Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan

Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah.

Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga ah, muraayadda Fiidyowga iyo kombiyuutarka ama qalabka kale ee loogu talagay, in ay ka mid yihiin sababaha ugu badan ee carruurta ku keena in xarakaadkoodu yaraado, sidaa awgeed ay waajib ku tahay waalidiintu in ay xakameeyaan waqtiyada ay carruurtu u fadhiyeyso ciyaarahan. Isla markaana ilmaha lagu dhiirrigeliyo in uu waqtiyada qaar bannaanka ama hawo furan ku ciyaaro.

Waxa ay digniintu sheegaysaa in ilmuhu uu celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo badh maalinkasta ciyaaro ama xarakaad jidheed sameeyo, iyada oo tusaale u soo qaadatay jimicsiyada jidh dhiska ee da’da ilmaha ku habboon, sida xadhig ka boodka, baaskiilka, dabbaasha, orodka iyo noocyada kubadda. Ciyaarahan ayaa ay khubaradu sheegeen in ilmuhu ka helo jidh dhis, caafimaad iyo tababar bulsho oo uu dulqaadku ka mid yahay.

Turj: Kamaal Marjaan

Check Also

caafimaadka lafaha, lafo xanuun,

Qaababka Loo Adkeeyo Lafaha, Caafimaadkoodana Sare Loogu Qaado

Sidee u xoojin kartaa caafimaadka lafahaaga? Waxaad u baahan tahay macdanta kalshiyaam iyo fitamiin D …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *