hurdo, cunto, shaqo, iwm.
Khubaradu waxa ay sheegeen in sababta LED uu qofka ugu keeno khalkhalka hurdadu ay tahay ilayska LED oo u eeg ilayska maalintii, sidaa awgeed marka uu qofku cabbaar eego uu jidhkiisu u fahmayo in maalinnimo la joogo, taasina ay dhibaato ku keenayso saacadda baayoolojiga ah. (Saacadda abuurka ah).
Fallaadhuhu maskaxda ayaa galaan:
Cilmibaadho tiro badan ayaa xaqiijiyey in marka talafanka gacantu shaqaynayo uu si joogto ah u sii daayo mawjado ah fallaadhaha korontaysan ee afka qalaad lagu yidhaahdo Magno-electric oo hirarkoodu aad u sarreeyaan. Mawjadahan waxa ay awood u leeyihiin in ay dhex maraan lafta madaxa una gudbaan maskaxda iyada oo aanu qofku is dareensanayn. Waxa aanay si toos ah saamayn khatar ah ugu yeeshaan korontada unugyada neerfeed ee maskaxda, taas oo iyadana ay ka dhalato khatar ku timaadda firfircoonida maskaxda.
Waxa ay sabab u noqdaan hurdada oo xumaata:
Talefanka gacanta oo la is-ag dhigo habeenkii marka la seexanayaa waxa ay keentaa in qofku uu hurdo dheer seexan waayo, taas oo ay ka dhalan karto in dhiiggii iman lahaa muruqyadu uu ka yaraado intii intii dabiiciga ahayd. Sidaa awgeed subaxda hore waxa aad arkaysaa qofkuu oo u fiirsiga iyo xoog u dhugashadu ku dhib tahay, iyo isaga oo ka cabanaya in xubnuhu xanuunayaan. Sidoo kale waxa ay arrintan isaamayn taban ku yeelataa awoodda hawlgudasho ee qofku uu maalintii lahaan lahaa.
Waxa uu sababi karaa buroonyin kansar ah:
Khubarada cilmibaadhisahan samaysay waxa ay sheegayaan in talefanka gacanta oo isaga oo shidan habeenkii la is-ag dhigaa ay keeni karto in burooyin kansar ay qofka ka soo baxaan, gaar ahaan maskaxda. Xeel-dheerayaashu waxa ay xaqiijiyeen in fallaadhaha ka soo baxaya talefanka gacantu ay raadayn taban oo toos ah ku yeeshaan Barootiinka Actin oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee unugga.
Daraasado cilmiya oo arrintan lagu sameeyey ayaa daahfuray in fallaadhahaas ka imanaya talefanka gacantu ay dhibaato u geysan karaan habka ay qaybaha kala duwan ee maskaxdu hawshooda u qabsadaan.
–Kamaal Marjaan
–Wargeyska Geeska Afrika