Casharkeenna maanta waxaan ku soo qaadanaynaa geedka qajaar qaraarka ee afka Ingiriiska lagu yiraahdo “bitter melon” ama “bitter gourd”.
Qajaar qaraarka dalkeenna laguma beero laakiin wadamada deriska nala ah sida Kenya, Uganda iyo Ethiopia waa lagu beeraa. Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Hindiya.
Inkastoo qajaar qaraarka aysan dad badani jeclayn dhadhankiis, haddana waa khudrad xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo tiro badan oo ay tahay in si joogto ah loo isticmaalo.
Faa’idooyinka caafimaad ee qajaar qaraarka:
Caafimaadka dheefshiidka:
Qajaar qaraarka waxaa ku badan ganka, waxa uu la dagaallamaa calool istaagga iyo dheefshiid xumada. Waxa uu jirka ka nadiifiyaa sunta waxaana uu dilaa bakteeriyada caloosha.
Xakamaynta sonkorta:
Waa khudradda ugu waxtarka badan dhanka sonkor yareynta inta maanta la ogyahay, wuxuuna bukaanada qaar u geli karaa beddelka dawooyinka loo qaato xanuunka sonkorowga noociisa labaad, wadammo badan oo qaaradda Aasiya ku yaalla cabitaankiisa ayay ku xakameeyaan sonkorowga.
Qajaar qaraarka waxaa ku jira maadooyinka “polypeptides” iyo “vicine” oo caawiya dawaynta sonkorowga. Maadada “polypeptides” waxa ay xakamaysaa sonkorta dhiigga maadaama ay aad ugu egtahay maadada uu ka samaysan yahay hormoonka insulin.
Caafimaadka indhaha:
Qajaar qaraarka waxa uu kobciyaa caafimaadka indhaha maadaama uu hodan ku yahay fitamiin A iyo maadada beta-carotene.
Caafimaadka maqaarka:
Qajaar qaraarka waxaa ka buuxa fitamiinno, maadooyinka sunsaarista, macdano iyo gan, sidaas darteed waxa uu uroon yahay maqaarka. Jirka ayuu ka sifeeyaa sunta maqaarkana wuu qooyaa. Qajaar qaraarku waxa uu wajiga siiyaa dhalaal dabiici ah waxaana uu daweeyaa findoobka.
Dhagaxaanta kelyaha:
Qajaar qaraarku waxa aad ugu roon yahay dad leh dhagaxaanta kelyaha ku samaysma, waxaa uu yareeyaa heerarka aashitada, waxaa uu caawiyaa burburinta dhagaxanta kelyaha.
W/D: Hirsi Ahmed