Hababka Loo Kaydsado Fikradaha Iyo Hindisayaasha Ku Soo Dhaca Maskaxda

Waxa aynu maraynaa duni xawaaraha horumarka ay ku socoto iyo isbedellada togan iyo taban ee joogtada ahi ay u ekeysiiyeen, in waqtigu uu intii hore ka dheeraynayo. Cadaadis dhinac kasta oo nolosha ah taabanaya ayaa joogto ugu sii kordha qof kasta, arrimahaasi waxa ay qasab ka dhigayaan in qofku uu joogto maskaxdiisa uga faaruqiyo hadba wixii afkaar iyo hindiseyaal ah ee ku soo dhaca, inta aanay wax cusubi tirtirin. Waa in uu yeesho diiwaan uu ku kaydsado fikradaha kala duwan ee maskaxdiisa ku soo dhaca, si uu dib uga faa’idaysto.

Habkan hoos ku xusan ayaa looga faa’idaysan karaa hindisayaasha iyo fikradaha mararka kala duwan ku soo dhaca maskaxda.

1. Qor fikirka kugu soo dhaca:

Yeelo buugga diiwaangelinta afkaarta cusub oo warqad cad ku qor fikradaha iyo hindisayaasha maskaxdaada ku soo dhaca. Weligaa ha dhayalsan dareennada iyo fikradaha kugu soo dhaca, xitaa haddii marka hore fulintooda uu madow kaaga jiro.

2. Isku dubarid afkaartaada

Afkaarta kugu soo dhacday ee aad diiwaangelisaay, qorshahooda fulinta waxa aad u kala horumarisaa sida ay u kala mudanyihiin, ama ay u kala miisaan culus yihiin. Tusaale ahaan;

1. Afkaar ay tahay in degdeg loo fuliyo

  • Dejiso qorshe cad oo aad ku waajahayso fikir kasta oo fulin degdeg ah u baahan, qorshee sida aad u kala hormaynayso, sida oo kale daraasee shuruudaha, caqabadaha, fursadaha iyo jadwalka aad ku hawgelayso.
  • Ka fikir garabka iyo kaalmada aad u baahan karto, aqoonso cidda aad ka dalbanaysid kaalmada iyo qorshaha aad ku gelayso hawshan illaa dhammaystirkeeda.
  • Gudagal fulinta fikirka adigaa ku bilaabaya tallaabooyin fudud laakiin is xigxiga oo kor u socda.

2. Afkaarta fulintooda dib loo dhigan karo

Afkaarta aad u aragto in fulintooda dib loo dhigi karo, ku qor goob sumad gaar ah kuu leh, adiga oo u kala hormaynaya sida ay kuugu kala mudanyihiin, ama aad u kala hor fulin karto.

3. Afkaar aad iska dhaafto

Afkaarta aad diiwaangeliso qaarkeed ayaa ay dib kaaga soo baxaysaa in aanay macno badan lahayn, ama fulintoodu aanay hadda suurtagal ahayn ee ay tahay in aad iska dhaafto. Iska tir afkaartaas. Markan oo kale iska jir in aad iska dhegamariso dareenkaaga runta ah, adiga oo dhinaca kalana iska tuuraya walaac kasta oo kugu dhasha.

Talo guud

1) Dib u soo cesho hiwaayadda iyo hawlaha ama caadooyinka aad xiisayso ee aad iska joojisay, haddii aanay jirin sabab sax ah oo aad isaga deysay.

2) Caadayso in aad maalin kasta samayso socod, waxaana fiican in aad ku samayso meel hawo furan oo dabiici ah. sida oo kale samee jimicsiyada kale ee aad xiisayso

Akhriso: 15 Daqiiqo Oo Socodka Lugta Ah Maalin Kasta Waxaa Laga Helaa….

3) Raatub ka dhigo akhriska, adiga oo dooranaya buug fiican. Marka aad ku jirto xaaladaha samaynta qofnimadaada iyo isu diyaarinta nolosha, waxaa fiican in aad akhrido buuggaagta dhiirrigelinta ah.

Akhriso: Ahmiyadda Ay Leedahay Xusuus Qorka Oo La Caadaysto

Turj: Kamaal Marjaan

Midan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *