Faa’idooyinka Ay Leedahay In La Yareeyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Isticmaalka baraha bulshada waxa aynnu ka helnaa aqoon guud iyo xogo marar ka qaarkood waxtar leh, sida oo kale waa maaweelo iyo maararrow aynnu waqtiga firaaqada isku dhaafin karno, laakiin taas beddelkeeda waxa uu dilaa waqtigeenna, marar badanna waxa uu ina siiyaa xogo is burinaya oo jaahwareer keena, ama innagu abuura niyad jab, cadho iyo xaalado nafsi ah, xeeldheereyaashuna waxa ay aaminsan yihiin in xitaa caafimaadka jidhka iyo ka dhimirkaba uu u daran yahay.

Warbixin ay Aljazeera soo ururisay ayaa ay ku soo koobtay faa’idooyinka uu qofku helayo haddii uu ka dheeraado ama yareeyo isticmaalka baraha bulshada.

– Waxaa 40% kor u kacaya waxsoosaarkaaga shakhsiga ah ee shaqada aad hadba hayso.

– Waxaa kordhaya hal-abuurka iyo curinta maskaxda, sababtuna waa in qofku uu helayo fursad uu si xorriyad ah u fikiro.

– Marka aad joojiso isticmaalka badan ee baraha bulshada, bilowga waxa aad dareemaysaa warwar iyo waxoogaa xasilooni la’aan nafsiya ah. Waxa ay maskaxdu ku mashquulaysaa isweydiinta in ay dhaafeen waxyaabo muhiim ah oo ay ka ogaan lahayd baraha bulshada. Laakiin dareenkaasi maalmo yar kaddib waa uu iska tirtirmayaa, waxa aanu qofku dib ka bilaabayaa xasilooni, maadaama oo ka fogaanshiyaha baraha bulshadu ay hoos u dhigayso heerka hormoonka Cortisol oo xidhiidh la leh warwarka iyo qulubka.

– Waxaa kordhaya kalsoonida uu qofku ku qabo Naftiisa. La socoshada baraha bulshadu waxa ay qofka ku abuurtaa dareen ah jamasho iyo in uu is barbar dhigo Naftiisa iyo dadka uu ku arkayo baraha bulshada, tusaale ahaan horumarkooda, iwm. taas marka uu arko kuwo badan oo u muuqda in ay noloshoodu ka sarrayso ku abuuraysa isku buuq.

In baraha bulshada laga fogaadaa waxa ay meesha ka saaraysaa isku dhererintii dadka kale, sidaas awgeed waxaa kor u kacaysa kalsoonida nafta lagu qabay.

– Hurdo fiican: Dadka ku mamay isticmaalka baraha bulshada waxaa caado u ah in hurdada ka hor ay ku mashquulaan, taasi waxa ay raad taban ku yeelataa saacaddii ay seexan lahaayeen iyo tayada hurdada ay seexanayaan.

– Waxaa xoogaysanaya xidhiidhka aad bulshada la leedahay: Baraha bulshadu waxa ay abuureen bulsho qof kastaa kelidii talefankiisa ku mashquulsan yahay, waqtiga ugu badanna la qaato. In la joojiyo ama la yareeyo isticmaalka baraha bulshadu waxa ay kordhisaa fursadda uu qofku u helayo dhexgalka bulshada.

– Jimicsiga jidhka: Baraha bulshadu waxa ay qofka ku abuuraan caajis uu diido xarakaadka, waxa aanu waqti badan ku qaataa fadhiga.

– Cadhada oo yaraata: Dhaqannada baraha bulshada waxaa ka mid ah in qofku uu ku dhiirrado dhaliisha iyo aflagaadada cid kale, taas oo aan dhacdeen haddii uu qofka si toos ah u hortaagan yahay, ama ugu yaraan uu ka edeb badnaan lahaa.

Baraha bulshada oo aad yaraysaa waxa ay kaa badbaadinaysaa dagaallo macno darro ah oo aad la gasho dad aydaan wax cad isku haysan ee keliya afkaartiinu kala baydhay.

Sida oo kale waxa ay kaa badbaadinaysaa in aad mar kasta ka cadhooto cid aydaan is aqoon ama aanay waxba idinka dhexeyn iyo xaalado aanad waxba ka qaban karayn.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

yoolka, hadafka,

Dadka Boqolkiiba 8 Keliya Ayaa Ku Guulaysta in Ay Yoolkooda Gaadhaan

Sannad kasta curashadiisa, dadka badankoodu waxa ay dejistaan qorshayaal ay doonayaan in ay ku gaadhaan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *