Faa’idooyinka Caafimaad Ee Dabaasha

Daraasadaan ayaa waxaa ay ka faaloonaysaa faa’idada la hubiyay ee dabaalashadu ay leedahay, waxaana ay ku baaqeysaa in la joogteeyo si caafimaadka jirka loo ilaaliyo.
dabaasha
Daraasdaan soo saaristeeda oo waqti ay ku bixiyeen Qurbaro ku xeel dheer dhanka caafimaadka una dhashay Germany, waxaa ay muujiyeen qeybaha sida gaar ah caafimaad ahaan ay ugu wanaagsan tahay dabaalashada.

Prof. Faroo Boosa oo Bare ka ah jaamacad lagu barto culuumta dabaasha kuna taala gudaha dalka Germany, waxaa uu qabaa dabaashu inay tahay mi caafimaad ahaan u wanaagsan kala goysyada ayna. Wuxuu intaa raaciyay jamacadoodu inay ku dhiiri galinayso bulshada caalamka inay bartaan dabaasha.

Waxaa uu carababay qofka haduu dabaasho mudo nus saac ah, in uu gubaayo 350-enerjiga ku jira jirkiisa ayna tahay mid aad ugu muhiimsan dadka – waayo waxa kala baxaayo jirka waxaana wada shaqeynaayo guud ahaanba xubnaha jirkiisa.

Bulshada dalka Germany 90% ayaa waxaa ay doorbideen dabaalashada si caafimaadkooda ay u ilaaliyaan, ra’yi uruurin la sameeyay ayaa sidaasi muujisay.

Mowliid Sheekh Maxamed (Urur)

Check Also

Haddii Aad Ka Cabanayso Hurdo Xumo, Ku Dedaal Caadooyinkan Wanaajiya Tayada Hurdada

Hurdadu waxay aasaasi u tahay nolosha iyo  caafimaadka qofka. Waxa ay maskaxda ka dhigtaa mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *