Guushu waxay rabtaa Shaqo adag, dedaal badan, dulqaad iyo qof ku dhiirigeliya!

Maalin ayaa Thomas Edison guriga soo galay, wuxuu warqad u dhiibay Hooyadii. Wuxuu ku yiri, “Macalinkeyga ayaa warqadan ii soo dhiibay, wuxuu ii sheegay inaan u dhiibo Hooyadey oo keliya.” Kolki Hooyadii warqadi kala furtay waxaa indhaheeda ka yimi ilmo badan, waxay warqada kor ugu aqrisay wiilkeedi: Wiilkaagu waa Cabqari, aad u maskax badan. School-kan aad buu ugu yar yahay, mana hayno macalimiin sare oo tababari kara. Fadlan adiga wax bar.

Wuxuu hindisay oo Aduunka ku soo kordhiyay waxyaabo badan waxaana ka mid ah Nalka aan ilaa maanta isticmaalno. Wuxuu noqday mid ka mid ah Hindisayaasha, dadka wax cusub soo saara, ee ugu sareeya caalamka.

Sanado badan ka dib, kolki Edison Hooyadii dhimatay, ayuu maalin gurigi ku noqday, wuxuu eegayay alaabihi hore ee reerku lahaa. Wuxuu arkay warqad isku laaban oo khaanad miis ku jirta. Waa warqadi macalinka u soo dhiibay. Wuu kala furay. Waxaa ku qornaa: Wiilkaagu maskaxda ayuu ka jiran yahay, waana fahmo daran yahay. U oggolaan mayno inuu school-keena sii dhigto.

Wuxuu ooyay saacado badan! Wuxuu ku qoray xusuus-qorkiisa: “Thomas Edison wuxuu ahaa ilmo maskaxda ka jiran oo damiin ah kaasoo Hooyo Halyey ah darteed noqday Cabqarigi Qarniga.”

Hooyadii warqada sida ay tahay uguma aqrin waxayna go’aansatay inay dhiirigeliso wiilkeeda inti ay niyad jebin lahayd. Hadalki Hooyadi uu aaminay & dedaalkii uu la yimid ayuu ku noqday cabqari, hindise aad u maskax badan.
Marnaba ha quusan. Si kastoo laguu niyad jebiyo ama laguugu tilmaamo qof aan is bedel ama horumar sameyn karin. Ha niyad jebin hana rajo dhigin. Waxa ugu weyn aad sameyn karto ama aad noqon karto waa wixi dadku ku oran jireen ma sameyn kartid ama aaminsanaayeen inaadan noqon karin.

Hooyo kasta waa Halyey horumar u horseedi karta hanadkeeda!

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *