Isbeddel ayaynu maqalnaa se marka aynu hoos ugu sii dhaadhacno isma weydiino muxuu yahay isbeddelku? Waxa u baahan in aan iska beddelaa waa maxay? Ma dharka iyo hu’ga aan xidhanahay baa? Ma cuntada iyo ceeshkaan
cuno ayay tahay in aan iska beddelo? Muxuu yahay waxa ay tahay in aan iska beddelo si aan isbeddel ula yimaado?
Isbeddel waxa uu qofku isku samayn karaa kolka uu garanayo ujeedka uu nolosha ka damacsan yahay. Waa kolka uu yaqaano halka uu ka yimi iyo halka uu ku socdo. Waa kolka uu mala’awaali karo caqabadaha ka hor iman kara. Haa. Waa qof garanaya waxa uu hiigsanayo iyo jidka uu u mari doono waxa kaga horreeya. Isbeddelku waxa uu ka billaabmaa qofka mana aha wax samada ka soo dhaca oo laylatul khadar ah ee waa awood qofka gudihiisa ka timaada. Ilaahay SWT waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: *“Alle qowmna ma beddelo illaa iyagu ay beddelaan waxa naftoodu ku sugan tahay.”* Waana kii lahaa hal-abuur Cabdiqaadir-Qalinle:
*“[…] Daliilkay ku taalaa*
*Illaa ay is doorshaan*
*Rabbi qoom ma doorshee*
*Dullinimadu waa maxay?”*
Haddaba, dhiganahani ‘Ku dhaqaaq isbeddel’ waxa uu mawduuciisu daaran yahay dhiirrigelin. Waxa uu taabanayaa qodobo nolosheena laga ma maarmaan u ah. Nolosha in aad hadaf yeelato, in aad naftaada ku kalsoonaato, in aad
aqoonsato awoodahaaga, in aad ku noolaato farxad, in aad ka dheeraato walbahaarka iyo werwerka, iwm. Ma soo koobi karo qodobada buuggani taabanayo ee nolosheenu u baahan tahay. Buuggani uma dhigna hab qaab-cutubeed ee qaab qodobo ah ayuu u dhigan yahay. Haddaba, aan ka xuso qodobada aan is leeyahay waa ugu muhiimsan yihiin:
*1. Degsashada hadafyo iyo himilooyin kuu gaar ah*
Adduunyadani waa iska maalmo. Waa mid ay tahay in aad raad kaga tagto halkii aad iskaga dhex noolaan lahayd. In aad hadafyo iyo himilooyin kuu gaar ah oo aad xaqiijiso dejisato waa muhiim illaa xad. Waayo? Taasi waxa ay kuu sahlaysaa in ay noloshaadu macno kuu samayso. Waxa aad noqonaysaa ruux saacadihiisa iyo maalmaha uu noolyahay si fiican uga faa’ideysta waxna uga qabsada. Haddaba, ma tahay ruux hadaf leh? Ma tahay ruux himilooyinka uu leeyahay indhihiisu aroortii waxa ugu horreeya ee ay arkaan yihiin, habeenkiina waxa ugu danbeeya ee ay sii akhriyaan noqdaan? Ha akhrin qodobka xiga adoo weydiintaa si dhab ah naftaada uga warceliyo mooyee.
2. Ma jiro qof kula mid ahi
Waa mid ka mid ah falsadaha ugu waaweyn ee kalsoonida nafta lagu dhiso. In aad isku aragto nolosha in aad jaadgooni ku tahay oo abuur kula mid ahi aanay ka jirini waa kalsooni halkii u danbaysay. In aanad naftaada cid kale
nolosheeda iyo sida ay u nooshahay isku halbeeggini waa kalsooni. Waa kii fanaanku ku heesayay isaga oo ina dareensiinaya in aynaan ka deyrin nolosha aynu haysano, mid kale oo qof kale haystana u hanqal taagin waana kii ina lahaa:
“[…] Haw deyrin abidkaa
*Nolol aad la deris tahay*
*Ha u doodin abidkaa*
*Tu kaloo ku dayasho ah”*
Kolka aad naftaada barbardhig ugu samayso sida ay ahaan jirtey iyo sida ay maanta tahay waa kalsooni heerkeeda u sarreeya. Isweydii naftaadu shalay halkii ay taagnayd iyo halka ay maanta taagan tahay farqiga u dhaxeeya.
Murtimaalku waa kii lahaa: *“Qofka keli ah ee ay tahay in aad ka wanaagsanaato, ximiso, la tartanto oo aad ka badiso, iska reebtid, isla jeerkaasna si kasta uga fiicnaataa waa qofkii aad shalay ahayd”*
3. Waxyaabaha kuu diidi kara in aad adeegsato awoodahaaga
Waxa jira waxyaabo kuu diidi kara in aad adeegsato awoodaha Alle kugu galaday. Waxyaabahaas waxa ka mid ah:
*3.1. CUDURDAARASHO**: *Haddii aad rabto in si dhab ah u adeegsato awoodaha Rabbi kugu galaday jooji cudurdaarashada naftaadu kuu samaynayso. In aad is aaminsiisid iska na dhaadhiciso in aanay naftaadu waxaa iyo waxaa qaban karini waa cudurdaar nafeed. Naftaydu waxaa ma awoodo waa cudurdaar. Waan daalanahay, waa laygu weyn yahay, shaqadaa igu badnayd, waan tan iyo tan, hudhuu-hudhuu, iwm.
*3.2. RAALI AHAANSHO LA’AAN: *Waxa jira dad aan ku qancin noloshooda iyo sida uu Alle u abuuray. Dadka qaar ayaanay qancin midabka, qaabka iyo dabeecada Alle u abuuray. Waxa ay raadiyaan qof kale wax ay ku arkeen. Waxa uu doonayaa hebel sida uu u nool yahay in uu u noolaado. Kuma qanacsana sida uu Alle u dooray. Inta uu Alle ugu deeqayna uguma mahadnaqo.
*3.3. DHACDOOYIN HORE: *Waxa jira dadka qaarkood oo ay saameyso dhacdooyin hore u soo maray. Wax samee ayuu is odhanayaa dabeeto waxa uu xasuusanayaa waxyaabo hore uga soo maray. Kolkan oo kale waxa ay talo iskugu soo ururaysaa: *“Wixii hore kuugu dhacay ha kuu noqdaan cibro qaadasho iyo in ay kuu tahay cashar aad ka baratay nolosha. Mustaqbalkaaga si fiican u samayso hore na u soco”*
*3.4. SAAMAYN BANNAANKA AH: *Tani waxa ay noqon kartaa mid xagga asxaabtaada ama waalidkaaga kaaga timaada. Dabeeto kuu suuragelin weyda in aad hore u socoto oo aad wax qabsato. Tani xalkeedu waa in aad marwalba ahaato qof feejigan. Si aad iska ilaaliso saameynta dibadana waa kugu waajib in aad samaysato jadwal aad ku dhaqanto iyo hadafyo aad nolosha xaqiijiso oo aad dejisato.
*3.5. SIDA AAD NAFTAADA U QIIMEYSAA INTA AY LEEG TAHAY: *Sida aad naftaada u qiimeyso ee u aragtaa waa ta go’aaminaysa in aad isticmaasho awoodahaaga iyo in kale. Haddii aad tahay qof aan aqoonsanayn awoodaha balaadhan ee Alle ugu deeqay waxa arrinkaagu yahay ‘Col hortii jabayeey’ ee sidaa ula soco.
La Soco…..
Buugga “Ku Dhaqaaq Isbeddel’ waxa qortay Bahja Cali Maxamed
Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’
Masxaf2015@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya