Faa’idooyinka Caafimaad Ee Sabiibku Uu Leeyahay

Allaha na abuuray ayaa ku mahadsan nicmooyinka uu na siiyay geed kasta Alle abuuray wuxuu leeyahay waxyaalo u gaar ah oo loogu tala galay khalqiga inay ka faa’idaystaan,  sabiibku waa canab la qallajiyayGrapes

Dr. Maxamed Cilmi Oo Ku Xeel Dheer Dawaynta Dabiiciga Ah, Buurnida Iyo Dhuubnimada, Isla Markaana Ka Tirsan Jimciyadda Maraykanka Ee La Dagaallanka Buurnimada Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Midhaha Sabiikbku ay Leeyihiin Faa’idooyin Caafimaad Oo Tiro Badan. Dr. Xilmi Waxa Uu Sheegay In Faa’idooyinkaas Caafimaad Oo Ay Ka Mid Tahay In Sabiibku uu dawayo Qaar Ka Mid Ah Cudurrada Jidhka Ku Dhaca Ayaa Waxa Kale Oo Uu Sheegay Xaaladahan Hoos Ku Xusan:

1. Sabiibku Waxa uu u Fiican yahay Dadka Ay Aad Hoos Ugu Dhacaan Unugyadooda Dhiigga Cas, Oo Ah Xaaladda Afka Qalaad Lagu Yidhaahdo Anemia (Aneemiya)

2. Sabiibku Waxa uu Jidhka Siiyaa Tamar Dabiici Ah Oo Ka Caawin Karta In Uu U Adkaysto Dhibta Iyo Daalka Hawl Maalmeedka.

3. Sabiibku Waxa uu Dawo u yahay Suuska Oo Ah Cudur Dunida Oo Dhan Fara Baas Ku Haya.

4. Sabiibku Waxa uu Xoojiyaa Wadnaha Waxa uuna Kor U Qaaddaa Caafimaadkiisa.

5-Sabiibku wuxuu xoojiyaa caloosha iyo beerka, wuxuu daweeyaa hunguriga iyo xabadka iyo kilyaha iyo sambabka iyo kaadihayska, inta biya lagu karkariyo oo lagu daro wax yar sokor ah ayaa loo adeegsadaa qufaca in lagu dejiyo.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *