Fariimo Jaceyl Oo Cusub 2021, (Qoraal)

fariimo jaceyl oo cusub:

Hadii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysan tahay oo ay kugu qanacsan tahay,iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka,waayo nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan ereyadaada oo keliya ,indhaheyguna aragtidaada waa u daawo ah.

Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo wa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.

Waan kuu riyaaqaa,waxaana tahay sababta aan u noolahay hadii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wadajoogeena, alcarabiya.com ,waxaad tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeena ayaa waxwalba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doonaa.

Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin,mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.

Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo,maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday

Check Also

cuntooyinka, casho, cashada

10 Cunto Oo Ay Qalad Tahay In Lagu Casheeyo Iyo Sababta Caafimaad Ee Loo Diidayo

Bismillahi, waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *