In badan ayaa uu cilmigu siyaabo kala duwan u caddeeyey faa’iidooyinka caafimaad ee uu jidhku ka helo biyaha, waxa se iyaduna muhiim ah in cilmigu uu sida oo kale caddeeyey in biyaha oo jidhka ku bataa ay keeni karaan in ay hoos u dhacdo milixda dhiiggu u baahan yahay, haddii uu qofku muddo sii joogteeyo cabbitaanka inta baahida ah ka badan ee biyaha, waxaa dhacda in u bukaan u noqdo cusbo la’aan dhiiggiisa ku dhacda.
Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in dadka ay kelyuhu shaqadooda ka gaabiyaan ama fadhiistaan iyo dadka qaata dawooyinka jidhka ku haya biyuhu in aanay ku talax tegin cabbitaanka biyaha.
Warbixin arrintan la xidhiidha oo ay Aljazeera ka soo xigatay shabakadda caafimaadka ka faalloota ee WebMD ayaa lagu sheegay in qiyaasta guud ee biyaha uu qofku maalintii u baahan yahay ay tahay 15 koob oo ay raggu u baahan yihiin iyo 11 koob oo dumarka ah. taas oo ay ku jiraan cabitaannada kale ee aan biyaha ahayn, sida shaaha, caanaha iwm.
Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in qofku uu kordhiyo biyaha uu cabbayo, marka uu ku jiro xaaladaha caafimaad ee ay ka mid yihiin shubanka iyo matagga badan.
Dadka jimicsiga iyo ciyaaraha kala duwan sameeya ayaa ay xeeldheereyaasha caafimaadku kula talinayaan in ay biyo dheeraad ah cabbaan inta ay jimicsiga wadaan iyo kaddib.
Haddaba faa’iidooyinka caafimaad ee uu qofku ka heli karo haddii uu cabbo biyo ku filan waxaa ka mid ah:
- Biyuhu waxa ay qayb weyn ka yihiin samaysanka carjowda ku jirta xaglaha (Xubnaha laabma), waxa aanay caawiyaan in lafuhu si dabacsan u dhaqdhaqaaqaan iyo in ay qabtaan nabarrada dusha kaga imanaya lafta. Waxa kale oo biyo cabbistu ay yaraysaa dhibaataa xanuunka afka Ingiriisiga ‘Gout’ lagu yidhaahdo oo ah boog iyo caabuq ku samaysma xubinta faraha suulka lugaha ee dadka ay dhiiggooda ku badan tahay maadadda asiidhka ah ee ‘Uric’.
- Jidhku waxa uu dhididka ku waayaa biyo badan, gaar ahaan xilliga kulaylka, sidaa awgeed haddii aanu qofku biyo ku filan cabbin, waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay ka wada baxaan maaddooyinka muhiimka ah ee cusbada iyo Bootaasiyaamta.
Calaamadaha lagu garto in qofka ay maaddooyinkani jidhkiisa ka baxeen waxaa ka mid ah afka oo ingaga, qofka oo dawakhaad dareema ama shaqada jidhka oo uu Khalkhal ku dhaco biyo yaraanta awgeed.
- Biyuhu waxa ay kelyaha ka caawiyaan in ay iska saaraan qashinka dhiigga ay ka reebaan, sidaa awgeed haddii aanay kelidu helin biyo ku filan, waxaa dhacda in qashinkaas oo asiidho ahi uu ku ururo, ugu dambayntana keeno in kelyaha ay daboosho barootiinta Myoglobin oo ka kooban ogsajiin iyo xadiid.
Waxa kale oo uu ingagga jidhku sababi karaa in ay kelida ku samaysmaan dhagaxaan, iyo caabuq ku dhaca kaadi mareenka.
- Biyo yaraantu waxa ay maskaxda ka dishaa u fiirsiga iyo in ay si deggen arrimaha uga baaraan degto, waxa kale oo ay dhaawac gaadhsiisaa awoodda xusuusta degdegga ah.
Si aad dhibaatooyinkaas uga badbaaddo cab biyo kugu filan. Haddii aad 70 kiiloogaraam tahay waxaa kugu filan afar koob maalintii, laakiin mar kasta oo miisaankaagu sii batoi, biyaha aad u baahanaysaana waa ay sii kordhayaan.
- Biyaha iyo guud ahaan dareeraha oo jidhka ku yaraada iyo xitaa ingag yar oo uu dareemaa waxa ay ku abuurtaa daal iyo burbur badan, waxa aanay hoos u dhigtaa tamarta qofka , sidaa awgeed ku dadaal in aad jidhkaaga qoyso. Sida oo kale biyuhu waxa ay firfircooni iyo nolol ku abuuraan dhismaha muruqyada.
Biyuhu waxa ay kor u qaadaan habsami u shaqaynta wadnaha, oo biyaha uu jidhku helay awgeed dhiig fiican oo ogsajiin ku filan lihi gaadho. Dhiiggaas nadiifta ah ee ogsajiinta ku filani la socotaa waxa kale oo uu gaadhaa maskaxda.
Sidaa awgeed kaalin ayaa ay ka qaataan quruxda qaabdhismeedka qofka iyo tayada shaqo iyo caafimaad ee maskaxda.
Cilmibaadhsaha kala duwan ee lagu sameeyey waxtarka biyuhu waxa ay sheegeen in qofka oo maalintii cabba laba ama saddex koob oo ah biyo ka dheeraad ah inta uu jidhku u baahan yahay, in ay yaraadeen dufanka, sonkorta iyo milxid dhiiggiisa ku jiraa, sida oo kalana ay korodho heerka kalooriyada uu jidhkiisu gubayaa. Taas oo macnaheedu yahay in miisaanka dheeraadka ahi uu hoos u dhaco.
Waxa ay biyo cabbista badani caawisaa shaqada dheefshiidka, waxa aanay abuurtaa in qofku uu dhereg dareemo, taas oo iyaduna ka hor istaagaysa in uu cunto badan cuno waana mid kale oo ka mid ah hababka ay biyuhu u dhimi karaan miisaanka dheeraadka ku ah qofka.
Biyuhu haddii ay jidhka ku yaraadaan waxa ay ku keenaan ingag, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelataa xididdada dhiigga. daraasado arrintan lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in dhibta wadnaha ka soo gaadha biyo yaraanta jidhku ay la mid tahay dhibta sigaarka ka soo gaadha.
Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keenaan hoos u dhac ku yimaadda xaddiga dhiigga ee jidhka, taasina waxa ay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaadda wareegga dhiigga, iyo in uu kordho ama degdego garaaca wadnuhu.
Tijaabooyin lagu sameeyey raadka ay biyo yaraantu ku keento shaqada wadnaha ayaa muujiyey in haddii biyaha oo qofka ku yar awgeed uu wadnuhu kordhiyo garaaca ama dedejiyo, ay 15 illaa 20 daqiiqo kaddib xaaladdu caadi ku soo noqonayso haddii uu biyo ku filan cabbo.
Qofka ay biyuhu ama guud ahaan dareeruhu ku yar yahay jidhkiisa, haddii uu dhiig shubo waxa uu khatar u yahay in uu miyir doorsoomo, gaar ahaan marka cimiladu ay kulushahay, ama marka uu jimicsi ama ciyaaro sameeyo, ama uu sabab uun dhidid badani uga yimaaddo iyo marka ay kaadi badani ka timaaddo.
W/D: Kamaal Marjaan