Hababka Talo-Bixinta Habboon

Arin ayaan doonayaa inaan kaala tashto ayuu qof ku yidhi , judha intaasi afkiisa kasoo baxdo ogsoonoow kalsooni ayuu qofkaasi ku bidayaa oo arintii maskaxdiisa culasyka ku haysay ayuu rabaa inuu is kaga kaa khafiifiyo , kama aha tamar-darro ama in uu arimhiisa u maaro waayay lakiin wuxuu kugu tuhmayaa aqoon iyo in aad in uun wax ku dhaanto ama xaajada meesha uu ka arko meel ka duwan aad ka jeedaalin karto.

Haddaba markuu qofku arintiisa kuusoo bandhigo dhagayso inta uu hadalka kuu wado, sii indhaha oo u fiirso dhaq-dhaqaaqa jidhkiisa iyo bu’da indhihiisa , deji haddii xoogaa caadifaddu ka tan badiso oo uu gariiro ama ilmo isku soo taagto. Ku dhiiri geli in wixii dhibaya uu dibadda keeno si uu u nafiso.

Marka la gaadho xilligii aad talada bixin lahayd aad uga taxadar qaabka aad hadalkaaga u bilaabayso , isku day inaad ku biloowdo sidan:

“Kollay go’aanka kama dambaysta ah adiga ayaa iska leh , balse aniga waxa ay iila muuqataa sidaa iyo sidaa….

Iska Ilaali talo marka aad bixinaysid arimahan :-

1) Af-gobaadsiga (in wixii saxda kuula muuqday aad ka meermeerto adiga oo is leh qofku yuu kaa calool xumaan amaba ku hodaya oo isleh wixii dhagtiisu jecehshay maqashii)

2) Ula tali sidii aad naftaada ula talin lahayd oo ha hakranin wixii aqoon ama aragti ah ee aad ku dhaanto.

3) Tix gali xaaladda iyo duruufta uu qofkaasi ku jiro ,

4) Marka aad tala bixinaysid hadalkaaaga ha u dhigin qaab amarr ah sida “Aniga haddaad wax iga maqlayisd sidaa samee”

5) U ducee in Ilaahay sidii khayrku ugu jiro waafajiyo.

Shaqadaada ma aha qofkaasi in uu taladaada qaato iyo inkale , u daa qofka fikirkiisa una ogoloow in waqtiga uu doono uu go’aan gaadho .

Haku wiirsan qofkii haddii uu taladaada qaadan waayo tiisiina uu ku hunggoobo , carabkaaga ka ilaali inaad catow iyo ciilkaambi qofkaa qalbigiisa geliso adiga oo leh “ Alla imisaan kula taliyay , wakaase wax ka hel , haddaad maalintii i maqli lahayd sidani kuguma dhacdeen iwm…

Hamda Hussein

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *