Goormaad U Baahan Kartaa Kaadi Saaris Iyo Kelyo Dhaqid?

kaadi saaris, kelyo dhaqid

Kelyahu waa labo xubnood oo leh qaabka ama shabahaada midhaha digirta, waxay ku yaalaan labada dhinac ee xangulaha. Kalyahu waxay qabtaan shaqo aad u culus oo muhiim u ah nolosha qofka. Waxay nadiifayaan dhiiga ayagoo ka saaraya qashinka jirku kasoo saaro waxyaalaha aan cunno ama cabno.

Marka kelyahaagu aanay si  fiican u shaqeynaynin, kaadi-saaris ayaa loo baahan yahay si jirka looga saaro dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka. Kaadi-saarista dhiigga hemodialysis waa nooc kaadi- saaris oo isticmaalaysa mishiin leh shaandho/miire artifishal ah), si dhiigga looga saaro qashinka iyo dheecaanka dheeraadka ah. Waxay daweyntani sidoo kale caawinaad ka geysataa isu miisaamidda kiimookinka jirkaaga iyo maareynta cadaadiska dhiigga. Daweyn kastaa waxay qaadataa 4 saacadood waxana la sameeya 3 jeer todobaad kasta.

Gormaad u baahan kartaa in laguugu sameeyo kaadis saaris?

Kalyo caafimaaad qaba oo si fiican u shaqaynaya waxay jirkeena ka saaraan qashinka dheeriga ah ee jirkeenu soo saaro. Waxay mar walba joogteeyaan dhex dhexaad nimada cabirka dhiiga. Waxay joogteeyaan cadadka kiimikooyinnka dhiiga, sida Maadada cusbada, iyo botaashiyam. Waxay sidoo kale ka shaqaysiiyaan nooc fiiitamin ah kaasoo wanaajiya dhuuqitaanka ama qaadashada jirka ee maadada kaalshiyam oo ah maadada ka qayb qaadata dhismaha lafaha.

Marka qofku gaaro heer aysan kalyahiisu qaban karin dhamaan shaqooyika aan soo xusnay iyo kuwo aanan xusinba sababo jira awgood. Sida cudur ama dhaawac. Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo kaadi-saaris deg deg ah. Kaadi-saaristu waa qaab ama nooc dawayn ah oo loogu tala galay in kalyaha fashilmay lagu kaabo shaqadii ay hayeen, si jirka looga saaro wasakhda dheeriga ee kalyahu aysan saari karin. Hadii aan la samayn kaadi-saarista, cusbada iyo waskhda kale ee jirku soo saaro waxay kusii dhex jirayaan dhiiga, waxayna taasi sababi kartaa in dhiigu sumoobo. Si kastaba ha ahaatee kaadi-saaristu maahan daawo lagu daweeyo cudurada kalyaha.

Sidee bey kaadi saaristu u shaqeysaa?

Mishiin kaadi-saaris ayaa in yar oo dhiig ah ka soo nuuga jirka oo soo dhex mariya shaandho/miirto la yidhaahdo keli artifishal ama kaadi-saare (dialyzer). Kelidan artifishalka ahi waxay dhiigga ka shaandheysaa ama ka saartaa dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka. Ka dib dhiigga ayaa dib loogu shubaa jirkaaga. Daawo ayaa lagu siin doonaa si looga hortago in dhiiggaagu xinjiroobo.

Hoore, la yidhaahdo dialysate, ayaa lagu daraa mishiinka kaadi-saarista si:

  • Loo saaro dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka is biirsaday
  • Laguu siiyo kiimikooyinka uu jirkaagu isticmaalo

Hooraha “dialysate” waa isku-jir ka kooban biyo iyo kiimikooyin laga helo dhiiggaaga.  qadarkiisa ayaa laguu sixi karaa, taasoo ku saleysan qiimeynta shaybaarkaaga, si laguu siiyo shaandheynta ugu fiican ee leh dhibaatada ugu yar.

Saameynta kaadis saaris

Kaadi-saarista dhiigu waxay leedahay saamayno badan oo caafimaad, laakiin saamayntaas waxaa ka darran khatarta ka dhalan karta hadii wasakhda dheeriga ee jirku soo saarayo banaanka loo saari waayo. Waxaa kamid ah saamaaynnada ka dhasha kaadi-saarista dhiigga;

  • Dhiig bax ka yimaada meesha cirbada qofka looga mudayo, balse taasi badanaa ma dhacdo hadii qofka samaynaya hawshaan uu yahay qof aqoon u leh.
  • Infakshin ka dhasha isla meeshaas.
  • Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca. Taas oo ka dhalan karta qul qulka dhiiga oo isbadal lagu sameeyay. Waxaase lagula tacaali karaa dawooyinka xakameehya cadaadiska dhiiga.
  • Maroojis muruqyada ah, lalabo iyo madax xanuun.
  • Inaad dareentid daal iyo hurdo
  • Inaad dhaxamootid
  • Inaad wareertid ama dawakhtid

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *