Faaidooyinka Xulbada iyo Dadka Lagula Dardaarmo Isticmaalkeeda

Xulbada waa geed daweed faa’ido badan u leh banii-aadamka, waxaan ka buuxo nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa:

  • Barootiin
  • Birta (iron)
  • Fiber
  • Magnesium
  • Manganese
  • Calcium
  • Vitamin D
  • Vitamin A
  • Vitamin B

faaidooyinka xulbada:

Xulbadu waxa ay leedahay faaidooyin aan la soo koobi karin waxaana ka mid ah:

1. Cunno shiidista iyo caafimaadka caloosha:

Xulbadu waxa ay uroontahay dheefshiidka, caloosha way jilcisaa waxayna ka hortagtaa calool istaagga. Sidoo kale, waxay ka hortagtaa baabasiirka. Xulbadu yaraysaa aashitada caloosha iyo dibirada waxayna uroon tahay dadka gaaska qabo.

2. Xanuunka caadada:

Xulbadu waxay u wanaagsan tahay haweenka caadada ku xanuunsada way khafiifisaa xanuunka iyadoo caawisa inay si sahlan uga timaado.

3. Xulbada iyo Rabitaanka galmada:

Daraasad la sameeyay ayaa agu arkay in xulbadu ay kordhiso heerka hormoonka testosterone. Daraasadaan oo socotay muddo 2 bilood ayaa ragga qeyb galay waxaa loo qeybiyay labo koox, koox waxaa la siinayay hal xabbo oo kiniini xulbad laga sameeyay ah oo 500 mg ah maalin kasta, halka kooxda kale aan waxbo la siinin. Raggii qaadanayay xulbadda ayaa la arkay in hammadoodu ay wanaagsanaatay.

4. Cudurka macaanka:

Xulbadu waxay caawisaa xakamaynta sonkorta dhiigga, iyada oo wanaajisa shaqada hormoonka insulin. Waxaa lagu daweeyaa nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.

5. Caafimaadka wadnaha:

Xulbadda waxay yaraysaa halista cudurrada wadnaha.

6. Sifeynta dhiigga:

Xulbadu waa sunsaare dabiici ah, waxa ay dhiigga ka nadiifisaa sunta sidaas darteed waxay kor u qaadaa bilicda maqaarka.

7. Caburka iyo san-xiranka:

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka, sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa.

Habka isticmaalka: Waxa aad isku dartaa malqacad ama laba malqacadood oo xulbad shiidan ah, iyo koob biyo ah, isku kari, kadib intaa qaboojiso marka ay kala fadhiisato miir, inta uu weli diirran yahayna cab. Haddii qofku uu sidaa yeelo laba ama saddex jeer maalintii, waxaa ka tegaya  caburka waxa aanay sidoo kale u fiican tahay guud ahaanba caafimaadka.

8. Kordhinta caanaha naaska:

Caanaha hooyadu waa nafaqada ugu muhiimsan ee koritaanka ilmaha. Xulbada waa geedka ugu fiican ee la isku waafaqay in caanaha ay badiso.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *