foosha xilligeeda kasoo hormarta:
Caadiyaan hooyo kasta oo uur leh waxaa ay martaa 9 bilood ama in u dhaxay karta 37 ilaa 42 asbuuc oo ay minka kusido uurjiifka. Xiligaan ayaa ah xiliga caadiga ah ee bahda caafimaadku isla fahansanyihiin inuu lagama maarmaan u yahay dhamaysashada waqtiga uurka. Hadii ay hooyadu sido ilmaha uur jiifka ah mudo kayar mida kor ku cayiman waxaa ilmahaas loogu yeeraa dhicis. Hooyo walba marka ay dhamaysato waqtiga uurka waxaa ay la kulantaa dareenka foosha balse hadii ay faashu timaado waqti ka horeeya mudada caadiga ah waxaa lagu sifeyn karaa fool xiligeeda kasoo hormarta, Isku ururka uu sameeyo muruqa minku maahan mid marwalba joogta ah, waxaase caadi ah in hooyadu ay marmar dareento nabar aan ahayn kan foosha gaar ahaan mar walba oo ay dareento dhaqdhaqaaqa ilmaha.
Sababaha
Foosha xilligeeda kasoo hormarta ayaa waxaa sababa qodobo kala duwan oo isagu jira xaalado caafimaad iyo kuwa aan si dhab ah loo fahansanaynba. Dilaaca ku yimaada xuubka uu ku jiro xabka iyo ilmaha ayaa ah sababta ugu weyn ee keena in hooyadu ay foolato iyadoo aan la gaarin xiligeeda dhalmada. Qodobada kale ee sababa waxaa kamid ah, jileeca ama xirnaansho la’aanta gunta hoose ee minka taasoo u furan ilma mareenka. Xaaladaha caafimaad ee soo wajaha hooyada ayaa ka qayb qaadan kara inay dareento fool kasoo hormartay xiligeeda waxaana kamid ah xaaladahaan:
- Dhiigkarka xiliga uurka
- Dhabar xanuun
- Kalamsiyada
- Sonkoroowga xilliga uurka
- Umulowga iyo dhiiga iska socda xilliga uurka kaasoo ay sababi karaan xanuuno kala duwan.
- Dhiig yarida
- Cabida sigaarka
- Isticmaalka daawooyinka mamnuuca ah xiliga uurka iyo walwalka ama naxdinta ayaa ka mid ah qodobada sahli kara in hooyadu ay qabato fool kasoo hormartay xiligeeda.
Astaamaha fool xiligeeda kasoo hormarta
Astaamaha ama caalamadaha ay hooyadu isku arki karto xiligaan ayaa waxaa kamid ah nabar joogta ah oo u qabanaya sida foosha, nabarkaan ayaa ah midaan kasoo raynayn balse sii siyaadaya marba marka ka dambaysa, hooyada ayaa isku aragta dheecaan ama xab uu dhiig la socdo kaasoo ka imaanaya ilma mareenka, culeys ama xanuun laga dareemo miskaha iyo qaybaha hoose ee caloosha ayaa kamid ah astaamaha ay hooyadu dareento mararka qaar waxaa macquul ah in hooyadu ay lasoo daristo shuban kadis ah iyo calool qabatin.
Ilmaha dhasha kahor xilliga foosha ayaa loo yaqaanaa dhicis, ilmahaan ayaan inta badan u korin sida caruurta ku dhalata waqtiga caadiga ah. Koritaanka maskaxda iyo jirka qaybihiisa kala duwan ayaa qaata waqti dheer taasoo walwal ku furi kara hooyada.
Cilladaan ayaa looga hortagi karaa in latasho joogta ah lala yeesho dhakhtar qaabilsan hooyooyinka uurka, sidoo kale samaynta baaritaano ugu yaraan sadex jeer xilliga uurka ayaa ah kuwo lagu maarayn karo meeshana looga saari karo xanuunada ama qaar qodobada keena fooshaan, waxaana kamid noqon kara dhiig yarida
Yaa halis ugu jira?
- Hooyada sidda mataano iyo kabadan
- Hooyada horay ugu dhashay dhicis
- dhibaatooyinka ilmo galeenka iyo ilmo mareenka
Sidee loo ogaadaa iney foosha xiligeedi kasoo hormartay?
- Faraha foodooda saar oo ku dareen caloosha
- Hadii aad dareentid in minka uu adkaanayo kedibna jilcanaanayo, waa fool
- Tiri inta jeer ee aad dareentid adeega iyo jilcanaanta, iyo xiligaya ay bilowdaan
- Fadhiiso ama booska badelo, kedibna cab ugu yaraan 3 koob oo biyo ah
- Ka gaarsii goobaha caafimaad hadii aad dareeentid foolqabasho tobanki daqiiqaba mar, iyo hadii xanuunka uu ka siidarayo
Maxaad sameyneysaa hadii aad dareentid in foosha ay kasoo hormartay xiligeedi?
Hadii aad isku aragtid astaamaha kore, waa muhiim inaad balan la qabsatid dhaqtarkaaga, Waa dabiici in dumarka ay ka walwalaan arintaan, hasa yeeshee si aa aad uga hortagtid dhalmo degdeg ah samee tilaabooyinka hoose:
- Faaruji kaadi haystaada
- U seexo dhanka bidix, waxey kaa yareyneysaa xanuunka
- Ha u seexan dhabar dhabar, waxey sii badineysaa foolqabashada
- Isku day inaad cabtid biyo inta aad kartid, maadaama fuuqabaxu uu keeni karo foolqabasho
- Hadii astaamaha aysan ka soo reyn saacad gudahooda, fadlan booqo dhaqtarkaaga, oo wargeli astaamaha aad isku aragtay
W/Q: Dr. Adam Shire