Soonku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo isugu jira kuwo jidheed iyo kuwo nafsi ah, waxa kale uu leeyahay faa’iidooyin bulsho oo ka bilaabmaya in uu qofku ku sameeyo dib-u haybayn ama wax aynu ugu yeedhi karno tarbiyadayn hor leh. Waxa se muhiim ah in qofka soomayaa uu qaato talooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirta takhasuska ahi ka sheegaan soonka iyo ka faa’iidaysigiisa.
Talooyinka ugu fiican ee ay dhakhaatiirtu dadka soomaya siiyaan waxaa ka mid ah in cuntada aanu qofku isku badin, in cuntada uu aad u calaaliyo oo aan dhaqso u liqin, in uu biyo jidhkiisa ku filan cabbo, si aanu jidhku u ingagin iyo in uu jimicsi sameeyo laba saac kaddib afurka, si uu dheefshiidka uga caawiyo shiidista cuntada, ugana hortago in uu dufanku ku ururo jidhka.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa laba dhibaato oo ka mid ah kuwa loogu cabashada badan yahay xilliga soonka; waa calool istaagga iyo harraadka badan ee maalinnimada, gaar ahaan xilligan xagaaga. Waxa kale oo aynu eegaynaa faa’iidooyinka ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helo cunista muuska ee xilliga suxuurta.
Calool istaagga
Calool istaaggu waa xaaladaha caafimaad ee dunida oo dhan loogu cabashada badan yahay, waxa aanay ku timaaddaa jidhka oo ay ku adkaato hawsha qashinsaarku, taas oo ku iman karta sababo ay ka mid yihiin noocyada cunto ee aynu cunayno, xaddiga dareere ee jidhka gelaya. Waxa uu si aad ah u sii bataa xilliga soonka oo inta badan ee dadka soomani isku arkaan ugu yaraan muddo gaaban oo bisha soon ka mid ah. isbedelka iyo kala fogaanta xilliyada cunto ee xilliga soonka yimaadda, iyo biyaha oo jidhka ku yaraada ayaa ah sababta ugu muhiimsan ee keenta calool istaagga bisha soon.
Si calool istaagga loo yareeyo waxaa qofka sooman u fiican in uu cuno, khudradda ingagan oo ah noocyada aanay gudaheeda biyo ku kaydsanayn, sida timirta, sabiibta, lawska iwm.
Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in haddii uu calool istaaggu aad u sii bato ay fiican tahay in qofku aanu isku eegin, balse uu isticmaalo dawooyinka caloosha jilciya, sida ‘Normalax’. Waxa kale xusid mudan in xilliga soonka ay dadka qaar isku arkaan gaas / naqas badan oo caloosha gala, taas oo ka mid ah sababaha keeni kara caloos istaagga. Waxaa fiican in qofka sooman ee isku arka gaastariga gaar ahaan dibbirada iyo naqasku in uu isticmaalo dawooyinka loo isticmaalo. Waxaa jira dawooyin cusub oo marka uu qofku liqo aan qasab ka dhigayn in uu muddo sugo cuntada ka hor, kuwaas oo xitaa cuntada kaddib la isticmaali karo.
Biyaha
Talada ugu fiicani waa in qofka soomayaa uu inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta cabbo 10 illaa 12 koob oo biyo ah. Habka ugu fiican ee biyaha loo cabbi karaa waa in kabbasho si yar-yar loogu cabbo, si aanay u keenin dharag sababa in qofku biyo yar cabbo. Waxaa fiican in biyaha lagu daro in yar oo xamar (raqay) ama liin dhanaan ah.
Si xilliga ramadaanka jidhka looga ilaaliyo ingagga waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la iska daayo ama aad loo yareeyo cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’ sida bunka iyo shaaha, waxa kale oo muhiim ah in la iska yareeyo cuntada milixdu ku badan tahay. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu diidaan in xilliga soonka la cabbo cabbitaannada tamarta kordhiya, oo caadi ahaan sonkorta iyo Kaafiyeentu ku badan yihiin, marka laga tago in ay jidhka ingajiyaan, waxa kale oo ay sababi karaan dhibaato dhinaca shaqada beerka ah iyo garaaca wadnaha oo inta dabiiciga ah ka dhaqsada.
Khudradda badankeeda waxaa ku jira biyo badan, waxa aanay leedahay gan sababa in ay muddo dheer caloosha ku jirto, taasina ay ka hortag fiican u noqoto harraadka iyo gaajada labadaba. Waxaa ka mid ah xabxabka (Qaraha) oo boqolkiiba 92 biyo ah, tamaandhada oo boqolkiiba 94 biyo ah, iyo khayaarka oo isaguna boqolkiiba 95 biyo ah.
–Kamaal Marjaan