Ha Ka Goynina Baalasha ee Daaya Ha Duuleene!

Xeel-dheerayaasha barbaarinta [dhallaanku] waxa ay dhaheen: “haddii aad ciyaal leedahay, oo uu gurigaagu had iyo goor nidaamsan yahay, qurux badan yahay, nadiifna yahay, shey walbana uu meeshii loogu tala galay yaallo, waxa aad tahay aabbe xun ama hooyo xun; sababta oo ah guriga had iyo jeer nadaamsan isaga oo ay ciyaal joogaan waxa ay ka dhigan tahay in ciyaalka lagula kaco diidmo, canaad, khasbid iyo maamul adag; guriga had iyo jeer hagaagsan waxa uu ka dhigan yahay in laga xaday carruurnimo oo la fogeeyay male-awaal oo lagu tuntay ruux.

Kama aan soo horjeedo in uu gurigu ahaado mid nadaam iyo xeer leh; isku imaatin dadeed oo kasta, ha yaryaraadeen [dadku] ama ha waaweynaadeen, oo aan nidaam, xeer iyo dhaqan xakamayn waxa uu masiirkiisu noqonayaa burbur, laakiin nidaamyada iyo xeerarku waxa ay u jiraan in ay nolosheenna hagaajiyaan ee in ay xadaan maaha! Balse waxa aan anigu sida buuxda uga soo hor jeedo waa in ay labada waalid qabaan in alaabta gurigu noqoto tabtii Ilaahyadii Qureysh ee xilligii jaahiliga oo ay luqumuhu u raaracaan qurbaanna loo qalo, gaar ahaan hooyada; sababta oo ah waxa ay ku hawlantahay hagaajinta guriga in kabadan aabbaha, sida oo kale waa ay ka dareen badan tahay, jacaylka ay u qabto hagaagsanaantu na waa uu ka gun-dheer yahay midka aabbaha, alaabta guriga waxaan usoo gadannay si aan u adeegsanno ee uma aynaan soo gadan in aan weyneyno, innaguna waa in aan noqonnaa dhexdhexaad, ka badbadis iyo ka gaabis toonna lama rabo.

Baahida uu ilmuhu u qabo ciyaarta waxa ay lamid tahay baahida uu gabyaagu u qabo gabayga, midka uu geedku u qabo biyaha iyo midka uu ninka wax jeclaaday u qabo wajiga gacalisadiisa! ma aha waqti-lumis bal’e waa dareen cabbir iyo ogaansho duni, markii ay gabadhaydu yarayd oo ay qandhadii Badda-dhexe ku dhacday, ma aanu aqoon calaamadaha lagu garto [cudurka] markii laga reebo heer-kulka oo kordha mooyee, laakiin waxa aan maqlay iyada oo boonbalaheeda laabta galinaysa oo leh: “gacaliso marka aad adigu xanuusatid caloosha ayaa lagaa qabanayaa, waxaadna dareemaysaa in uu matag ku hayo mana awoodaysid [inaad matagtid], waxaad dareemaysaa qaboow oo waxa aad u baahanaysaa cid laabta ku galisa”, boonbalaheedii ayeyna laabta gelisay!.

Ubadkeenu waa ay ka muhiimsanyihiin kuraasta, miisaska, ubaxyada, sawirrada iyo roogagga, maxay ka macne tahay in gurigu wasakhoobo oo qalimada wax lagu midabeeyo ay meel walba daadsanaadaan, oo ay waraaquhuna tuurnaadaan, halka aan u diidi lahayn beddelkeed aan heshiis kula galno in ay nadiifiyaan gadaashooda.

Waraaqaha jeexjeexan ee daadsan waxa ay ka dhigan yihiin in ay [iyagu] nool yihiin ciyaalnimadooda, adna aad tahay hooyo weyn oo u deysay in ay si nabdoon u koraan.

In ay alaabta dhaqan soo saaraan waxa ay ka dhigan tahay in aadan keligii-talis ahayn ee aad tahay hooyo wanaagsan oo u ilaalinaysa si daryeel iyo danayn leh.

Guryaha aan ubadka lahayni waa qabuuro qaab guryeed leh, kuwa waayay ubadka loo diiday ee waayay waxa ay ku taamaan in ay lahaadaan wiil guriga dhinaca kale u roga! Marwo kasta oo aan ilmo lahayn waxa ay jeclaysataa in ay hesho wiil saacad kasta jebiya saxan, oo daqiiqad walba wasakheeya dharkiisa!
Bara [carruurta] nadaamka, oo ku tarbiyadeeya hagaagsanaanta, laakiin ha jarinnina baalashooda, daaya ha duuleene.

W/Q: Ad’ham Sharqawi
Alwatan

W/T: Madasha Tarjumaadda HOOBAAN

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *