Gabadh kasta aad bay u Jeceshahay Aabaheed Sababtoo ah:
Waxay ogtahay inuu yahay Jaceylkeedi ugu horeeyay ee dhabta ahaa,
Waxay ogtahay in mar kasta agtiisa ay ka tahay Amiirad,
Waxay ogtahay inuu iyada darteed uga tallaabi karo Bad, u dhaqaajin karo Buur, u jeexi karo darbi,
Waxay ogtahay inuusan jirin cid weligeed u bedeli karta Jaceylkaa maalintey dhalatay u bilowday,
Waxay ogtahay inuu yahay Ninka keliya ee Aduunkan aan Marnaba waxyeelo u geysaneyn!
Gabar kasta Allaha u daayo Aabaheed, inti uu Aakhiro uga sii hormarayna Allaha u Naxariisto.
W/Q: Farah Cawaash