Garashada Naftaadu Waa Guusha Naftaada, W/Q: Nimco Faysal

Guusha iyo guuldaraduba waa laba is daba jooga, guuldaradu maha mid joogta ah oo qofka ibnu-adamka ah la dhalatay.

Hadii aynu xooga dib u milicsano waxa ay tahay guul daradu iyo inta ay u jirto guusha. Guuldaradu maha qof waxa uu yahay lakiin waa dhacdo ku dhacda qofka taaso kaga timaada nolosha ama gacansi uu ku dhex jiro. Xaqiiqaduna waxa ay tahay qofkasta oo hadaf leh una dadalaya inuu meel gaadho guul daradu waa mid la kulanta inta badan.

Hadaba qofku hadii uu arin khusaysa noloshiisa ku guul daraysto wakhti macanaheedu maha inu uu nolosha oo dhan guul daraystay, ama yahay qof nolosha ku dhacay sida caadiga ahna waxa la yidhaahda, “Sababta qofku ku guulaystaa waa isaga oon marnaba quusan”, ama sida kale hadii loo dhigo, “Kuwa guulaysta waa kuwa aan waligood quusan. Guul darada nolosha waxa keena qalad ka yimaada qofka, taas oo ay dhaliso waayo aragnimo la’aan ama aqoon la’aan qofkaas haysta taasoo khusaysa arinta uu rabo inuu ka gun gaadho. nolosha malinkasta waxaynu ku jirna shaqooyin iyo hawlo badan oo nolosha cadiga ah.

tusaale hadii aan ku soo qaato waxa ugu yar, adigoo safar ah oo u baxaya magaalo kale, mararka qaarkood waxa dhacda in uu qofku guriga ku dib dhaco taaso dhalin kartaba in uu ka tago, gaadhigii/trainkii/diyaradii ama uu raaci lahaa. taas macnaheedu wuxuu yahay inuu qofku la kulmay guul daro malintaas lakiin malinta xigta marka uu baxayo, lagama yaabo inuu guuldaradii shalay ku dhacday uu mar labaad maantana la kulmo, sababtoo ah, shalay wuu ogaa inuu habsaamay markaa. Mar danbe hasaami maayo ee maanta wuu soo qadimayaa. Hadaba taas waxaan odhan karnaa guul daradu waxa weeyaan wado loo maro guusha, sababtoo ah, qofku markuu guul daraysto marka hore, mar labaadka waxa uu si taxadir leh ugu dadalayaa hawshisii, isagoo iska ilaalinaya qaladkii uu shalay galay.

Abraham Lincoln oo ahaa madaxwanayashii maraykanka soo maray kuwii ugu qiimaha badnaa uguna tariikhada weyna 28 sano oo is daba jooga ah ayuu ku jiray guuldaro aan maranaba kala go lahayn. 1838 markuu afayeenka barlamanka (speaker) ka u tartamay wuu ku guuldaraystay, 1848 wuxuu ku guul daraystay dib u magacabista congresska inuu ka qayb qaato, 1849 waxa loo diiday land officer inuu noqdo, lakiin guul darayonkaas uu la kulmayay ee aadka u badan may noqon kuwa niyad jabiya.

1854 wuxuu ku guuldaraystay inuu noqodo senater. Laba sano kadibna wuxuu ku guul daraystay isu sharixida madaxwayna ku xigeenka, hadana mar kale sanadkii 1858 wuxuu ku guul daraystay senater inuu noqdo, intaas oo guul daro ka dib 1860 wuxuu ku guulaystay loona doortay madaxwaynaha dalka maraykanka isagoo tariikhdana ka galay madaxwaynayashii maraykanka kuwii ugu qiimaha badnaa ee soo maray. Qofkasta oo la kulma guul daro hadii uu leeyahay target ama hadaf uu u socdo nolosha, waxa uu gaadhi karaa marka uu u adkaytso guul daro kasta oo noloshiisa soo marta, waa ta somalidu tidhaahdo, ninka raga ahi wuu kufaa, halkuuse ku kufay ma fadhiyee wuu ka kaca.

Wakhtiga uu qofku guul daro ka hortimaado waxa loo bahanyahay in aanu quusan haduu quusto wuxuu noqoday waxa englishka lagu yidhaa looser, ama qof waxkasta lumiyay, lakiin marka aad aragto guul daro waxa loo bahanyahay in dadaal dheerad ah aad muujiso si aad uga gudubto caqabadahii guuldaradaada dhaliyay, Adkaysina aad u lahaato dhib kasta oo kaa hor timada, niyad jabkana aad iska ilaaliso.. Nin maraykan ah ayaa isagoo noloshiisa ka sheekaynaya wuxuu yidhi waxa aan haystay shaqo fiican, malin malmaha ka mid ah aya si deg deg ah shaqada la iiga eryay, isagoo sharaxaya xalada uu malintaas ku sugnaa waxa uu yidhi waxay u eekayd in aduunkaygii dhamaday, noloshana wado dambe ii furnayn, anigoo aad u niyad jabsan meel aan ka bilabana garan wayay nolosha ayaan guriga tagay ayuu yidhi gabadhaydiina u sheegay waxa igu dhacay. ugu danbayntii wuxuu yidhi laba guri oo yar yar oo uu lahaa ayuu dayn bank kaga soo qaatay, isla markaasna wuxuu bilabay gancasi ah dhismayasha isagoo kiciyay guryo kale, isagoo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu yidhi maanta waxaan ahay maal qabeen (multi millionaire). waliba hadaan arki lahaa boss kii shaqada iga eryay maanta waan u mahad celin lahaa sababtoo ah haduuna malintii shaqada iga eriyi lahayn maan gaadheen halkaan maanta gaadhayn.

Run ahaanti (ina macal cusri yusra), culayska fudaydba xiga, markasta oo qofku caqabadi ka hor timado in uu ilahay tala saarto oo ilahay baryo waa shay muhiim ah, ilahaybaa qofkuu rabana ciseeya kuu doonana imtixaama, guuldarada kugu timadana ilahaybaa garan kara in uu wado kale oo ka wanaagsan kuu wado. lakiin waxa ujeedadu ay tahay waliga in aadan quusan. Ilaahay subxaana wa tacaala quraankiisa kariimka ah wuxuu ku yidhi ” Naxariista ilaahay marna ha ka quusanina”. nolosha guul darada ugu xumi maha inaad hawl ama arin ku guul daraysto, lakiin waa adiga oon iskuba dayin waxbaba. Taas ayaa guul daro ah. n

Nimco faysal cali sheikh

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *