Faaidooyinka Waa Weyn Ee Digirta Iyo Cudurrada Ay La Dagaallanto

digirta, digir, cambuulo,

Digirta oo marka la kariyo Soomaalida qaarkood u taqaano “Canbuulo”, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin cajiib badan oo caafimaadka iyo horumarka jirka bini aadamka qeyb weyn ka qaadata.

Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalagga ay beertaan ugu horrayso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay islamarkaana ay aaminsan yihiin in cunista digirta cunista digirta aysan ilbaxnimada ka mid ahayn, haddana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, haddii uu qofku ogaan lahaana wuu joogtayn lahaa ugu yaraan todobaadkii 3 jeer.

Hadaba qormadaan oo aynu kasoo xiganay shabakadda Boldsky ayaan isku dayi doonaa in aan soo koobno wax yaabaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan ee digirtu u leedahay dadka daneeya caafimaadkooda iyo horumarka noloshooda.

Digirta waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan waxaa laga helaa barootiin, faybar, Kaalsiyam, Birta (iron) magnesium, phosphorus, potassium, folate, zinc iyo Fitamiinnada C, B1, B2, B3, B6, E iyo Fitamiin K.

Caafimaadka Dheefshiidka:

Digirta waxaa ka buuxo maadada faybar oo ka qayb qaataa caafimaad qabka dheefshiidka, sida ka hortagga calool istaagga iyo ladaalanka boogaha ku dhasha caloosha iyo mindhicirada sidaas awgeed digirtu waxay daawo iyo ka hortagba u tahay calool fadhiga. Digirtu waxay caawisaa in calooshu si fudud ay cuntada u shiido.

Caafimaadka hooyada uurka leh:

Maadaama digirta ay ku badan tahay maadada “folate” ama “Folic Acid” cunisteedu aad ayay ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin. Folic acid wuxuu kaalin weyn ka qaataa in ilmaha uurka ku jira uu koro koritaan caafimaad qaba, isla markaanaa waxa uu xoojiyaa awoodda dhalmo ee hooyada. Haddii hooyadu aysan helin folic acid ku filan xilliga ay uurka leedahay waxay keentaa daal badan, tabar yari, madax xanuun iyo dhiig yari. Digirta waxaa ka buuxo iron oo ka hortagta dhiig yarida, waana sababta loogula dardaarmo dumarka uurka leh iyo caruurta oo u baahan iron badan inay ku dadaalaan cunista digirta.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Digirta waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista kuwaas oo la dagaallamo waxa loo yaqaanno “free radicals” iyo dhakhso u duqoobista unugyada. Tani waxay ka hortaa laalaabka maqaarka waxayna daawaysaa finanka. Digirtu waxay kaloo qani ku tahay iron, zinc iyo barootiin sidaas darteed waxay nafaqaysaa timaha, waxayna ka ilaalisaa daadashada iyo inay khafiif noqdaan.

Kobcinta caafimaadka wadnaha:

Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in cunista digirta ay yarayso halista wadne istaagga iyo cudurka faaligga (stroke). Waxay kaloo yaraysaa kolestaroolka xun ee loo yaqaanno LDL iyadoo xoojiyaa kolestaroolka wanaagsan HDL.

Ka hortagga dhiig karka:

Dhiig karku Waa xaalad caafimaad oo saamayn balaaran leh. Cunista digirtu waxay ka hortagtaa dhiig karka sababtoo ah waxaa ku jira magnesium, potassium, barootiin iyo faybar oo dhammaantood ka qeyb qaataa in cadaadiska dhiiggu uusan dhaafin heerkiisa caadiga ah.

Ka hortagga Xanuunka beerka xeyrta leh:

Xanuunka beerka xeyrta leh waxa uu yimaadaa marka dufan badan uu ku aruuro beerka. Cunista digirtu waxay kobcisaa caafimaadka beerka, waxayna yaraysaa halista xanuunka beerka xeyrta leh sababtuna waa faybarka iyo fitamiin E-ga ku jiro.

Kansarka:

Digirta waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu badan ee laga helo walxaha sunta ka saaro jirka, sidaas darteed waxay hoos u dhigtaa khatarta cudurka kansarka.

Caafimaadka maskaxda:

Digirta waxaa ku jira fitamiin B1 oo muhiim u ah caafimaadka maskaxda islamarkaana kordhiya xusuusta iyo foojignaanta. Cunista digirta oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa maskax falluuqa (dementia) Cudurka iyo xusuusta iyo guud ahaan unugyada maskaxda dila ee loo yaaanno Alzheimer’s disease oo ah cudur hawlgab ka dhiga shaqada maskaxda oo si tartiib-tartiib ah u dila unug-neerfeedyada maskaxda.

Check Also

miraha, fennel seeds

Qiimaha Caafimaad Ee Miraha Fennel Seeds Iyo Xaaladaha Ay Sida Aadka Ah Wax Uga Taraan

Fennel seeds waa miro muddo dheer bini aadamku u adeegsan jiray dawo ahaan. Waxaa la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *