Faa’iidooyinka Qorfaha (Qorofalka) Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Aad Wax Uga Taro

Qorofalku waa dahaadhka / qolofta sare ee geed sannadka oo dhan cagaaran oo ka baxa deegaannada uu maro dhul badhuhu. Waxa uu ka mid yahay xawaashyada caanka ah ee cuntada udugga iyo dadhadhanka macaan u sameeya, sida oo kalan jidhka u leh faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan.

Qoraaga Galina Datsenko ayaa maqaal ay qortay, oo ay shabakadda Aljazeera soo xigatay. Waxa ay ku sheegtay faa’iidooyin caafimaad oo uu leeyahay qorofalka oo taariikhihii hore ahaan jiray cunto dadka maalqabeenka ah oo keliyi qiimihiisa iibsan karaan. Haddaba faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay waxaa kam id ah:

1. Waxa Uu Yareeyaa ‘Infammation’ Ka

Inflammation waa erey bixin aanan helin waxa ay afsoomaali ku noqonayso; waa xaalad ka dhalata isku dayga dabiiciga ee uu jidhku doonayo in uu iskaga difaaco caafimaad darro dibadda kaga timi. laakiin dadaalkaasi uu jidhka ku keeno xanuun ah boogo iyo midab doorsoon gubasho u eeg, cuncun, caabuq iyo xitaa marmarka qaarkood in jidhka meelo ka mid ah qudhmaan. Waxaana marka dambe ka dhasha xanuunno tiro badan oo qaarkood ay khatar yihiin.

Haddaba qorofalku waxa uu awood u leeyahay in uu jidhka ka saaro mariidka ama sunta ka samaysanta cuntada oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee keena ‘Inflammation’ ka. Waxa kale oo ku jira curiyeyaal awood u leh in ay tirtiraan raadadka ‘Inflammation’ ka jidhka oo dhan.

  • 2. Isu dheellitirka sonkorta
  • 3. Hargebka
  • 4. Waxaa laga helaa Kaalshiyaam; oo lagama maarmaan u ah ilaalinta caafimaadka neerfayaasha, lafaha, murugyada iyo wadnaha.

5. Xanuunka midhiricarada ku dhaca ee IBS.

Waxaa jirta xaalad caafimaad oo magaceeda afka ingiriisiga loogu soo gaabiyo ‘IBS’. Waa cillad ku timaadda midhicirada weyn, oo sababta dhibaatooyin ay ka mid tahay; caloosha oo qofka la maroojiyo, amateedka / doonista cuntada oo ka lunta, dibbiro xanuun wadata, naqas badan oo caloosha buuxiya, xab saxarada la socda, moxogga oo aad u xanuuna, shuban, caloos istaag ama labada oo si is xig-xigta isu bed-beddela.

Marka laga tago xaaladahaas hore ee lagu arko qofka xanuunkan qaba. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay waajib tahay in qofku uu dhakhso dhakhtar ugu tago haddii uu isku arko, dhiig xagga dambe ka yimaadda, xanuun joogto ah, siina kordhaya oo uu isku arko habeenkii ama marka uu seexdo iyo miisaanka oo sabab la’aan si aan dabiici ahayn hoos ugu dhaca.

Xaaladda xanuunkan IBS ka oo ay dadku aalaaba fududaystaan, haddii aan la daweyn waxa uu marka dambe keenaa, babaasiir ka dhalata shubanka badan ama calool istaagga badan. Nafaqo darro iyo qulub iyo xaalad nafsi ah oo qofku isku arko.

Marka aynu xanuunkan intaas kaga nimaadno waxa ay daraasadaha caafimaad ee qorofalka waxtarkiisa lagu sameeyey caddaynayaan, in uu caawiyo yaraynta xaaladaha ka dhasha xanuunkan.

6. Lidka Mariidka:

Qorofalka waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay adduunka toddobada shay ee ugu fiican burburinta mariidka / sunta ka dhalata cuntada.

Maaddooyinka lidka mariidku waxa ay caawiyaan awoodda uu jidhku u leeyahay dib u cusboonaysiinta unugyada. Waxa kale oo uu maqaarka ka caawiyaa in aanu midab guurin, isla markaana lumin muuqaalka dhalinyaranimada.

QAABKA LOO ISTICMAALO

Qorofalka waxaa lagu daraa roodhida , kimista iyo noocyada cuntooyinka daqiiqda iyo budada laga dubo, waxaa lagu sameeyaa shaaha waxaana lagu dari karaa noocyo kala duwan oo ka mid ah cuntada marka hore macaanka (Sonkorta) leh.

Digniin

1. Inkasta oo ay qormadani si tafatiran uga warramayso faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo geedka qorofalka, sida oo kalana la helayo daraasado tiro badan oo ka marag kacaya faa’iidooyinka maqaalkani sheegayo in qorofalka laga heli karo iyo kuwo ka sii badan.

Haddana waxa aan ka digayaa in aan qorafalka loo qaadan in uu yahay dawo rasmi ah oo lagaga kaaftoomi karo daweynta xanuunnada aynu soo xusnay.

2. Dawada iyo talada dhakhtarka ayaa mar kasta ka tixgelin mudan Qorafalka.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

miraha, fennel seeds

Qiimaha Caafimaad Ee Miraha Fennel Seeds Iyo Xaaladaha Ay Sida Aadka Ah Wax Uga Taraan

Fennel seeds waa miro muddo dheer bini aadamku u adeegsan jiray dawo ahaan. Waxaa la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *