Faaidooyinka Ukunta Ay U Leedahay Caruurta Iyo Xaddiga La Siin Karo Maalintii

faaidooyinka ukunta caruurta,

Ukunta oo si joogto ah oo nidaamsan loo siiyo caruurta waxay ka helaan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxayna ukuntu hodan ku tahay barootiin, xadiid, fitamiinno iyo dufanno caafimaadka uroon. 

Joogteynta ukunta waxay caruurta ka caawisaa inay helaan nafaqadii ay baahnaayeen maalin kasta. Balse waxaa muhiim ah inaan caruurta la siinin ukun saaid ah maadaama ay ku badan tahay barootiinta taas oo haddii si xad dhaaf ah loo cuno raad xun ku yeelan karta kilyaha. Ukun tiro badan oo la cuno, waxay kaloo keeni kartaa dibbiro iyo matag, sidaas awgeed, waxaa lagu taliyaa in la siiyo caruurta hal ama labo xabbo oo ukun ah maalintii si nafaqooyinka kale ay uga helaan cunnooyinka kala duwan. 

Faaidooyinka ukunta ay u leedahay caruurta:  

1. Barootiin:  

Ukuntu waxaa cunno laga helo barootiin dhamaystiran. Barootiintu waa dhagaxa aas-aaska u ah jirka koraya. Ukuntu waxay caruurta kaa caawisaa koriimada iyo inay xoog yeeshaan.  

2. Caafimaadka indhaha:  

Ukunta waxaa laga helaa maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo muhiim u ah caafimaadka indhaha. Maadooyinkani waxa ay aragga ka dhigaan mid faseex ah waxayna yareeyaan saamaynta cilladda “macular degeneration”. Sida oo kale, waxa ay ilaaliyaan caafimaadka xuubka isha.  

3. Maadada choline:  

Ukunta waxaa laga helaa maadada “choline” oo muhiim u ah koboca iyo koritaanta maskaxda caruurta. Halkii xabbo oo ukun ah waxaa ku jira 100mcg oo “choline” ah 

4. Dufanka omega 3:  

Ukunta waxa ay ka mid tahay cunnooyinka laga helo asiidhada dufanka ah ee omega 3 oo u uroon koriimada maskaxda iyo xasuusta. 

Dufankani wuxuu yareeyaa xayrta dhiigga ee loo yaqaanno “triglycerides”, wuxuu ka hortagaa hurka (inflammation), waxaana uu xoojiyaa caafimaadka wadnaha. 

5. Fitamiin D:  

Fitamiinkani wuxuu uroon yahay caafimaadka lafaha ee caruurta koraysa. Intaas waxaa dheer, maadooyinka zinc, “lutein”, iyo “zeaxanthin” ee ku jira ukunta waxay ka qayb qaataan caafimaadka lafaha. 

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, caruurta sida joogtada ah loo siiyo ukunta way ka dheeraadaan wayna ka laf waynaadaan caruurta kale ee aan isticmaalin ukunta. 

6. Dufanno dhamaystiran: 

Ukunta waxaa ku jira dufannada loo yaqaanno “saturated” iyo “unsaturated” oo isku dheellitiran taas cunno fudud oo u fiican caruurta.  

7. Fitamiin B12: 

Ukuntu waa cunno ku ah fitamiin B12 kaas oo aasaasi u ah caafimaadka maskaxda. Fitamiinkani wuxuu muhiim u yahay maskaxda ilmaha iyo kobaca habdhiska neerfeyaasha. 

8. Folic acid: 

Waa fitamiin kale oo muhiim u ah caafimaadka maskaxda. Haddii uu dhacsan yahay, waxaa ka dhalan kara tabaryari iyo dhaawac neerfaha ah. 

Imisa xabbo oo ukun ah ayaa cunugga la siin karaa maaliintii?  

Ma jiro xaddi go’an, laakiin si guud waxaa lagu taliyaa in la siiyo hal ama labo xabbo oo ukun ah maaliintii.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

baadhitaanka, caafimaadka raga,

Baadhitaanno Ay Tahay In Nin Kasta Uu Sameeyo Si Uu U Hubiyo Caafimaadkiisa

Waxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *