
Habdhiska difaaca jirku waa nidaam uu jirku iskaga ilaaliyo infekshannada iyo cudurrada oo ay ka mid yihiin xanuunnada raaga.
Difaaca jirkaagu wuxuu la dagaallamaa wax kasta, laga bilaabo fayrasyada keena hargabka iyo ifilada illaa cudurrada halista sida kansarka.
Hab-nololeed caafimaad leh oo la joogteeyo wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan, oo ay ku jirto xoojinta difaaca jirkaga. Waxaynu qoraalkan ku soo qaadanayna tallaabooyinka lagu xoojin karo awooodda difaaca jirka.
Joogtee cunnooyinka caafimaadka uroon:
Cunto caafimaad waxay ka dhigan tahay inaad ku dedaasho cunista khudradda iyo furuutka, barootiinta aan baruurta lahayn, badarka iyo caanaha. Sida oo kale, waa in la xadido dufannada nooca loo yaqaano “saturated fats”, milixda iyo sonkorta.
Cunnooyinka caafimaadka uroon waxaad ka helaysaa nafaqooyin kala duwan oo ka qayb qaata awood siinta difaaca jirka. Nafaqooyinkaas waxaa ka mid:
- Fitamiin B6: waxaa laga helaa digaaga,mooska, khudradda cagaaran, baradhada iyo kalluunka gaar ahaan salmoonka iyo tuunaha.
- Fitamiin C: waxaa laga helaa liinta noocyadeeda kala duwan sida oranjada iyo liin dhanaanta, yaanyada, khudradda sida broccoli-da iyo koostada.
- Fitamiin E: waxaa laga helaa lawska, koostada iyo kalluunka.
- Macdanta Zinc: waxaa laga helaa lohodka (oysters), hilibka xoolaha, digaagga, digirta iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.
- Macdanta Magnesium: waxaa laga helaa qamadiga iyo cunnooyinka laga sameeyo, lawska, digirta iyo mooska.
Samee Jimicsi joogto ah:
Jimicsiga joogtada waxa uu wanaajiyaa dareenka qofka iyo hurdadiisa, waxaana uu yareeyaa walwalka.
In qofku uu jimicsado maalin kasta 30 illaa 60 daqiiqo waxa ay xoojisaa awoodda uu jirku ku soo saarayo unugyada cusub ee dhiigga cad, taas oo macnaheedu yahay in ay siyaadaysa awoodda difaaca jirku.
Hel Fitamiin D kugu filan:
Jirka oo si joogto ah u hela faytamiin D ku filan waxa ay muhiim u tahay caafimaadka difaaca jirka, sidaas awgeed waa inaad ku dedaasho helidda fitamiin D kugu filan adigoo ka raadsanaya ilaha laga helo sida in jirku uu helo qorrax ku filan, gaar ahaan subaxdii iyo galabtii, sida oo kale waxaa Fitamiin D aad ka heli kartaa cunnooyinka ay ka mid yihiin kalluunka, ukunta iyoi caanaha.
Cab biyo kugu filan:
Biyuhu waxa aasaasi u yihiin sunsaarista iyo habsami u shaqaynta difaaca jirka. Ku dedaal inaad maalin kasta cabto dareereyaal kugu filan.
Seexo hurdo tayo leh:
Samayso waqti go’an oo aad seexato habeen kasta iyo waqti go’an oo aad soo kacdo subax kasta. Qaabkani waxa uu wanaajinayaa hurdadaada, inaad si joogto ah u hesho hurdo tayo leh, waxa ay xoojinaysaa difaaca jirkaaga, waxayna caawinaysaa in jirku uu si fudud u soo kabsado. Xilliga hurdada waxaa firfircoonaada habdhiska difaaca wuxuuna soo saaraa maaddooyin burburin kara sunta.
Wanaaji caafimaadka Calooshaada:
Cunnooyinka hodan ku ah bakteeriyada faaidada leh (probiotics) sida caanaha la fadhiisiyay ee yogurt-ka waxa ay kaalin muhiim ah ka qaataan difaaca jirka.
Adkee xiriiradaada bulsho:
Xiirada bulshada ee adag iyo caafimaad-qabka nafsiga ah waxa la aaminsan yahay inay wanaajiyaan awoodda difaaca jirka, sidaas awgeed, ahmiyad sii xiriirada macnaha leh.
W/Q: Hirsi Ahmed