Bilowga koowaad ee waxbarashada, waalidka iyo macallinkuba waxa ay ardayga u sawiraan yool ah, in dhammaadka waxbarashada uu xigo wejiga labaad ee nolosha oo ah badhaadhe iyo isku filnaanshiyo uu noloshiisa si madaxbannaan u maarayn kari doono. Waa higsi ujeeddo sax ah laga leeyahay oo sababa in ilmuhu aanu mar keliya ka daalin geeddiga dheer ee waxbarashada, waa se mindi laba af leh. Waxa ay ardayga u sawirtaa humaag beenaad ah, in dhammaysashada jaamacaddu ay tahay waxa keliya ee ka xiga ladnaanta iyo badhaadhaha. Waxaa meesha ka baxa xaqiiqada ah in ‘Filashada nololeed ee jaamacadda kaddib ay tahay la helaa, la waayaa’
Qalinjebinta kaddib, ardaygu waxa uu la kulmaa camal la’aan baahsan, waxa ay suuqa isugu yimaaddaan facii hortii Qalinjebiyey oo badankoodu shaqo aan haynin ama ugu yaraan aan helin shaqadii ay ku riyoon jireen, kuwii ka dambeeyey in ay ku soo gaadhaanna waa ay dhacda.
Dhibtaas ka hadalkeeda iyo xalkeedu ma’aha mawduuca aan hadda u qalin qaatay, balse waxa aan rabaa in aan in yar ku dul hakado dhib labaad oo uu ardaygu waajaho qallinjebinta jaamacadda kaddib. Waa xaqiiqada ah in shahaadadiisa jaamacaddu aanay u diyaarinin shaqo uu toos u bilaabo. Sida aynnu ku soo aragnay qaybtii afaraad ee taxanahan oo cinwaankeedu ahaa, “Jaamacadaheennu Ma Soo Saaraan Qof Shaqo Tegi Kara?” jawaabtuna ay noqotay ‘Maya’
Waxa aan qaybtan ku soo bandhigayaa talooyinka ila muuqda in dhibtan dambe xalkeeda lagu raadin karo.
Aan ku bilaabo ee, si guud talada ii muuqata in ay arrintan xalkeeda ka qaybqaadan kartaa, waxa ay ku soo ururaysaa shan tiir oo muhiim ah:
1. In la horumariyo tayada waxbarashada
2. In xidhiidh iyo iskaashi wax ku ool ah laga dhex abuuro jaamacadaha iyo shaqaaleeyayaasha kala duwan. (ganacsiyada, iyo hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba)
3. In la xoojiyo fursadaha uu ardaygu ku heli karo tababarrada ‘I tus iyo i taabsiida ah’ ee uu ku dhaqangelinayo waxa uu fasalka gudihiisa ku bartay.
4. In hay’adda tacliinta sare ay daraasayso baahida shaqo ee suuqa ka jirta, iyo xirfadaha iyo hal-abuurka lagama maarmaanka u ah qofka baahidaas buuxinaya; sida hoggaaminta, maaliyadda iyo dhaqaalaha, maamulka iyo Maaraynta, beeraha, farsamada gacanta, iwm. Kaddibna natiijadaas ay ku saleeyaan koorsooyinka laga rabo jaamacaduhu in ay bixiyaan, iyo tirada ardayda ay sannad kasta u soo saarayaan buuxinta baahiyahaas.
5. In xukuumadda, hay’adaha iyo xarumaha waxbarashada, iyo ganacsiga iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ay joogto u yeeshaan kulamo midho dhal ah oo la isku weydiiyo hadba baahiyaha tacliinta sare ee yaalla iyo daboolistooda.
Qodobbadaas guud marka aynnu qaar ka mid ah hoos ugu daadagno, innaga oo ku xidhayna dhinacyada ay wax ka qabashadoodu gaar u sii khusayso, waxa aynnu ka soo qaadan karnaa:
DAWLADDA
Dawladaha waxaa dadkooda ka saaran xil aasaasi ah oo ay mar kasta waajib ku tahay in ay gutaan, tiirarka ugu waaweyn waajibaadka uu muwaadin kastaa dawladdiisa ku leeyahayna waxaa ka mid ah; Ilaalinta badqabkiisa iyo ammaankiisa, helitaanka baahiyaha aasaasiga ah ee cunto, biyo, hoy iyo daryeel caafimaad ah, xoojinta horumarka dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin shaqo abuurka, sinnaanta iyo cadaalad, iyo yaraynta dembiyada bulshada dhexdooda ka dhici kara, iyo midka u dambeeya oo ah daryeelka deegaanka, Maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo dhowrista waaritaankooda.
Dawladuhu gudashada waajibaadkan waxa ay u maraan dejinta siyaasado kala duwan, iyo hirgelinta barnaamijyo khuseeya. Waxaa ugu weyn in dawladdu ay maalgeliso waxbarashada iyo Barnaamijyada tayeynta iyo tababarka aqooneed, iyo in muwaaidnka laga caawiyo horumarinta xirfadaha uu u baahan yahay si uu kaalin wax ku ool ah uga qaato tiirarkaas aynnu soo sheegnay dhammaantood.
Horumarinta waxbarashada iyo tayeynteeda waxaa ka mid ah horumarinta manaahijta, tababarka macallimiinta, maalgelinta goobaha waxbarashada, qiimaynta iyo kormeerka hannaanka waxbarasho, iyo in goobaha waxbarashada lagula xisaabtamo dhismaha ardayga.
Haddii aanay dawladdu miisaanka saarin waxbarashada muwaadinka, surutagal ma’aha in ay ku guulaysato midaynta bulsho, adkaynta ammaanka, koboca dhaqaale, iyo guud ahaanba tiirarka aynnu soo xusnay.
Haddaba, dawladdu waa in iyada oo kaashanaysa hay’adaha iyo ganacsiyada ay abuurto fursaddii uu ardaygu waayoaragnimo shaqo ku heli lahaa, inta uu waxbarashada ku guda jira.
Waa in ay aqoonsato xirfadaha runta ah ee qofka shaqaalaha ah looga baahanyahay shaqada ka hor, kana shaqayso sidii jaamacaduhu ay u soo saari lahaayeen arday xirfadahaas leh.
Waa in ay shaqaaleeyayaasha waaweyn (Shirkadaha) ku qanciso in ay jaamacadaha la wadaagaan waayoaragnimada iyo tababarka shaqo ee ay u baahantahay shaqadoodu.
Maxaa u talo ah jaamacadaha??
La Soco…
W/Q: Kamaal Marjaan