FITAMIIN B: Astaamaha Lagu Fahmo Haduu Jirka Ka Maqan Yahay Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Fitamiinnadu waxay muhiim u yihiin in jirku uu si wacan u shaqeeyo iyo caafimaadka guudka. Fitamiinnadu waxay u kala baxaan dhowr nooc, mid walbana jirka wuxuu u qabtaa shaqo gooni ah.

Si aad u hesho fitamiinnada waa inaad ku tiirsanaantaa ilaha dibadda sababtoo ah jirku awoodo uma lahan inuu sameeyo fitamiinnada. Qormadaan waxaan ku dul istaagaynaa faa’idooyinka fitamiin B uu u leeyahay caafimaadka iyo ilaha cunno ee laga heli karo:

Fitamiin B wuxuu u qeybsamaa dhowr nooc, waxaa ugu waa wayn fitamiin B1, fitamiin B, fitamiin B3, fitamiin B5, fitamiin B6, fitamiin B7, fitamiin B9 iyo fitamiin B12.

Fitamiin B wuxuu muhiim u yahay burburinta iyo dheefsiga cunnada, habdhiska neerfaha, indhaha, murqaha, maqaarka iyo tinta. Fitamiinkaan wuxuu caawiyaa in jirku cunnada u beddesho tamar, wuxuuna door wayn ka ciyaaraa shaqada dheecaan burburiyeyaasha iyo barootiinnada nidaamiya falcelinta jirka ee waxyaabaha kiimikada ah. Ilaha ugu fiican ee laga heli karo fitamiin B waa khudradda, furuutka, caanaha, hilibka iyo kalluunka.

Waa maxay astaamaha fitamiin B yarida?

  • Daal iyo tabar darro
  • kabuubyada gacmaha iyo cagaha
  • Murqaha oo jilca
  • Gariir marka aad soconayso
  • Wareer ama dawakhaad
  • Xasuus xumo
  • Niyad jab

Cilladaha iyo xanuunada ka dhasha fitamiin B Yarida:

Cudurka dhan-qallalka (stroke)

Fitamiin B wuxuu door wayn ka ciyaaraa habka burburinta iyo dheefsiga cunnada. Waxaa la aaminsan yahay in fitamiinkani uu hoos u dhigo cudurka dhan-qallalka). Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin B waxay yareeyaan khatarta dhan qallalka.

Wuxuu Ka hortagga cudurka beriberi.

Fitamiin B1 oo jirka ku yaraadaa waxay keenta cudurka beriberi oo ah cudur saameeya wadnaha, hab dhiska dheefshiidka iyo habdhiska neerfaha. Cudurka beriberi waxaa halis ugu jira dadka ay nafaqo darradu hayso iyo dadka khamriga aadka u cabba. Fitamiin B1 (thiamine) wuxuu caawiyaa in unugyada jirka ay tamar ka dhigtaan karboohaydaraytka leh, wuxuu u muhiim u yahay dumarka uurka leh, wuxuu kaloo uroon yahay murqaha iyo caafimaadka wadnaha iyo unugyada neerfaha. Fimamiinkani waxa oo uu kordhiyaa wareegga dhiigga. Fitamiin B1 waxaa laga helaa boorashka, liinta oranjada, lawska, ukunta, digirta iyo misirta.

Fitamiin B2 Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka:

Fitamiin B2 waxaa loo yaqannaa “riboflavin” wuxuu caawiyaa fitamiinnada kale, wuxuu ilaaliyaa caafimaadka maqaarka, unugyada iyo caloosha. Wuxuu kaloo ka hortagaa madax xanuunka dhanjafka, caadka indhaha iyo finanka. Ilaha fitamiin B2 laga helo waxaa ka mid ah lawska, caanaha xoolaha, hilibka iyo khudradda cagaaran.

Fitamiin B3 wuxuu jirka siiyaa tamar

Fitamiin B3 waxaa loo yaqaannaa “niacin”, wuxuu cunnada u beddelaa tamar. Dumarku waxay u baahan yihiin 14 mg ragguna waxay 16 mg oo fitamiinkaan maalin kasta. Fitamiin B3 ku filan oo jirku uu heli waayo waxay keeni kartaa Xaaladda xusuus gabka ee dimenshiya (Dementia), shuban iyo culaysyo jireed iyo kuwo maskaxeed. Ilaha ugu fiican ee laga helo fitamiin B3 waxaa ka mid ah digirta, lawska, caanaha xoolaha, kalluunka iyo hilibka.

Fitamiin B5 wuxuu caawiyaa caafimaadka hormoonnada

Fitamiin B5 uxuu lagama maarmnaan u yahay soo saarista hormoonnada koriimada qaabilsan. Wuxuu qooyaa maqaarka, wuxuu kor u qaadaa caafimaadka dubka, wuxuuna daahiya astaamaha duqnimada. Fitamiin B5 waxaa laga helaa kaabajka, broccoli-ga, baradhada, siriyaalka laga sameeyo badarka iyo cunnooyinka caanaha laga sameeyo.

Fitamiin B6 wuxuu hoos u dhigaa halista wadne xanuunka:

Wuxuu jirka u sameeyaa unugyada cascas ee dhiigga, wuxuu kobciyaa shaqada maskaxda, wuxuuna ka hortagaa wadne xanuunka. Ilaha cunno ee laga helo fitamiin B6 waxaa ka mid ah; mooska, digirta, karootada, burcadka, digaaga, misirta, kalluunka noocyada tuunada iyo salmon, haleyga (shrimp). Cunnooyinkan oo la cuno waxay hoos u dhigtaa khatarta wadne xanuunka.

Fitamiin B12 wuxuu ka hortagaa dhiig yarida:

Fitamiin B12 wuxuu muhiim u yahay caafimaadka unugyada dhiigga iyo unugyada neerfaha, wuxuu ka qayb qaataa samayska unugyada cascas ee ku jira dhiigga. Haddii uu jirka ka dhacsan yahay fitamiin B12 waxaa lagu fahmaa dhiig yari ugaar ah fitamiinkan oo la yiraahdo “prenicious anemia” iyo dareenka neerfaha oo jirka ka taga gaar ahaan lugaha oo gaari kara heer in qofka uu curyaamo dartiis. Dadka waa wayn waxay u baahan yihiin 2.4 mcg oo fitamiinkaan ah maalin kasta. Waxaa laga helaa kalluunka iyo hilibka

 Folic acid wuxuu caawiyaa koriimada iyo kobaca uurjiifka:

Folic acid waxaa kaloo yaqaannaa folate iyo fitamiin B9 waxay muhiim u tahay korriimada uurjiifka, waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan cillad. Folic acid waxaa laga helaa badarka, khudaarta cagaaran, liin bambeelada, lawska, digirta, iyo digirta cagaaran ee lagu kariyo cunnada (peas). Cabirka loo bahaan yahay in la cuno xilliga uurka waa 800 micrograms.

Fitamiin B wuxuu koriyaa timaha:

Haddii aad ka cababanayso timo daadasho waa inaad ku dedaadaashaa cunnooyinkan qaniga ku ah fitamiin B. Fitamiin B wuxuu koriyaa tinta, wuxuu hagaajiyaa wareegga dhiigga ee basada, wuxuuna ka hortagaa in timuhu ay cirraystaan.

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *