FIKRAD & BUUG: The 80/20 Principle By Richard Koch

Qaaciidada 80/20 way fududdahay, miisaan ahaan iyo macno ahaan se way culus tahay. Waxay leedahay, boqolkii 20 ka mida waxa aad waxkhtigaaga iyo dedaalkaaga geliso ayaa dhala  boqolkii 80 natiijada aad doonayso. Taa macnaheedu waxa weeye, waxa aad boqolkii 80 ku bixiso wakhtigaaga iyo dedaalkaaga, wuxuun bay dhalaan boqolkii 20 ka mida waxa aad doonayso. Buugganina wuxuun buu ka hadlayaa sidii aad u bartilmaansan lahayd boqolkii ba 20 ka dhala boqolkiiba 80. Si kale haddaan u idhaahdo, buugu wuxu ka hadlayaa sidii aad wakhti yar iyo juhdi yar ugu heli lahayd wax badan.

Buuggan waxa qoray qoraa Ingiriis ah oo la yidhaahdo Richard Koch. Fikradda uu wax ka qoray se (80/20), waxa iska lahaa dhaqaaleyahan u dhashay dalka Talyaaniga oo la odhan jiray Vilfredo Pareto, jaamacad Lausanne la yidhaahdo oo dalka Iswiisarlaan ku taalna wax ka dhigi jiray. Pareto, wuxu 1906 kii daraasad ku ogaaday in boqolkiiba 80 dhulka talyaaniga ku yaal  ay leeyihiin boqolkii ba 20 ka mida dadka. Sidoo  kale, wuxu eegay beertiisa, wuxuu ogaaday in boqolkiiba 20 dhirta/geedaha  beerta ka baxa ay dhalaan boqolkiiba 80 midhaha iyo khudaarta  beerta kasoo go’da. Dabadeed na wuxu markii ugu horraysay daabacay warqad uu kaga hadlayo aragtidan odhanaysa: boqolkiiba 20 ka mida waxa aan samaynno ayaa dhala boqolkiiba 80 natiijada aan doonaynno.

80/20 markii hore waxay uun ahayd aragti,  xilli dambe oo ay jaamacado iyo shirkado badan daraasad ku sameeyeen aragtidan ayaa la ogaaday in aragtidani ay aragti uun ka wayntahay oo ay ba tahay qaacido iyo xeer loo adeegsan karo qaybaha nolosha oo dhan sida siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka iwm. Dhowr tusaale haddii aan idin la wadaago, qaaciidadani waxay leedahay:

Boqolkiiba 20 ka mida dharkaaga ayaad boqolkii 80 xidhataa oo aad ku laalaabataa.

Boqolkiiba 20 jidadka ka mida ayay boqolkiiba 80 gawaadhidu martaa oo ugu saxmad badan.

Boqolkiiba 20 macmiishaada ka mida ayaa boqolkiiba 80 iibsada waxa aad gadayso.

Boqolkiiba 20 ka mida dadka dunida ku nool baa haysta boqolkiiba 80 hantida dunida taal.

Boqolkiiba 20 ka mida dambiilasha ayaa sababa boqolkiiba 80 dambiyada dhaca.

4 Qaybood oo noloshaada ka mida oo aad u adeegsan karto qaaciidada 80/20

  1. Wakhtiga iyo Wax soo Saarka: Waxaa inta badan dhacda in uu qofku maalintiisa oo dhan mashquulsan yahay, haddana habeenkii marka la gaadho ee uu eego waxa maalintiisii u qabsoomay ay u soo baxdo in aanu maalintaa kala hadhin wax wayn oo u adeega hadafkii uu lahaa. Sidoo kale waxa laga yaabaa in uu qofku dhowr shay uun maalinkii qabto, hadhow marka uu gadaal u eegana uu ogaanayo dhowrkaa shay ee uu maalintiisaa qabsaday ay si wayn wax ugu soo kordhinayso wixii uu doonayay. Sida aad tusaalahan dambe ka fahmi kartaan ba, qaaciidadani waxay leedahay, waxyaabaha aynnu maalinkii qabanno oo dhan isku darajo ma aha, isku sin a uguma adeegaan waxa aynnu doonaynno iyo halka aynnu u soconno. Subixii marka aad soo kacdo, ee aad taxdo waxyaabaha aad doonayso inaad maalintaada qabato, sii kala shaandee oo kala soo hadh midka iyo labada ugu muhiimsan ee ku siinaya natiijada ugu badan (80%).
  2. Ganacsiga: Haddaad tahay ganacsade, boqokiiba 20 ka mida waxa aad iibinayso ayaad ka heshaa boqolkiiba 80 faa’iidada kusoo gasha. Sidaa daraadeed, juhdigaaga iyo wakhtigaaga isugu gee sidii aad ku badin lahayn una ballaadhin lahayd badeecada aad boqolkiiba 80 faa’iidada ka helayso.

Sidoo kale, haddii aad tahay loo shaqeeye, waxaad ogaataa in boqolkiiba 20 ka mida shaqaalahaaga ay boqolkiiba 80 sabab u yihiin horumarka shirkaddaada. Sidaa daraadeed, raadi boqolkiiba 20 kaa horumarka horseedaya oo abaal mari, il gooniyana ku eeg.

  1. Xidhiidhka: Waxa marar badan dhacda in qofku uu qoyskiisa 8 saacadood maalintii la joogo, misna marka loo eego xidhiidhka isaga iyo qoyskiisa ka dhexeeya uu aad u liito. Waxa sababa inta badanna waxa weeye in qof ku mashquulsan yahay TV, mid kale koombuyuutar ama taleefoon iwm. Qaaciidadani waxay leedahay haddaad 30 daqiiqo – 1 saac aad wakhti aan kala go’ lahayn la qaadato qofka uu xidhiidhka idinka dhexeeyo (xaas, ubad, waalid, walaalo, saaxiibbo, wim), waxa ay ka qiimo badan tahay 5 saacadood oo aad isla joogtaan oo midba wax ku masquulsan yahay. Ku dedaal in dadka ay xidhiidhku idinka dhexeeyaan la qaadato wakhti tayo  leh (quality time).

Sidoo kale, haddii aad u fiirsato dadka aad xidhiidhka la leedahay, gaar ahaan saaxiibbada aad wakhtiga la qaadato, waxaad ogaanaysaa in boqolkiiba 20 ka mida aad ka hesho boqolkiiba 80 farxaddaada. Isku day inaad wakhtigaaga la qaadato boqolkii 20 ka aad ka hesho farxadda ugu badan, isla jeerkaasna ka qayb qaata korriimadaada.

  1. Akhriska: Inta badan, dadku marka ay akhrinayaan buugta aan sheeko-faneedka ahayn (non-fiction), waxay isku taxaluujiyaan in ay buugga jaldi illaa jaldi akhriyaan. Laakiin waxaa xusid mudan in boqolkiiba 80 faa’iidada buugga ku jirta ee adiga kaa anfacaysa ay uun ku kaydsan tahay boqolkiiba 20 ka mida bogogga buugga. Khasab ma aha inaad buugga jaldi illaa jaldi akhrido, isku day inaad buugga dhexdiisa ka ugaadhsato cutubyada, bogagga iyo fikradaha markaa kaa anfacaya. Weliba xilligan buugta la qoro ee aan sheeko-fanneeddada ahayn, waxay u badan yihiin kuwo xambaarsan fikrad iyo labo, laakiin si uu buug u noqdo ku buuxiya sheekooyin iyo tusaalooyin fara badan. Tusaale waxaan usoo qaadan karnaa isla buuggan (80/20 Principle) laftiisa. Buuggan dhan ee ku dhawaad 160 ka bog ka kooban, kaliya wuxuun buu ka warramayaa qaaciidadan oo kaliye, laakiin si ay buug la daabaco looga dhigo, qoraagu wuxuu ku badiyay tusaalooyinka. Buuggan oo kale, khasab iguma aha si aan  jaldi illaa jaldi akhriyo.

Si guud, buuggan ama fikradani wuxuun bay leedahay, bar-tilmaanso waxyaabaha muhiimka ah ee wakhtigana kuu weelaynaya, faa’iidada ugu faraha badanna aad ka helayso.

Qoraaga Buugga:  Richard Koch

Khulaasayntii: Mubarak Hadi.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *