Gaas Calooleed( Gastritis)

Xanuunka gastritis Ama Gaas calooleed ka waa Infekshin (infection) kudhaca caloosha, waxaana sababa wax yaabo kaladuwan sida Bacteeriya (Bacteria), looyaqaan H Pylori iyo qaab nololeedka qofka.

Gaas calooleedku waxuu noqonkara mid si dhaqsi ah ku bilowda( Acute Gastritis), ama mid Bukaanka mudo soo haayay, (Chronic Gastritis), mararka qaar gaas calooleedku waxuu Keenaa in caloosha uu nabar ku sameesmo( Peptic Ulcer) ama Kansarka caloosha Isku badalo.

Calaamadaha lagu Garto Qofka Qaba Gaas Calooleedka:

  • Bog xanuun ama laabta oo qofka hurta siina darsata markuu cuntada cuno kadib
  • Lalabo iyo Mataga
  • Qofka oo dareemo dibiryo marka uu wax cuno
  • Qofka oo cuntadu ka carara ama ka xiranto

Waxyaabaha Sababa:

  • Bakteeriya: gaar ahaan mida looyaqaan H Pylori
  • Qofka oo mudo badan isticmaala Xanuun baabi,iyaasha.( NSAIDS).
  • Istareeska ama walwalka
  • Dadka alcohol’da cabo
  • Xanuunada Qaar sida Crohn’s disease(Waa xanuun Haleelo Cunno mareenka) ama Parasitic infections

Wax yaabaha kadhasha Gaas calooleed ka:

Hadii aan ladaaween Gaaska waxuu sababi karaa in Caloosha ay nabaro kasoo baxaan , nabarkaas oo sababi kara Dhiiigbax Gudaha calosha ah, sidoo kale kansar ku dhaca caloosha ayaa kadhalan kara hadii aan ladaaween.

Sida looga Hortago:

  1. Xanuunkaan waxaa looga hortagi karaa In Bukaanku Qaab nololeedkiisa wax kabadalo (life style change) sida Inuu Cabo Biyo Kufilan Socod kana Badsado.
  2. In aad cuntid Raashin Dheelitiran oo Nadiif ah Lana Diiriyay ama qandac ah.
  3. Inaad kafogaato wax kasta oo gaaska kugu kicinkara.Inaadan Qaadan xanuun baabiiyaasha ( NSAIDS) iyadoon dhaqtar kuu qorin.

Sida lagu ogaado:

  • Dhiiga
  • Saxarada
  • In Tuubo caloosha laga galiyo Bukaanka (endoscopy)
  • Qofka oo neeftiisa laga baaro Urea(Urea Breath Tes)
  • Cabashada Qofka (clinically).

Daweentiisa:

  • Dawooyinka Gaaska damiya, ( Anti Acid) sida PPI(Omeprazol)
  • Qalajiyaal: Triple therapy ( Antibioic) Hadii ay sababtay Gaas calooleedka H-Pylori, waxaa lasiiya Sadex kaniini oo la isku darayo Bukaanka sida Amoxillin, clarithromcin iyo PPI. Ama Afar Daawo oo la isku daraayo (Bismuth+Metronidazole+Tetracyclie+PPI) FG: Latasho Dhaqtarkaaga Markasta
  • Qofka oo kafogaado wax kasta oo ku kiciya Gaaska.

Prepared By Proff Dr Shaafie Aadan Dirir.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *